Ibrahim Kalin: Waa kuma madaxa sirdoonka Turkiga ee booqday Soomaaliya

Ibrahim Kalin iyo Hassan Sheekh Mohamud

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Qoraalka sawirka, Ibrahim Kalin iyo madaxweyne Xasan Sheekh oo madaxtooyada Soomaaliya ku sugan

Ibrahim Kalin oo ah madaxa sirdoonka Turkiga ayaa shalay booqasho ku tagay Soomaliya. Waxaa uu xarunta madaxtooyada kula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Ibrahim uu muujiyay doorka Turkiga ee taageerada amniga iyo xasilloonida Soomaaliya uu muhiim u yahay dowladnimada Soomaaliya.

Kulanka oo uu sidoo kale goob-joog ka ahaa Taliyaha Hay'adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali ayuu ku boorriyay mudnaanta ay dowladda Soomaaliya siinayso iskaashiga labada dal ee arimaha amniga, gaar ahaan dhinacyada la-dagaallanka argagixisada, xoojinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa bishii Juunyo 2023 İbrahim Kalın u magacaabay madaxa Hay’adda Sirdoonka Qaranka dalkaas ee (MIT).

Kalin oo ahaa afhayeenka madxatooyada iyo la taliyaha dhanka siyaasadda arrimaha dibadda ayaa xilkan kala wareegay Hakan Fidan, oo loo magacaabay wasiirka afrrimaha dibadda Turkiga.

Kalin ayaa noqday sarkaalkii labaad ee rayid ah ee aan ka tirsaneyn hay’addaas ee hoggaamiya MIT intii uu Erdogan ahaa raysal wasaare iyo madaxweyne tan iyo sanadkii 2002.

Kaddib markii Ahmet Davutoğlu loo magacaabay wasaaradda arrimaha dibadda May 1, 2009, İbrahim Kalın wuxuu ku biiray saaxiibbada u dhow Erdoğan waxaana loo magacaabay madaxa la taliyaha siyaasadda arrimaha dibadda. Tan wixii intaa ka dambeeyay Kalın ayaa ka sii mid ahaa saaxiibbada u dhow Erdogan.

Waa kuma ninkan?

Kalin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaa loo arkaa in horumar la taaban karo uu booskan u yahay Kalın, oo maqaamka safiirnimo lahaa soona noqday afhayeenkii Erdogan iyo sidoo kale muddo sanado ah ahaa madaxa la taliyaha siyaasadda arrimaha dibadda.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxbarashadiisii Malaysia ilaa Mareykanka

Kalin, oo madaxtooyada ka howlgalayay muddo sanado ah, xogtiisa waxbarasho kuma jirto meel rasmi ah.

Noloshiisa gaarka ah, khirbadihiisa waxbarasho iyo tan xirafdeed ayaa laga heli karaa meelaha qaar.

İbrahim Kalın ayaa sidoo kale wareysi uu sanadkii 2021 siiyay Armağan Çağlayan ku sheegay warbixin buuxda oo ku saabsan waxbarashadiisa, sidii u uku galay siyaasadda iyo noloshiisa gaarka ah.

Kaddib markii uu ka qalin jebiyay Jaamacadda Istanbul, Qeybta Taariikhda, Kalın wuxuu waxbarashadiisa sare ku qaatay Islaamka wuxuuna maaddada falsafadda ka dhigi jiray Jaamacadda Malaysia, haalkaas oo uu Davutoğlu sidoo kale ka shaqeyn jiray.

Wuxuu shahaadada ugu sarreysa ka diyaariyay maaddada falsafadda oo uu ka dhigtay Jaamacadda George Washington ee Mareykanka, oo uu aaday sanadkiii 1996. Wuxuu casharro ka bixin jiray College of the Holy Cross, Georgetown University iyo Bilkent University.

Kaddib Kalın wuxuu noqday bare sare oo dhigi jiray maaddada falsafadda Islaamka. Kalin, oo aan jecleyn in magaca barafasoor uu adeegsado, ayaa sheegay inuu jecel yahay inuu ka hadlo arrimaha isagoo aan magacyadaas loogu yeerin.

Kalin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kalin iyo Joe Biden, oo markaas ahaa madaxweyne ku xigeen, November 2014

Halka ay xirfaddiisa ka bilaabmatay

Wareysi uu siiyay Armağan Çağlayan, İbrahim Kalın wuxuu sheegay in hannaanka uu kusoo galay siyaasadda uu billowday sanadkii 2004 markii Erdoğan, oo xilligaas raysal wasaare ahaa, uu ka codsaday inuu hay’ad afkaarta la isku dhaafsado ka hirgeliyo Turkiga, wuxuuna markaas dalka u yimid fasax waxbarasho. Wuxuu markaas sanadkii 2005 aasaasay hay’adda siyaasadda, dhaqaalaha iyo baaritaanka bulsho ee (SETA).

