Maxay tahay xarunta dowladdii Farmaajo tababarka ciidan ka dhigtay ee qaraxyada lagu weeraray?

Xigashada Sawirka, BBC/SALIHI
Dad ka badan toddobo qof ayaa ku dhintay iyo tiro kale oo intaas ka badan way ku dhaawacmeen labo qarax oo ka dhacay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
Cusbitaalka guud ee Baardheere, oo inta badan la geeyay dadkii qaraxyada ku dhawaacmay ayaa la sheegayaa in adeegyada uu bixiyo aaney dabooli karin baahiyaha caafimaad ee ay qabaan bukaannada halkaa la geeyay. Qaraxyadaas oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa lala beegtay xarun lagu tababaro ciidamo.
Maxay tahay xaruntan?
Xaruntan xilligii dowladdii Kacaanka waxay ahaan jirtay Wakaaladda Hormarinta Beeraha. Waxaa lagu keydin jiray badarka ama masagada ka soo go’ beeraha deegaanka.
Markii dambe dowladdii Siyaad Barre ayaa waxay dowladda Finland ka heshay dhaqaale lagu hormarinayo xarunta taas oo horseedday in laga dhiso laba hangar oo waaweyn oo loogu talagalay in midkiiba lagu keydiyo ilaa 20 kun oo kiintaal. Taas ayaa sahashay in dowladdii xilligaas ay u isticmaasho keydinta masagada ka soo go’da beeraha oo laga iibin jiray beeraleyda si loogu baxsado xilliyada abaaraha.
Xaruntan oo lagu magacaabo ADC ayaa waxay magaalada kaga taallaa dhanka bari ama qorrax ka soo baxa gaar ahaan waddada eelaboorka magaalada. Waxaa masaafo dhan 50 u jira bar koontorool oo ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiyaanka ee qeybta ka ATMIS ee Baardheere.
Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya kaddib gaar ahaan xilliyadii ay jireen xaaladaha amarjansiga ah xarunta ADC waxaa loo isticmaalayay keydinta raashinka hay’adaha gargaarka.
Xarunta ADC waxaa waayadii dambe loo isticmaalay xarun tababar maaddaama ay xero weyn oo dhismayaal ku yaallaan ay tahay.
Dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxay xaruntan u isticmaashay in lagu tababaro ciidan oo boolis ah kuwaas oo Federaal ku biiray.
Maxay yihiin ciidamada hadda lagu tababaray xarunta ADC?

Xigashada Sawirka, Facebook
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ciidamadan la tababaray ayaa waxay ahaayeen ciidamo la soo uruuriyay oo laga kala keenay gobollada Jubbada dhexe iyo Gedo iyo qofkasta oo dhalinyaro ah oo doonaya inuu noqdo ciidan amaba noqon kara.
Ciidamadan oo ku dhawaad lix bilood oo la soo dhaafay lagu tababarayay xarunta ayaa waxaa abaabulay sanatarro iyo siyaasiyiin ka soo jeedo gobolka kuwaas oo sheegay in looga gol leeyahay in al-shabaab looga xoreeyo Jubbada dhexe inkastoo maamulka Jubbaland uu ganafka ku dhuftay arrintan oo ay ku tilmaameen mid siyaasad salka ku hayso.
Siyaasiyiinta abaabushay ciidankaas oo ay hoggaaminayaan Senatar Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag iyo wasiirkii hore ee amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa ku doodaya in ciidanka uu yahay mid Al-Shabaab looga saarayo deegaannada ay ka joogaan Gedo iyo Jubbada Dhexe.
Sanatar Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag oo BBC la hadlay ayaa sheegay in ciidamadani ay yihiin kuwa looga jawaabayay baaqii Madaxwayne Xasan Sheekh ee la dagaallanka Al-Shabab.

