You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxaad ka taqaan Muftiga cusub ee ugu sarreeya Sacuudiga, maxayse tahay muhiimadda jagadan
Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis ayaa Arbacadii soo saaray wareegto uu Sheekh Saleh Al-Fowzan ugu magacaabay inuu noqdo Muftiga ugu weyn Sacuudiga, Guddoomiyaha Golaha saree e Culumada iyo Madaxweynaha Guud ee Cilmi-baarista Sayniska iyo Ifta ayaa u dhigma darajada wasiir ah. Wareegtada ayaa lagu saleeyay soo jeedinta dhaxal sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan Bin C/casiis.
Al-Fowzan waa Muftiga afaraad ee Boqortooyada Sacuudiga, waxaana ka horeeyay Sheekh Maxamed bin Ibraahim Al-Sheekh, Sheekh Cabdul Casiis bin Baz, iyo Sheekh Cabdul Casiis Al-Sheekh, oo xilka hayay muddo labaatan sano ah, wuxuuna geeriyooday 23-kii Siteembar.
Sida laga soo xigtay shabakada rasmiga ah, Sheekh Al-Fowzan waxa uu dhashay sannadkii 1354-tii Hijriyada, kuna beegan 28-kii Siteembar 1935-kii, wuxuuna ka dhashay qoys ka tirsan qoyska Al-Wadaaciin oo ka tirsan qabiilka Al-Shamas ee Dawaasir ee magaalada Al-Shamasiyah Al-Qassim.
Aabihii wuxuu dhintay isagoo yar. Waxa uu Qur'aanka Kariimka ah iyo aasaaska akhriska iyo qoraalka ka bartay imaamkii masaajidka magaalada Sheekh Xaamud bin Suleymaan Al-Tilaal oo ugu dambayntii garsoore ka noqday magaalada Dhariya ee gobolka Qaasim.
Tacliintiisii
Al-Fawzan waxa uu waxbarashadiisa ka qaatay culimo iyo fiqiyaal badan oo uu ka mid yahay Sheekh Cabdul Casiis bin Cabdallah bin Baz oo ahaa Muftiga Sucuudiga ee geeriyooday; Sheikh Abdul Rahman Al-Saadi oo ah qoraaga Tafsiir Taysir Al-Karim Al-Rahman fi Tafsiir Kalam Al-Mannan; iyo Sheekh Cabdallah bin Xamiid oo ah Guddoomiyaha Golaha Sare ee Garsoorka.
Wuxuu ku biiray iskuul dawladeed markii laga furay Al-Shamasiyah sannadkii 1369-kii Hijriyada, wuxuuna waxbarashadiisii hoose ku dhammaystay dugsigii Al-Faisaliya ee Buraydah sannadkii 1371-kii. Ka dib waxa uu waxbarashadiisii ka sii watay machadka cilmiga ee Buraydah markii la furay sanadkii 1373 ee Hijriyada, waxaanu ka qalin jabiyay sanadkii 1377 ee Hijriyada.
Sheekh Al-Fawzan waxa uu markaas u wareegay magaalada Riyaad oo uu wax ka bartay kulliyadda shareecada, isaga oo shahaadada koowaad ee jaamacadda ka qaatay sannadkii 1381-kii Hijriyada, una dhiganta sannadkii 1961-kii.
Shahaadada Master-ka ayuu ka qaatay Fiqhiga isaga oo ku takhasusay sharciga dhaxalka, oo si gaar ah uu u bartay. Ka dib waxa uu shahaadada PHD ku qaatay cilmiga Fiqhiga Islaamka.
Shaqadiisii
Markii uu ka qalin jabiyay kuliyada shareecada waxaa loo magacaabay macalin machadka cilmiga sayniska ee Riyaadh. Ka dib waxa loo bedelay kuliyadii shareecada, ka dibna waxa loo bedelay qaybta daraasaadka qalin jabinta ee kuliyada aasaasiga ah ee diinta, ka dibna machadka sare ee garsoorka oo markii dambe loo magacaabay agaasime. Intaa ka dib waxa uu ku laabtay halkaas si uu ardayda wax u baro ka dib markii ay dhamaatay muddadiisii xil haynta agaasimenimada.
