Maxay Sweden uga cabsi qabtaa in weerarro argagixiso ay dhacaan ka dib gubiddii quraanka

Xigashada Sawirka, Reuters
Hay’adda amniga gudaha gudaha ee Sweden SAPO waxay sheegtay in sare loo qaaday heerka feejignaanta amniga ayadoo laga baqayo weerarro argagixiso, ka dib markii dhowr goor lagu gubay kitaabka quraanka iyo kutubta diimaha kale.
Waxaa kale oo xaaladda sare u sii qaaday kutub iyagana lagu gubay dalka ay deriska yihiin ee Denmark.
Dalka Sweden waxaa lagu qiyaasaa inay ku nool yihiin muslimiin u dhaxaysa 250,000 – 400,000, waxaana ka mid ah Soomaali badan oo dalkaas gashay 30kii sano ee u dambeeyey.
Wararku waxauy sheegayaan in booliska ay ilaa hadda soo gaareen afar codsi oo cusub oo ay soo gudbiyeen kooxo doonaya inay kutubo uu ku jiro kitaabka quraanka gubaan.
Madaxda Sweden ayaa dareen digniin leh ka bixiyey. Ra’iisul wasaaraha dalkaas Ulf Kristersson walaac aad u weyn ayuu ka muujiyey Khamiistii cawaaqibka ka dhalan kara dibad baxyo kale oo laga sameeyo gubidda quraanka.
“Waxaa na soo gaaray codsiyo dheeraad ah oo la doonayo in la gubo in kutub lagu gubo, haddii la ogolaado, waxaan wajahaynaa khatar ah in xaalad ba’an aan galno” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.
Sweden waxay ka mid tahay dalalka ogol in kitaabka quraanka lagu gubo.
Ciiddii ayay ahayd markii nin Ciraaq ka soo jeedo uu kitaabka ku hor gubay misaajid hortii iyadoo weliba ay tahay maalin Ciidul Adxa ah.
Salwan Momika oo xaggiisa danbe ay taagan yihiin askar booliis ah, xilli uu ku sugnaa bannaanka masaajidka Stockholm, isaga oo lulaya calanka dalka Sweden, heesta qaranka ee dalkaasina ay ka ag baxaysay ayaa laba u kala jeexay dabna qabadsiiyey kitaabka qur’aanka kariimka.

Xigashada Sawirka, Reuters
Telefishinka SVT ee dalka Sweden ayaa sheegay in bandhiggaasi uu ku dhamaaday si nabad ah, iyaga oo sii raaciyey in ninkii ka dambeeyay banaanbaxa uu jeexjeexay kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, uu bogag ka mid ah kabihiisa ku masaxay halka uu qaarna ku laalaabay hilib doofaar caydhiin oo uu watay, arrintaas oo dad badan u arkayeen in uu rabay in dareenka dadka muslimka uu ku kiciyo.
Momika oo ah Qaxooti Ciraaqi ah ayaa u ololaynaya in dalka Sweden kitaabka laga joojiyo. Waxaana falkiisaas ka cadhooday malaayiin Muslimiin ah oo dareenkooda ku muujiyey baraha bulshada iyo dalka Turkiga, oo falkaas ku tilmaamay waxaan loo dul qaadan Karin.
Dowladda Swden ayaa canbaareysay falkan balse waxay wasaaraddeeda arrimaha dibadda sheegtay in Sweden ay leedahay xuquuq uu dastuurka ilaaliyo sida xaqa isu imaatinka, xorriyatul qowlka iyo banaanbaxyada.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in Sweden ay qaadatay inay ka dhaqaaqdo qorshaheedii ahaa “bartilmaameed sharci ah ee weerar argagixiso” oo ay u guurto “in muhiimad la kala siiyo bartilmaameedyada”.
Talaabada kale ee Sweden ay qaadday waa in farriimo cad la siiyey ilaa 15 hay’adood ooay kujiraan ciidanka qalabka sida ee Sweden, qaar ka mid ah hay’adaha dhaqan gelinta sharciga, iyo hay’adda canshuuraha Sweden in ay sare u qaadaan shaqooyinkooda.
Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id ayaa wasiirka cadaaladda Gunnar Strommer wuxuu sheegay in ujeedadu tahay in la xoojiyo “awoodda Sweden ay kaga hortagi karto, ku weecin karto, ama ku hor istaagi karto argagixisada yio xagjirnimada rabshadaha wadata”.
Soomaalida ku nool Sweden waxay u arkaan in heeganka iyo feejignaanta la galiyey laamaha amniga aysan dhibaato u keeni doonin.
Maxamed Xamdi wuxuu ka mid yahay hogaamiyeyaasha bulshada ee Jaaliyadda Soomaalida. “Soomaalida waxay welwelka la qabtaa dadka ku nool Sweden, mana taageerayso qaybna kama noqonayso wixii amniga ka hor imaanaya, waana arrin aan la qabno dadka dalkan ku nool” ayuu yiri isagoo BBC uga warramayey bal in talaabooyinka dawladda ay cabsi ka qabaan, wuxuuna intaa raaciyey “weli ma dhicin in Soomaalida gaar loo bartrilmaamedsado”.
“Waa wax laga xumaado in diimaha lagu xadgudbo, sharciga dalkana wuxu dhigayaa in diimaha kala duwan la xaq dhowro, aragtida Soomaalida ay qabtana waa inay arrimahan ka dambeeyaan shaqsiyaad uu nacayb ku jiro oo cunsurinimo qaba, Soomaaliduna sidaa way u fahamsan tahay . Dadka Swedishka waa dad aad u dabeecad fiican, laakin dadka waxan ku kacaya waa dad qaxooti ah, mid Denmark ka yimid iyo mid ciraaq ka yimid” ayuu sii raaciyey Maxamed Xamdi.
Dawladda Sweden waxay iminka ka baaraan degaysaa in sharciga wax laga beddelo si loo joojiyo gubidda kitaabka quraanka sida uu qoray wargayska Aftonbladet.
Todobaadyadii u dambeeyey waxaa ka dhacayey Sweden mudaaharaadyo lagu diiddan yahay nuqullo ka mid ah kitaabka quraanka oo si ula kac ah loo gubay, taasoo keentay caro xoog leh inay ka qaadaan muslimiinta dal iyo dibadba.













