Ma ogtahay in aad lugaysaa maalin walba in ay ka hor tagto xanuunno badan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Muddo dheer ayaa la sheegayey in 10,000 tallaabo maalintii ay tahay tirada ugu wanaagsan ee aad u baahan tahay in aad gaadho si aad u ahaato qof caafimaad qabta - laakiin daraasad cusub oo dhawaan la sameeyey ayaa muujinaysa haddii se aad samayn karto wax ka yar 5,000 tallaabo ay ku filnaan karto kolka dhanka faa’iidada laga eego.
Falanqayn lagu sameeyey in ka badan 226,000 oo qof oo adduunka ah ayaa muujisay 4,000 tallaabo inay ku filan tahay haddii ay sameeyeen in ka yaraanayso khatarta ah in ay si degdeg ah u dhintaan iyo dhibaatooyin kale.
Laakiin makasta oo aad lugayso in ka badan intaas, faa'iidooyin caafimaad oo badan ayaa lagii sii helayaa, sida ay sheegeen cilmi-baadhayaashu.
1,000 kasta oo tallaabo oo dheeraad oo aad sii samayso oo ka baxsan 4,000 waxay hoos usii dhigtaa halista uu qofku ku dhiman karo xilli hore 15% ilaa haddii aad gaashsiiso illaa 20,000 tillaabo.
Kooxda ka socota Jaamacadda Caafimaadka ee Lodz ee Poland iyo Jaamacadda Johns Hopkins School of Medicine ee Maraykanka ayaa baahiyey faa'iidooyinka socodka kolka loo eego dhammaan jinsi kasta, lab iyo dheddig, da'da, iyo iyada oo aan loo eegin meesha ay ku nool yihiin.
Si kastaba ha ahaatee, faa'iidooyinka ugu wemuhiimsan ayaa la sheegay kuwo ka helaa in ay yihiin dadka 60-dankii ka yar.
Prof Maciej Banach, oo ka tirsan jaamacadda Lodz, ayaa sheegay in iyadoo tirada dawooyinka horumarsan ee adduunku ay sii kordhayaan, haddana iyaga keliya ma aha jawaabta xanuun kasta.
"Waxaan aaminsanahay in aan mar walba aan xoogga saarno in isbeddelka hab-nololeedkeenna, oo ay ku jiraan cuntada iyo jimicsiga, ay yihiin waxa ugu muhiimsan, kuwaas oo dhimi kara ama kor dhin kara khatarta xanuunnada wadnaha iyo si guud nolosheenna cimrigeedaba," ayuu yidhi.
Kolka loo eego xogta ay kaydisay Haayadda Caafimaadka Adduunka, jidhka oo aan helin dhaqdhaqaaq aan ku filnayn ayaa mas'uul ka ah 3.2 milyan oo dhimasho ah sannad kasta – taas ooo ah sababta afraad ee ugu badan adduunka ee ay dadku u dhintaan.
Kolka loo eego xogta ay kaydisay Haayadda Caafimaadka Adduunka

Xigashada Sawirka, getty image
Honey Fine, oo ah tababare dhanka jimicsiga ah iyo macalinka shirkadda jimicsiga caalamiga ah ee Barry, ayaa ka warrantay dhibaatooyinka ka yimaada fadhiga badan.
"Waxay hoos u dhigi kartaa dheef-shiid kiimikaadkaaga waxayna saameyn kartaa koritaanka murqaha iyo xoogga, taas oo keeni karta xanuun iyo daal," ayay u sheegtay BBC-da.
"n aad fadhiddid waqti dheer waxay sidoo kale keeni kartaa dhammaan noocyada xanuun eek u dhaca dhabarka, waxaan aad ugu aragnaa tan dadka qabta shaqooyinka xafiisyada, in dhabarka ay si joogto ah ugu tiiriyaan n meel cadaadis taas oo keenta dhibaatooyin badan oo noloshooda danbe ah."
Faa'iidooyinka kale waxaa ka mid ah xoojinta caafimaadka maskaxdaada iyo sida oo kale helidda waqti muhiim ah oo ka fog shaashadaha iyo waxyaabaha kale ee mashquulka keena.
Socodku wuxuu ku habboon yahay "ku dhawaad qof kasta” waxaana uu u fiican yahay kala-goysyada iyo murqaha, ayay raacisay.
Farsamooyin muhiim ah oo ka yimi tababare dhanka jimicsiga ah.
- U lugee meelaha dhawdhaw intii aad raaci lahayd bas ama gaadhi.
- Haddii aad ku shaqayso xafiis, taleefanka ku xidho si u uku xasuusiyo xilliyadii ay ahayd in aad kacdo oo xoogaa so warwareegto.
- Haddii aad uur leedahay socodka waa jimicsiga ugu mudan ee aad u baahan tahay.
- Samee maalin kasta soddon minit oo socod adiga dhegaysanaya Podcast.
- Asxaab la lugee meelaha beeraha ah ama eygaaga haddii aad haystid.
- Socodka gaagaaban ku bilaw illaa marka danbe aad ka gaadho in aad u kala lugayso magaalada oo dhan.













