Xog dheeri ah oo markii ugu horeysay laga helay diyaaraddii dhawaan la dhacday madaxweynihii Iran

Burburkii diyaaradda

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Saraakiisha dalka Iran ayaa soo saaray warbixintii ugu horeysay ee ku saabsan burburka diyaaradii helikobterka ahayd ee uu ku dhintay madaxweynihii dalkaasi Ibrahim Raisi iyo xubno la socday.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Tasnim News Agency, shaqaalaha guud ayaa sheegay in ka dib shilkii Axadii, koox khubaro ah iyo farsamo-yaqaano ah ay tageen goobta subaxnimadii Isniinta.

Sida warbixinta lagu sheegay, helikobterka ayaa raacday wadadii loogu talay intii ay ku jirtay duulimaadka oo dhan, mana jirin wax ka leexasho waddo ah.

Hal daqiiqo iyo bar ka hor shilka, duuliyihii diyaaradda helicopter-ka ee burburtay ayaa xiriir la sameeyay labo diyaaradood oo kale oo la socday.

Sida ka muuqata xogtaan diyaaradaha ayaa gaarayay ilaa saddex oo tan madaxweynuhu saarnaa ay ka mid ahayd.

Ma jiraan wax rasaas ah ama raad la mid ah oo laga helay burburka diyaaradda helicopter-ka ahayd. Warbixinta ayaa sidoo kale faahfaahisa in diyaarada helicopter-ka ahayd ay gubatay kadib markii ay ku dhacday buur, maadaama deegaanka shilku ka dhacay uu yahay aag buuraley ah.

Waxaa la sheegay in ceeraayamo iyo roobab ka jiray gobolka ay diyaaraddu ku dhacday ay sababaeen shilka, iyadoo hawlgallada baadi-goobka iyo samatabbixinta ay sii socdaan saacado badan ilaa habeenkii Isniintu soo galisay la gaaray .

Warka soo baxay ayaa sidoo kale sheegaya in aysan jirin wax shaki ah oo ku yimid wadahadalka u dhexeeyay xiriirka duulimaadka iyo shaqaalaha halka ay diyaaraddu ku wajahneed.

Waxaa la xusay in baaritaannada kadib lala wadaagi doono xog dheeri ah dadka.

Shilkaan oo reer Iran si weyn ay uga naxeen waxaa ku dhintay Ibraahim Raiisi madaxweynihii Iran, wasiirkiisii Arrimaha Dibadda Amiir Cabdullaahiyan iyo xubno kale oo la socday.

Intii lagu guda jiray howgalkii lagu baadi goobayay meydka Raiisi Axaddii aynu ka soo gudubnay ayaa sarkaal u hadlay Israa'iil oo magaciisa qariyay waxaa uu sheegay in shilkaas anaey Israa'iil wax lug ah ku laheyn.

Aaskii Raiisi

Aaskii Raiisi

Xigashada Sawirka, EPA

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Raiisi ayaa shalay lagu aasay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Mashhad, afar maalin ka dib markii uu ku dhintay Helicopter kii dhacday ee uu saarnaa.

Meydka wadaadkaan ku dhintay da’da 63 jirka ayaa waxaa la sii mariyay mawlaca Imam Reza, oo ah mid aad caan ugu dhex ah bulshada Muslimka Shiicada ah.

Muuqaallada laga sii daayay talafishinka ayaa waxay muujinayaan dad weyne aad u farabadan oo isugu soo baxay wadooyinka waawayn ee magaalo ku taalla waqooyi-bari ee dalka, ka hor inta aysan dhicin munaasabadda aaska.

Ebrahim Raisi wuxuu sanadkii 1960 ku dhashay Mashhad, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Iiraan isla markaana hoy u ah Shiicada. Aabbihiis oo wadaad ahaa, wuxuu dhintay makrii uu Raisi shan jir ahaa.

Raisi, oo xirta dharka dhaqanka Shiicada ayaa raacay raadka aabbihiis wuxuuna isgaoo 15 jir ah bilaabay in magaalada Qom uu u aado waxbarasho.

Isagoo arday ah ayuu ka qeyb qaatay dibadbaxyo looga soo horjeeday maamulkii Shah ee ay Galbeedku taageerayeen, kaas oo xilka looga qaaday kacdoon Islaami ah oo uu hoggaaminayayAyatollah Ruhollah Khomeini.

Kaddib kacdoonka wuxuu ku biiray garsoorka wuxuuna dhowr magaalo ka noqday dacwad-ooge iyadoo isla markaana uu tababar ka qaadanayay Ayatollah Khamenei, oo noqoday madaxweynaha Iiraan sanadkii 1981.

Raisi ayaa noqday ku xigeenka dacwad-oogaha ee Tehran xilli uu markaas jiray 25 sano.

Isagoo xilkaas haya ayaa wuxuu noqday mid ka mid ah afar xaakim oo ka howl-geli jiray maxkamado qarsoodi ah oo la sameeyay sanadkii 1988 kuwaas oo loo aqoonsaday "Guddiga Dhimashada".

Waxyar ayaa laga yaqaannaa nolosha gaarka ah ee Raisi marka laga reebo in xaaskiisa Jamileh ay wax ka dhigto Jaamacadda Shahid Beheshti ee Tehran, iyo inay isu dhaleen labo gabdhood. Soddoggii waa Ayatollah Ahmad Alamolhoda, wadaadka mayalka adag ee salaadda Jimcaha ka tujiya Mashhad.

Intii uu xukunka dalka Iiran hayey waxaa uu madaxdii ka horeysay kala mid ahaa sida adag ay isku diidan yihiin siyaasadda Maraykanka iyo Xulufadiisa