Jiirka dabaasha iyo xayawaanno kale oo noocoodu cusub yahay oo la helay

Jiirkaan oo ah mid xoog badan sidoo kalena leh cago go'an iyo nooc kamid ah kalluunka ayaa kamdi noqday 27 xayawaan oo nuucoodu cusub yahay kuwaas oo ay saynisyahannadu sheegeen in laga helay dalka Peru.

Waxaa laga helay Alto Mayo, oo ka tirsan kaymaha Amazon, halkaas oo ay socdaal ku tageen saynisyahanno ka tirsan Conservation International oo ah hay'adda si bilaash ah ku shaqaysa, sidoo kale socdaalka waxaa qayb ka ahaa kooxo maxalli ah.

Ilaa 48 nooc oo cusub ayaa sidoo kale laga yaabaa in la helay, inkastoo daraasad dheeri ah loo baahan doono si loo go'aamiyo inay cusub yihiin, ayay tiri hay'adda Conservation International.

" Helitaanka noocyo badan oo cusub oo ka tirsan naasleyda iyo laf dhabarlayda waa wax cajiib ah, gaar ahaan waa wax ku cusub aadanaha," ayuu yiri Trond Larsen, oo ah maamulaha sare ee Conservation International.

Alto Mayo waa aag la ilaaliyo oo ku taal waqooyiga Peru oo leh habab badan oo deegaanka iyo dhulalka asaliga ah.

Waxay leedahay meelo kala duwan iyo joog aad u sarreeya, oo cadaadis saaraya deegaanka, ayay tiri Conservation International.

Yulisa Tuwi, oo ah haweeney Awajún ah oo gacan ka geysatay cilmi baarista, ayaa sheegtay in warbixintu "u ogolaato Awajún inay ilaaliso dhaqankeeda, kheyraadka dabiiciga ah iyo dhulkeeda", maadaama ay siineyso faham wanaagsan oo ku saabsan nidaamka deegaanka.

"Awajún'' waxay leeyihiin aqoon durugsan oo dhaqameed oo ku saabsan kaymaha, xayawaanka iyo dhirta ay la nool yihiin," Mr Larsen ayaa yiri.

Socdaalka saynisyahannada ayaa sidoo kale lagu helay nooc cusub oo Dabagaalle ah, siddeed nooc oo kalluun ah, saddex nooc oo laf dhabarlay ah iyo 10 nooc oo balanbaalis ah.

Kalluunkaan "madaxa wareegsan leh" waa nooc cusub oo lagu helay sahanka, balse dadka asaliga ah ee Awajún ee saynisyahanada ka caawinayay socdaalka ayaa horay u ogaa jiritaankiisa.

Saynis yahanada arkay kalluunka ayaa si gaar ah uga naxay qaabka madaxiisa oo wayn wax ayna ku sheegeen inuu yahay wax aanay waligood arag.

Dabagaalkaan yar ayaa cabirkiisa lagu sheegay 14cm (5.5in), oo dherer ah kaas oo u dhigma kala bar nooca dabagaale ee ku nool dalka Ingiriiska, kaas oo u dhexeeya 24 ilaa 29cm, sida ku diiwaan gashan xogta dabagaalle ee UK.

"Waxa uu la egyahay calaacalaha gacantaada, waana mid midab ahaan aad u qurux badan waana nooca chestnut-brown, sidoo kale aad ayuu u orodbadanyahay," Larsen ayaa yiri.

"Dhakhso ayay u boodaan oo waxay ku dhuuntaan geedaha." ayuu raaciyay.

Saynis yahanadu waxa ay heleen nooc cusub oo ah jiirka laf dhabarta leh sidoo kale qaybta kore ee madaxa foodiisa ku leh timo adag, kana mid ah nooca kale ee lafdhabarta leh ee loo yaqaan hedgehog.

Waxa kale oo ay heleen "mouse amphibious" oo ah nooc cusub, kaas oo leh cago go'an waxa uuna ku dhex noolaan karaa biyaha isaga oo quuta cayayaanka ku jira biyaha.

Noocaan ayaa ka tirsan jiirka yaryar ee ku nool biyaha kuwaas oo loo arko inay naadir ku yihiin dunida, noocyada yar ee la ogyahay inay jiraan waxaa horay u soo ogaaday saynisyahano baaritaano kan lamid ah sameeyay dhowr jeer oo hore.