Pele: Sheekada ciyaaryahankii mideeyey qaranka dhan

Barxadda hore ee cisbitaalka Albert Einstein ee São Paulo, taageerayaal aad u farabadan ayaa bilaabay inay isu soo baxaan markii ay maqleen warka ku saabsan dhimashada halyeeygii kubadda cagta eePele. Qaarkood waxa ay ku labisnaayeen lambarka 10-aad oo u uku xardhan yahay magaca Pele, kaas oo ahnumberkii uu xidhan jiray markii uu u ciyaarayay Santos. Banaanka waxaa lagu dhejiyay boor ay ku qoran tahay "Boqorka daa'imka ah ee Pele".

Tani waa daqiiqad ay dadka reer Brazil sugayeen in muddo ah laakiin ay sidoo kale ka cabsanayeen. Toddobaadyadii la soo dhaafay, Pele gabadhiisa Kely Nascimento qabsatay barta Instagram si ay taageerayaashiisa ula socodsiiso xaaladdiisa - qoraal kasta ama sheeko kasta oo ku saabsan ay la soo socodsiinaysay dadka.

Markii aakhirkii warku soo baxay geeridiisa, waxay ahayd daqiiqad weyn. Cisbitaalku waxa uu soo saaray bayaan uu ku xaqiijinayo in uu u geeriyooday xanuun ka soo gaadhay xubno badan oo shaqada gabay kuwaas oo la xidhiidha kansarka mindhicirka balse waxa ay ahayd wax ka badan oo kaliya war-bixin caafimaad- waxa kale oo ay sheegtay in cisbitaalku la wadaago dhibaatada qoyska iyo cid walba ka soo gaadhay geerida “Boqorkeennii qaaliga ahaa. kubada cagta".

Taasi waa calaamad muujinaysa sida uu muhiim ugu ahaa Brazilian-ka - halka Pele uu dabcan ahaa halyeey kubbadda cagta adduunka oo dhan ah, dadka halkan jooga, aad ayuu uga sii weyn yahay.

Madaxweynaha la doortay, Luiz Inacio Lula da Silva, oo lagu wado in la dhaariyo Axadda, ayaa sheegay in ay Sharaf u ahayd in uu arko Pele oo ciyaaraya, in kasta oo uu intaas ku daray in aanay ahayn "ciyaar", balse ay ahayd " bandhig oo kale".

"In yar oo Brazilian ah ayaa gaadhsiiyey halka uu gaadhsiiyey magaca waddankeena" ayuu ku yidhi bartiisa twitter-ka, isaga oo intaa ku daray in uusan jirin lambar 10 isaga la mid ah.

Brazilian kasta, Pele wuxuu ula macno aha wax uun. Jiilkii hore waxay ku xasuustaan ciyaaryahan ahaan, da'da yar ee Brazil ayaa loo sheegay xirfadiisa cajiibka ah - laakiin wuxuu dadka ku mideeyay kubada cagta.

Dalkan ayaa ah dal lagu qeexo kubada cagta. Inta uu socdo Koobka Adduunka, Brazilian-ka waxaa la siiyaa fasax ay ku daawadaan xulkooda. Pele ayaa sariirta cisbitaalka uu ku jiray uga soo farxayey guulihii xulkiisa ee bilawgii isaga oo u rajeeyay wanaag. Sidaas darteed geeridiisa oo ku soo beegantay tartankii uu saddex jeer ku guuleystay wax yar kabacdi ayaa xitaa ka sii dareen badan.

Waxa uu ahaa ciyaaryahan kubada cagta ah ku dul nool qalbityada reer Brazil, waxa uu u soo ciyaarayay Santos sanado badan halkii uu u ciyaari lahaa naadiyada dibadda. Dhab ahaantii, madaxweyne Janio Quadros 1961 xitaa wuxuu ku dhawaaqay inuu yahay hanti qaran, taas oo macnaheedu yahay sanado aan la dhoofin karin si uu ugu ciyaaro naadiyada dibadda, sidaas oo kale wuxuu lahaa geesinimmo sarraysa iyo muhiimaddii u lahaa hanka qaranka.

Waddan ay cunsuriyadda iyo kala soociddu ay weli aad ugu badan tahay, Pele, oo oo ahaa ciyaaryahan ka soo jeeda dadk madaw oo asal ahaan sabool ah, waxay ahayd sheeko guul ah oo cajiib ah. Marar dhif ah ayuu ka hadli jiray cunsuriyadda, mowqifkaas oo mararka qaar lagu dhaliili jiray.

Laakiin wuxuu had iyo jeer u ololeynayay awoodda kubbadda cagta si uu isugu keeno qaranka, si uu fursado u siiyo xitaa dadka ugu saboolsan Brazil.

Pele ayaa sidoo kale lagu yaqaanay inuu madaxiisa hoos u dhigo marka ay timaado siyaasadda. Mar kale, qaar badan ayaa dareemay in ay ahayd mansab daciif ah marka loo eego saameyntiisa weyn - iyo dabcan siyaasaddii qallafsaneed ee uu ku noolaa - oo ay ku jirto kali-talisnimo.

Laakin wadan mar kale noqday mid sii kala qaybsanaanaya marka ay timaaddo siyaasadda, aamusnaantani waxay sidoo kale u saamaxday inuu ka gudbo siyaasadda, in la jeclaado oo loo ixtiraamo si caalami ah isaga oo ah Boqorka Brazil oo dhan, gudaha iyo dibaddaba.

Laacibkii abid ugu weynaa hadda wuu baxay, laakiin xusuustiisa halkan, Brazil waligeed way sii ahaan doontaa.