“Xaqiiqdii, ujeeddadeydu waxay ahayd inaan shaqadaas qabto oo aan jaamacadda dib ugu laabto. Balse sanadkii 2009 waxaan nasiib u yeeshay inaan la taliye sare u noqdo raysal wasaaraha. Wixii intaa ka dambeeyay, xilal kala duwan ataan ka qabtay ayuu ka haya madaxtooyada ilaa afhayeenka madaxweynaha.”

SETA ayaa muddo sanado ah howlo cilmiyeed u qaban jirtay Xisbiga AKP ee dowladda Erdogan, iyadoo door muhiim ah ka cayaartay qaabeynta siyaasadaha xisbiga.

Kalin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ku biiriddiisa kooxda Erdogan

Markii uu soo noqday madaxa SETA intii u dhaxeysay 2005 and iyo 2009, Kalın waxaa loo magacaabay madaxa la taliyaha sare ee siyaasadda dibadda ee Erdogan kaddib markii Davutoğlu loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda 1 May 2009. Wixii intaa ka dambeeyay, wuxuu ka mid ahaa saaxiibbada dhow ee Erdogan.

Muddadaas, Kalin wuxuu noqday xiriiriyihii ugu horreeyay ee raysal wasaaraha ee arrimaha diblomaasiyadda.

Doodda 'kelinimada qaaliga ah'

İbrahim Kalın waxaa aad loogu cambaareeyay hadalkiisii ahaa “kelinimada qaaliga ah”, ee uu yiri muddadiisii ugu horreysay shaqada. Taariikhdu markii ay ahayd 19 August 2013, wuxuu bartiisa Twitter-ka ku qoray, "Sheegashada ah in 'Turkigu keli ku yahay Bariga Dhexe' ma aha run, balse haddii tani tahay cambaareyn, waa in la sheegaa markaas. Tani waa kelinimo qaali ah."

Kahor wax yar markii uu Kalin erayadaas ku hadlay, dibadbaxyadii Gezi ayaa ka dhacay Turkiga, waxayna ahayd markii ugu horreysay ee Erdogan uu la kulmo falcelin xooggan oo bulshada uga timid. Ka jawaabidda dowladda ee bannaanbaxyada ay xoog uga jawaabtay iyo dadkii naftooda ku waayay ayaa sababtay cambaareyn ka dhan ah Turkiga.

Isla muddadaas, Turkiga wuxuu ahaa dalkii falcelinta xooggan ka bixiyay afgembigii Masar July 2013. Isagoo sheegay in dalalka gobolka iyo reer galbeedku aysan si weyn uga jawaabin afgembigan ilaa xukunka laga tuuro madaxweynihii Masar Mohammed Morsi, oo ka tirsanaa dhaqdhaqaaqii Walaalaha Muslimiinta, Erdogan ayaa in muddo ah aaminsanaa sidaas.

Erdogan ayaa gacan qaaday madaxweynaha haatan ee Masar Abdel Fattah al-Sisi, oo afgembigan fuliyay, mar ay sanadkii hore ku kulmeen Qadar.

İbrahim Kalın, ayaa dhanka kale sheegay in hadalkiisa uusan ula jeedin sida loo qaatay.

Wuxuu sheegay in laga yaabo inuu ku khaldanaa inuu si kale u dhigo, balse marnaba Tukrigu uusan keli ahayn.

Kalin

Xigashada Sawirka, Getty Images

La taliyihii iyo afhayeenkii Erdogan

Markii Erdogan madaxweyne loo doortay August 10, 2014, İbrahim Kalın ayaa ka shaqo bilaabay madaxtooyada.

Afhayeenka madaxweynaha ayaa loo magacaabay December 1, 2014, Kalın ayaa xilkan hayay ilaa loo magacaabo madaxa MIT.

Kaddib aftidii la qaaday 2017, Kalın wuxuu sidoo kale ahaa afhayeenka dowladda.

Maaddaama hannaanka cusub ee dowladda Turkiga, ay wasaaradda arrimaha dibadda hoos imaaneysay madaxtooyada, wuxuu Kalin si weyn ugu lug yeeshay arrimaha caalamka.

Wuxuu sanadihii dambe wakiil u ahaa Turkiga, isagoo la xaajoonayay Mareykanka.

Wuxuu Kalin sidoo kale door weyn ka cayaaray hannaanka Sweden iyo Finland ay ugu biirayaan ururka NATO.