Sacuudi Carabiya oo khafiifinaysa shuruucda khamrada baarar cusubna furaysa

Sacuudi Carabiya ayaa fududaysay xayiraadihii saarnaa iibinta khamriga ee loo oggolaa shisheeyaha dalka ku sugan.

Sannadkii hore, dowladda Sacuudiga waxay baar (bar) ka furtay caasimadda dalka, Riyadh, halkaas oo kaliya loo oggolaa in diblomaasiyiinta shisheeye ay ka iibsan karaan khamri. Si kastaba ha ahaatee, sida ay sheegeen dhowr wakaaladood oo warar ah, dowladda Sacuudiga ayaa hadda khamriga ka iibinaysa ajaanib kale oo aan Muslimiin ahayn.

Waxaa xusid mudan in khamriga gabi ahaanba laga mamnuucay Sacuudi Carabiya muddo 73 sano ah, laakiin ka dib markii baarkaas laga furay Riyadh sannadkii hore, waxaa soo baxay calaamado muujinaya in xayiraadda la fududayn doono.

Sida laga soo xigtay website-ka wararka ee Semaphore, dukaankaas laga furay Riyadh sannadkii hore ayaa hadda billaabay in uu khamri ka iibiyo diblomaasiyiinta iyo sidoo kale muwaadiniinta kale ee aan Muslimiinta ahayn ee haysta barnaamijka "Premium Residency Program" (Ruqsadda Deganaanshaha Sare).

Muwaadin shisheeye ah oo ku sugan Sacuudi Carabiya ayaa u sheegay Bloomberg in uu dhowaan khamri ka iibsaday baarka ku yaalla Riyadh.

Dowladda Sacuudiga weli kama aysan hadlin wararkan.

Si kastaba ha ahaatee, sanadkii lasoo dhaafay, dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in iibka aalkolada ee dukaanka ku yaalla Riyadh lagu koobi doono shaqaalaha diblomaasiyiinta ee fadhigoodu yahay boqortooyada, kuwaasoo tobnaankii sano ee lasoo dhaafay khamri kasoo dhoofsanayay dalalkooda iyadoo lagu soo xiray baco si rasmi ahna dalkaas loo soo gelinayay.

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in ujeedda furitaanka dukaankaas khamriga ay tahay in wax laga qabto ka ganacsiga sharci-darrada ah ee khamriga.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sidoo kale la hadashay ajaanib haysta fiisooyinka 'premium' (fiisooyinka darajada sare), kuwaas oo xaqiijiyay inay dhawaan khamri ka iibsadeen baar ku yaalla magaalada Riyadh.

"Waxaan arrintan ka maqlay qaar ka mid ah asxaabtayda. Waxaan aaday halkaas labo maalmood ka hor, waxayna ahayd sidii ay sheegeen oo kale," ayuu qof shisheeye ah u sheegay AFP.

"Sidoo kale, lacag ayay ii kaydisay. Qiimuhu waa mid macquul ah, ugu dambayntiina waxaan iibsan karnaa khamri hadda."

Qorshaha labo magaalo kale oo Sacuudiga ku yaalla looga furayo baarar khamriga lagu gado

Dhinaca kale, ilo-wareedyo badan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Sacuudi Carabiya ay sidoo kale qorshaynayso in ay labo goobood oo cusub oo lagu iibiyo khamriga ka furto magaalooyinka Dhahran iyo Jeddah.

Ilo-wareed ayaa u sheegay Reuters in baar cusub laga dhisi doono xerada shirkadda Aramco ee Dhahran, kaas oo loogu talagalay shaqaalaha aan Muslimiinta ahayn ee ka shaqeeya shirkadda, iyo in mas'uuliyiinta Sacuudiga ay arrintan ku wargeliyeen.

Labo ilo-wareed oo kale ayaa sheegaya in baar kale loo dhisi doono diblomaasiyiinta aan Muslimiinta ahayn ee jooga Jeddah, halkaas oo ay ku yaalliin qunsuliyadaha dalal dhowr ah.

Ilo-wareedyadu waxay sheegayaan in labada goobood ee cusub ee lagu iibiyo khamriga la filayo in la furo sannadka 2026-ka.

Khubarrada ayaa tallaabadan ay qaadday dowladda Sacuudiga ugu yeeraya inay qayb ka tahay Qorshaha Hormarinta ee "Vision 2030" ee Dhaxal-sugaha Maxamed bin Salmaan, kaas oo ujeedkiisu yahay in bulshada Sacuudiga la furfuro (laga dhigo mid xorriyad badan) ilaa xad.

Dhowr isbeddel ayaa dhacay tan iyo markii uu Amiir Maxamed bin Salmaan uu noqday Dhaxal-sugaha, waxaana habka furitaanka baarrkan ee boqortooyada Sacuudiga loo arkaa inuu qayb ka yahay qorshihiisa.