Ruushka oo muhaajiriinta ku qasbaya in ay ku biiraan dagaalka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxda calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner ay qabteen kumanaan maxaabiis ah si ay ugu biiraan dagaalka Ukraine.
Balse tirada dhimashada iyo dhaawaca oo aad u badan awgeed, waxaa adag in la helo dad doonaya inay dagaalka ku biiraan, xitaa kuwa xabsiyada dalka ku jira.
Maxaabiis badan ayaa hadda ka cabsi qaba in lagu qasbo in ay ku biiraan dagaalka,sidoo kale muhaajiriinta Asian-ka ah ayaa xaaladdan la kulmaya.
Anuar ayaa u aaday dalka Ruushka si uu shaqo u raadsado sanadkii 2018. Ka dib waxaa lagu xiray dambi ah inuu tahriibin jiray lawska, halkaas oo loo diray xabsiga Ciqaabta ee ku yaalla deegaanka uu ka soo jeedo Madaxweyne Putin. BBC-du ma shaacin doonto magaciisa oo buuxa iyo dalka uu u dhashay sababo amni awgeed.
Dhamaadkii bishii Janaayo, wuxuu u sheegay aabihiis in qaar ka mid ah Aasiyaanka lagu xiray guryaha laguna qasbay inay ku biiraan dagaalka Ukraine iyaga oo aan rabin.
"Waxaa jira dad badan oo u dhashay dalalka Uzbekistan, Tajiksitan iyo Kyrgyz oo xabsiyada ku jira. Haddana waxay qorsheynayaan inay maxaabiis kale u diraan dagaalka Ukraine, "wiilkaygu wuxuu ka baqayaa inuu ka mid noqdo maxaabiista la diri doono," sida Anuar aabihiis u sheegay BBC-da.
BBC-da waxay aragtay dukumentiyo maxkamadeed iyo waraaqo ka yimid Anuar oo xaqiijinaya in Anuar runtii ku jiro xabsi.
Waxaa hadaladiisa ka mid ah ahaa maxaabiista qaar in lagu qasbay inay ku biiraan dagaalka Ukraine bishii Janaayo , taasi oo sii xoojineysa warbixin ay soo saartay agaasimaha hay'ad xuquuqul insaanka ee dalkaas haweenayda lagu magacaabo Olga Romanova.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxa ay intaasi ku dartay in waalidiinta maxaabiista ay doonayeen in ay tagaan maxkamada si ay u arkaan in caruurtooda aysan aadin Ukraine.
Laakiin way diideen, cabsi ay ka qabaan in dhibaato loo gaysto carruurtooda haddii ay xabsiga ku sii jiraan.
Xabsiga ay ku jiraan wuxuu caan ku yahay jirdilka maxaabiista. Xabsigan ayaa ah kan lagu xiray ninka caanka ah ee mucaaradka Alexei Navalny.
Maamulka xabsiga ayaan wax jawaab ah ka bixin fariin ay BBC-du u dirtay oo ahayd in laga in ay ka jawaabaan eedeymaha ah in maxaabiista lagu qasbay in ay ku biiraan ciidamada, si loo geeyo goobaha dagaalka ee Ukraine.
Qaadashada askarta xabsiga waa sahlan tahay, laakiin arrimuhu way isbedelaan sababtoo ah kooxda Wagner ayaa wajahaysa khasaare culus oo la xiriira askrtooda jiidda dagaalka.
Guud ahaan, waxaa jira ilaa 10.5 milyan oo muhaajiriin ah oo ka soo jeeda Uzbekistan, Tajikistan iyo Kyrgyzstan oo ka shaqeeya Ruushka, sida lagu sheegay tirokoobyada wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaas. Tani waa wax ka farxin doona kooxda Wagner.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maamulka Ruushka ayaa dadka doonaya in ay ku biiraan ciidamada dalkaasi waxa ay fursad u siiyeen in ay helaan sharciga dalkaas.
Waxa kale oo jirta xayaysiisyada adeega milatariga ee bilaashka ah ee Ruushka oo loogu talagalay muwaadiniinta Uzbekistan, Kyrgyzstan iyo Tajikistan oo ku qoran afkooda.
Laakiin dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ayaa sheegaya in tani aysan had iyo jeer ahayn waddo sax ah.
Valentina Chupik, oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dadka soogalootiga, ayaa BBC -dau sheegtay in mararka qaarkood booliisku ay waddooyinka ku joojiyaan muhaajiriinta ka soo jeeda qaaradda Aasiya oo ay waliba xiraan, mararka qaarna dalka ayaaba laga saaraa.
Muhaajiriinta intooda badan ma heystaan sharciga degenaanshaha dalka, sidaas darteed waxay wajahaan dhibaatooyinka dhanka sharciga ah waana sababta keentay inay si fudud ugu biiraan ciidanka.
Balse inta badan dadka soo galootiga ah ee ku sugan dalka Ruushka ayaa waxaa ilaaliya ciidamada ammaanka oo ku khasba inay ka mid noqdaan ciidamada si ay u geeyaan goobta dagaalka.











