Maxay tahay sababta Puntin uga qoomameeyay inuusan mar hore weerarin Ukraine?

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in ay ahayd in dalkiisu uu duullaan ballaaran ku qaado Ukraine mar hore, si wanaagsanna loogu diyaargaroobo dagaalkaas.

Shirkiisa jaraa'id ee sanadlaha ah ee Khamiistii, Putin wuxuu ku sheegay inay ahayd in "diyaarin nidaamsan" loo sameeyo duulaanka 2022-kii, kaas oo uu ku tilmaamay "hawlgal militari oo gaar ah."

Ruushka ayaa Crimea ka qabsaday Ukraine sanadkii 2014-kii, waxaana ciidamada taageersan Ruushka ay dagaal ka bilaabeen bariga Ukraine, balse sideed sano kadib Putin ayaa isku dayay inuu qabsado caasimadda Ukraine ee Kyiv.

Putin waxa kale oo uu shirkiisii qaatay afarta saacadood kaga hadlay Madaxweynihii Suuriya ee la afgambiyey, Nukliyeerka Ruushka iyo arrimaha gudaha.

Putin waxa uu ka soo muuqday shaashad weyn oo buluug ah oo muujinaysa khariidadda Federaalka Ruushka, oo ay ku jiraan qaybo ka mid ah Ukraine.

Wuxuu su'aalo ka weydiiyey dadweynihii ka soo qeyb galay, saxafiyiinta ajnabiga ah iyo dadka hawlgabka ah – balse munaasabadda ayaa si taxadar leh loo soo agaasimay si adagna loo xakameeyey.

Mar uu tafatiraha BBC-da ee Ruushka, Steve Rosenberg, weydiiyey inuu dareemayo in waddanku ku jiro xaalad ka wanaagsan tii markii uu ka tagay hoggaamiyihii isaga ka horreeyay ee Boris Yeltsin 25 sano ka hor, Putin waxa uu sheegay in Ruushku uu dib u helay "madaxbannaanideeda".

"Wax walba oo ku dhacayay Ruushka xilli hore, waxaan u soconay inaan lumino madax-banaanideena," ayuu Putin ku daray hadalkiisa.

'Diyaar ayaan u ahay la kulanka Trump, tanaasul-na ka galo arrinta Ukraine'

Isagoo ka hadlayay madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, Putin wuxuu sheegay in aysan wada hadlin afar sano, balse uu diyaar u yahay inuu la kulmo "hadii uu isagu doonayo."

Markii loo sheegay inuu ku jiro xaalad hoosaysa marka la barbar dhigo Donald Trump, oo xilka la wareegi doona bisha Janaayo, Putin wuxuu soo xigtay qoraa Mareykanka ah isagoo leh: "Xanta ku saabsan dhimashadayda aad ayaa loo buunbuuniyey," taasoo keentay qosol qaar ka mid ah dadkii goobta joogay.

Dhanka Shiinaha, Putin wuxuu sheegay in xiriirka Ruushka iyo dalka ay deriska yihiin ee bari uu gaaray heerkii ugu sarreeyay, isla markaana ay labada dal iska kaashanayaan siyaasaddooda adduunka.

"Tobankii sano ee la soo dhaafay, heerka iyo tayada xiriirkeena [Ruushka iyo Shiinaha] wuxuu gaaray heer aynaan horay u arag taariikhdayada oo dhan," ayuu raaciyay hadalkiisa.

Shirkiisa qayb ka mid ah ayuu diiradda ku saaray dagaalka Ukraine, iyadoo Putin uu sheegay inuu "u furan yahay tanaasul" si loo soo afjaro dagaalka - in kasta oo aysan caddayn nooca tanaasulku u yahay.

Waxa uu sheegay in ciidamada Ruushku ay horumar ka samaynayeen jiidaha hore ee dagaalka "maalin kasta", isaga oo ciidamadiisa ku tilmaamay "geesiyaal".

Waxa kale oo uu ka hadlay mashaariicda dhismaha ee Ruushku ka wado degaannada uu ka qabsaday Ukraine, isagoo sheegay in tayada waddooyinka gobolka Luhansk ee Ukraine ay aad u soo hagaagtay tan iyo markii ay qabsadeen ciidammada Ruushku taageero sannadkii 2014-kii.

Markii la waydiiyay, haddii reer galbeedku "helaan fariinta" ku saabsan isbedelka Ruushka ee nukliyeerka, , wuxuu yiri, "waa inaad waydiisaa iyaga".

Isbadelka Nukliyeerka ayaa u ogolaanaysa Ruushka in uu weerar Nukliyeer ah ku qaado waddan kasta haddii uu taageero waddan leh quwadda nukliyerka.

Tani waxay ka dhigan tahay in haddii Ukraine ay weerar weyn ku qaaddo Ruushka oo ay adeegsato gantaalaha caadiga ah, diyaaradaha dagaalka, ama diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ay buuxin doontaa shuruudaha jawaabta nukliyeerka, sida weerar lagu qaado Belarus ama khatar kasta oo halis ah oo ku wajahan madax-bannaanida Ruushka.

Putin ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay awoodda gantaallada ballistic-ga ee riddada dhexe ee cusub ee Ruushka, ee Oreshnik, kaas oo loo adeegsaday weerar lagu qaaday Ukraine bishii November.

Si uu u tijaabiyo awoodiisa, Putin waxa uu soo jeediyay in Ruushku uu gantaalka Oreshnik ku soo qaado Ukraine, iyo in difaaca hawada Ukraine - oo isticmaalaya nidaamyada uu bixiyo Maraykanku - ay isku dayaan inay soo ridaan.

Sida magaca "Oreshnik" "Daacadii, wax fikrad ah kama haysto," Putin ayuu yiri isagoo dhoola cadeynaya. "

Arrinta ugu weyn ee inta lagu guda jiray munaasabadda laga hadlay ayaa sidoo kale ahayd "madaxbanaanida Ruushka", iyadoo Putin uu sheeganayay in yaraynta ku tiirsanaanta saaxiibada caalamiga ah - qayb ahaan sababtay cunaqabataynta reer galbeedka – ayna ahayd mid ka mid ah guulaha ugu muhiimsan ee duulaankiisa Ukraine.

Waxa kale oo uu sheegay in dhaqaalaha Ruushku uu yahay mid degan, isaga oo xusay in koboca dhaqaalaha dalkiisa uu ka sarreeyo wadamada uu ka mid yahay Jarmalku.