Tallaabooyinka aad qaadi karto hadii akoongaaga la jabsado inta aan sawiradaada la faafin.

.

Xigashada Sawirka, getty image

Waa arrin dabiici ah in qofku uu ka welwelo suuurgalnimada in ay soo wejahdo in la fashiliyo ama la baahiyo xogtiisa gaarka ah, gaar ahaan xilli dhacdooyinka la xidhiidha jabsashada xogtu ay muddooyinkan danbe is dabajoog noqdeen.

Haddi aynu eegno UK, talaadadii, mid ka mid ah haayadaha kormeera doorashada Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday inay dhibane u yihiin "weerar casri ah oo dhanka internetka ah" kaas oo laga yaabo in uu saameeyay malaayiin codbixiyeyaal ah.

Waxa kale oo soo baxday dhawaan in xogta gaarka ah ee saraakiisha booliiska Waqooyiga Ireland si khaldan loo daabacay.

Laakiin maxaad samayn kartaa haddii aad ka welwelsan tahay in xogtaada khaaska ah la faafiyey, sideese uga hortagi kartaa inay taasi dhacdo?

Intee in leeg ayay xogtaadu aammin tahay?

Guud ahaan, marka hay'ad dadweyne sida Booliiska Waqooyiga Ireland oo kale ay ka jawaabayaan codsiyada la xidhiidha Xorriyadda Macluumaadka, waa inay ka saaraan boggaas dhammaan xogta shakhsi ahaaneed si gaar ah tooda, ee iyaga lagu garan karo. Laakiin kiiskan, booliisku waxay si khalad ah u bixiyeen xogtoodii oo ay ahayd in ay ahaato mid sir ah, taasoo keentay in qaar ka mid saraakiishi ciidanka iyo qoysaskoodiiba ay hadda ku sugan yihiin xaalad ay ka walaacsan yihiin ammaankooda.

Marka la eego weerarkii dhanka Internetka ee isaguna saameeyay codbixiyaasha Ingiriiska, guddiga doorashada ayaa raaligelin siiyay dadka ay saameysay balse waxa ay ku sheegeen shabakadooda in xogta ay hayaan ay tahay mid "xadeysan", inta badana ay ku jirto bogagga guud iyo goobaha dadweynaha.

Waxaana komishanku sii raaciyeen intaas aanay khatar sidaa u baahsan keenaynin.

Waxaana dadka loo sameeyey meel ay ka ogaan karaan in xogtoodii la jabsaday iyo in kale, sida ay komishanka doorashooyinka ee Britain sheegeen.

Maxaad samayn kartaa si aad xogtaada u ilaaliso?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Haddii aad u malaynayso in nambarradaadii sirta ahaa ee akoonkaaga la xaday, waxaa wanaagsan in aad iska beddesho.

Laakiin waa inaad ka taxadirtaa inaadan ka jawaabin iimaylka ama farriinta kugula talinaysaa inaad sidaa samayso, waayo waxay noqon kartaa isku day lagugu khiyaamayn karo - taa beddelkeeda waa inaad si caadi ah u booqataa goobta aad ku lahayd akoonka, oo aad ka beddesho weedhahaaga ama nambarradaada sirta ah halkaas.

Tani sidoo kale waa sababta ay muhiim u tahay in la haysto fure sireed oo kala duwan kuwaas oo kuugu kala xidhnaada akoonnada kala duwan.

Markasta oo aad ilaaliso furahaaga sirta ah una kala beddesho meelaha kala duwan ee aad isticmaasho, waxaa aad yaraanaya khasaaraha ku soo gaadhi kara. Waayo, kuwo wax jabsadaa hal akoon oo ay kaa jabsadaan markaas uma sahli doonto in akoon kasta oo aad leedahay ay u dhacaan, kaas keliya ayaa ay ku koobnaan doonaan, dabcan arrintaasina waxa ay dhimaysaa khasaaraha.

Kolka ay tahay is ilaalinta intenetka, waxyaalaha kale ee ugu muhiimsan ayaa ah feejignaanta.

Daraasad uu dhowaan sameeyay Bangiga Barclays, oo la daabacay Arbacadii, ayaa muujisay in 87 boqolkiiba dhammaan khiyaamooyinka wax lagu jabsado ee ka dhaca aaladaha teknolojiyadda ay u badan yihiin kuwo ka dhaca barnaamijyada shukaansiga, baraha bulshada iyo suuqyada wax laga gato ee internetka.

Daraasadu waxay sheegtay in khiyaamooyinkani ay sii kordhayaan, oo si yar oo lama filaan ah qofka loo khaldayo.

Waxaana ay ku talisay daraasadddu in lagama maarmaan ay tahay in tallaabo laga qaado dadkaas iyaga oo ay midaysan yihiin haayadaha tignoolajiyadda, dawladaha iyo waaxaha xeerar samaynta ku shaqo lihi.

Tallaabooyinka ugu fudud ee se aad ka hortegi karto in la jabsado akoonnadaada internetka ah, ayaa ka bilawda in aad samaysato marka hore nambar sireed xooggan, kuwaas oo ku kala duwan mid kastaa goobta uu yahay, sida oo kalena iska ilaalio email-da iyo farriimaha kaaga imanaya dadka aanad aqoon iyo in aad ka feejignaato marka aad booqnayso bogagga iyo goobaha aanad aqoon.