Sheekh Al-Fawzan waxa uu kormeeray culimo badan oo Master iyo PhD sameeyey. Waxa uu imaam, daaci iyo macalin ka soo noqday Masjidka Amiir Miteb bin Abdulaziz Al Saud ee Al-Malaz.
Waxaa loo magacaabay xubin ka mid ah Guddiga Joogtada ah ee Cilmi-baarista iyo Ifta, ka dibna xubin ka mid ah Golaha Culumada Sare, Xubin ka tirsan Golaha Fiqhiga ee Makkah Al-Mukarramah ee xiriirka la leh Ururka Muslimiinta Adduunka, iyo xubin ka mid ah guddiga kormeerka ee wacdiyeyaasha xajka.
Sheekh Al-Fawzan waxa kale oo uu si joogto ah uga qayb qaataa qoraallada joornaallada cilmi-baarista, cilmi-baarisyada, muxaadarooyinka iyo fatwooyinka qaarkood oo la uruuriyey lana daabacay.
Xiriirkii uu la lahaa Sheekh Cabdulcasiis bin Baz
Sheekh Al-Fawzan waxaa saameyn ku yeeshay Muftiga ugu weyn Sacuudiga ee geeriyooday Sheekh Cabdul Casiis bin Baz. Waxa uu sharciga dhaxalka ka bartay kulliyadda shareecada ee magaalada Riyaad, ayadoo ay taa u dheerayd inuu sii wado dhigidda casharrada, jeedinta muxaadarooyinka, iyo kulamada culimada. Wuxuu kaloo lahaa barnaamijyo idaacaded oo ka hadla aqoonta iyo fatwada.
Tan iyo markii Al-Fowzan uu u soo wareegay shaqada Dar Al-Iftaa, Sheekh Cabdul-Caziiz bin Baz waxa uu u ahaa muraaqib, wuxuuna ka faa'iideystey aqoonta uu u leeyahay shareecada Islaamka, xaqiijinta fatwada iyo jawaabaha uu u cuskanayo daliilka Qur'aanka iyo Sunnada.
Muhiimadda Muftinimada
Muftiga weyn ayaa ah jagada ugu sarreysa xagga diinta iyo garsoorka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Waxaa lagu magacaabaa digreeto boqor, wuxuuna madax ka yahay Golaha Aqoonyahannada Sare iyo Guddiga Joogtada ah ee Cilmi-baarista iyo Ifta.
Xilkan waxaa lagu aasaasay wareegto uu soo saaray Boqor Cabdulcasiis Al Sacuud sanadkii 1953, isagoo Sheekh Muxammad bin Ibrahim Al Sheikh u magacaabay Muftiga guud ee Boqortooyada.
Wixii markaas ka dambeeyay, jagadan waxaa inta badan hayay xubin ka tirsan qoyska Al Sheekh (Muxamed ibn Cabdil Wahaab), sharcigaas oo jabay kaliya markii Sheekh Cabdul Casiis bin Cabdallah bin Baz loo magacaabay xilkan sannadkii 1993-kii, xilkaas oo uu hayay illaa 1999-kii.
Si kastaba ha ahaatee, jagadan ayaa bannaanayd muddo dheer, intii u dhaxaysay 1969 ilaa 1994kii, ka dib markii uu Boqor Faysal baabi'iyay oo uu ku beddelay Wasaaradda Caddaaladda. Jagadaas waxaa dib loo soo celiyay xilligii Boqor Fahad, kaasoo Sheekh Cabdul Casiis bin Baz u magacaabay muftiga weyn ee Boqortooyada 1994-tii.