Xigashada Sawirka, Aqalka Sare
"Umadda Soomaaliyeed iyo reer Jubbaland-ba waxaan rabaa inaan u sheego in ciidankan Baardheere lagu uruurinayo waa ciidan daraawiish ah oo ay Jubbaland leedahay, Jubbaland macnaheedu ma aha Kismaayo oo kali," ayuu intaa ku daray.
Mr Fartaag ayaa xusay in gobolka Gedo oo Jubbaland ka mid ah aysan joogin ciidamo kuwa Jubbaland ah ayna doonayaan in imika ay ciidamao sameeyaan.
"Jubbaland waa 17 degmo , toddobo degmo oo ka mid ah waa gobolka Gedo oo waa xor oo gacanta Al-Shabaab xor ayay ka yihiin, 17 degmo marka saddex degmo laga jaro inta kale ee soo hortay 14 degmo ahayd oo toddobo ay Shabaab haystaan, toddobo degmo ee xorta ma lahayn ciidamo daraawiish ah oo Jubbaland ah, haatan xeradii waa la furay," ayuu yir Mr Fartaag.
Sanatar Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag ayaa beeniyay in ciidamadan lagu tababarayo ujeeddo gaar ah laga leeyahay.
"Ciidankan ujeeddo siyaasadeed lagama laha, ciidamadan la abaabulayo waa uun ciidamadii Soomaaliya oo dhan laga abaabulayay oo deegaannada laga abaabulayo oo madaxwaynaha Jamhuuriyadda uu ku dhawaaqay ee ah in Shabaab lala dagaallamo, mana aha ciidan la siyaasadeynayo," ayuu intaa ku daray.
Ciidamadan ayaa waxaa lagu qiyaasaa 400 ilaa 500 inkastoo ilo wareedyo ay BBC-da la hadashay ay sheegeen in weerarkii shalay kaddib ay tiradu yaraatay oo qaarkood ka baxsadeen xerada maaddaamaa uu saameyn ku yeeshay weerarkaas oo qaarkood ku dhinteen qaarna ku dhaawacmeen.
Maxay Jubbaland ka tiri ciidanka?

Xigashada Sawirka, JUBBALAND TV
Markii la bilaabay ururuurinta iyo tababarka ciidamadaan ayaa mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland sheegeen in ciidankaas laga leeyahay dano siyaasadeed.
Wasiirka amniga Jubbaland Janaraal Yuusuf Dhuumaal oo mar sii horreeysay la hadlay BBC ayaa sheegay in aysan jirin ciidamo maamulka Jubbaland uu ka warqabo oo lagu tababarayo Baardheere.
"Ciidankaas wax xog ah kama hayno , ciidan Fedraal ama Jubbaland ku shaqo leh-na ma aha haddee qofkii isaga jabhad uruurasanayo isagay u taallaa," ayuu markaasi yiri wasiir Dhuumaal.
Wasiir Dhuumaal oo aan markaas wax ka waydiinnay sababta ay u diidayaan ciidamada Baardheere, ayaa sheegay in loo baahan yahay in si nidaam ah loola dagaallamo Al-Shabaab.
"Annagu dad Al-Shabaab la dirarayo ma diidayno marin xumada ayaan diidaynaa, annaga qofkii muwaadin ah oo hubkiisa wato oo Shabaab la dirirayo waan soo dhaweynaynaa, nidaamka ciidankana qofka markaad qorayso xuquuq ayuu leeyahay," ayuu inta ku daray
Wasiirka amniga Jubbaland Janaraal Yuusuf Dhuumaal ayaa dhanka kale sheegay in dagaal ay Jubbaland Al-Shaabab kula jirto iyaga oo ka jawaabaya baaqii madaxwayne Xasan sheekh.
"Madaxwaynaha wuu ku dhawaaqay in Al-Shabaab lala dagaallamo, Jubbaland- na dagaal ayay ku jirtaa, hadda aan kula hadlayo dagaal ayaa socda maalin walba dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, ayuu markaasi yiri," wasiir Dhuumaal.













