Iran oo aasaneysa madaxweynaheedii geeriyooday iyo meel 'barakeysan' oo meydkiisa la sii mariyay

Aaska Raisi

Xigashada Sawirka, EPA

Madaxweynihii Iran ee dhawaan geeriyooday ayaa waxaa maanta lagu aasay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Mashhad, afar maalin ka dib markii uu ku dhintay Helicopter kii dhulka ku dhacday ee uu saarnaa.

Maydka wadaadkaan ku dhintay sanada 63 jirka ayaa waxaa la sii mariyay mawlaca Imam Reza, oo ah mid aad caan ugu dhex ah bulshada Muslimka ee Shiicada.

Muuqaalada laga sii daayay talafishinka ayaa waxay muujinayaan dad weyne aad u farabadan oo isugu soo baxay wadooyinka waawayn ee magaalo ku taalla wuqooyi-bari ee dalka, ka hor inta aysan dhicin munaasabadda aaska.

Todoba ruux oo kale ayaa ku nafwaayay shilka diyaaradda, xilli ay cimilo aad u xun ka jirtay buuraleyda wuqooyi-galbeed ee Iran.

Dadkaas ayaa waxaa ka kamid ahaa wasiirkii arimaha dibadda ee xukuumadda Ra’iisi. Hussein Amir-Abdullahian, kaas oo maanta lagu aasay Shah Abdulazim oo ku taalla daafaha magaalada Tehran.

Aaska Raisi

Xigashada Sawirka, EPA

Aaska Ibrahim Raisi oo ka dhacay goobta manaaradda dahabka ah leh ee Imam Reza Shrine – taas oo ah meel lagu xasuusto imaamkii sideedaad ee Shiicada, loona tixgaliyo in ay tahay buqcadda ugu karaameysan ee Iran – ayaa waxa uu imaanayaa kadib maalmo munaasabado loogu soo dhigayay meelo kale.

Arbacadii ayaa waxaa hugaamiyeyaal iyo martisharaf kale oo ka socday dalalka xulufada la ah Iran ayaa waxay ka qayb galeen munaasabad xus ah oo ka dhacday Tehran.

Waxaa soo dhaweeyay ku-xigeenka koobaad ee hore ee Raisi, Mohammad Mokhber, oo ah 68 jir haatan sii haynaya jagada madaxweynaha Iran, ilaa iyo inta ay doorashado ka dhacayso 28 ka June.

Sidoo kale munaasabadaas ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, xubno ka socday shabakad hubaysan oo dhaqaale, hub iyo tababaro ka hesha Iran, oo loogu yeero, “Xariiqa Iskacaabinta”.

Waxaa ka mid ahaa xubnaha munaasabadda qaybta ka ahaa hugaamiyaha garabka siyaasadda ee Xamaas, Ismaaciil Haniyah, ku xigeenka xoghayaha guud ee Xisbullah da Lubnaan, Naim Qassem, afhayeenka kooxda Xuutiyiinta ee Yemen, Mohammed Abdulsalam, iyo madaxa ciidamada sidii milatariga u tababaran ee ee Ciraaq, Faleh al-Fayad.

Hugaamiyaha sare ee Iran, Aayatullah Cali Khamenei ayaa isna dhankiisa duco u mariyay kuwii ku dhintay diyaaradda dhacday.

Raisi ayaa waxa uu aad ugu dhawaa 85 jirka awoodda sare ku dhex leh Jamhuuriyadda Islaamiga ah, waxaana loo arkayay in uu yahay ninka badali doona isaga.

Aaska Raisi

Xigashada Sawirka, Reuters

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hugaamiyaal sare oo reer galbeed ah ayaan soo xaadirin munaasabadii dhacday Arbacadii, taas oo muujineysa xiriirka aan wanaagsanayn ee wadamadooda kala dhaxeeya Iran.

Tobanaan kun oo dad weyne ah ayaa waxay ka qayb qaateen munaasabada duugta ee dhacaysay maalmihii la soo dhaafay, taas oo ay dawladda iyo warbaahinta dalkuba ku tilmaameen in ay muujineyso midnimo qaran.

Sidaas oo ay tahay, waxaa jira dad badan oo aan ka soo bixin guryahooda, kuwaas oo qaarkood ayba u dabaaldagayeen geerida madaxweynaha, iyada oo dacwad-oogayaashu uga digeen in ay la kulmi karaan eedeymo loo jeediyo.

Malaayiin dad ah ayaa waxay uga xumaadeen Raisi, in uu iska lahaa amarkii sida xoogga ah ay ciidamada ugu joojiyeen, banaabixii halku dhaggiisu ahaa “Haweenka, Nolosha, Xuriyadda”, kaas oo dhacay sanadkii 2022 kii, sanad uun ka dib markii uu la wareegay xilka.

Waxaa sidoo kale lagu baaqay in baaritaanno caalami ah lagu sameeyo doorkii uu ku lahaa “guddigii dhimashada” ee amray in dil wadareed lagu fuliyo maxaabiis siyaasadeed sanadkii 1980 kii.

Waqtigiisii ayaa waxaa sidoo kale lagu xasuustaa dhaqaale xumo aad u darned iyo gacanqaad milatari oo aan si aan filasho lahayn loogu qaaday Israa’iil, gaar ahaan bishii la soo dhaafay, taas oo cabsi dagaal ka abuurtay gobolka.

Masuuliyiinta Iran ayaa waxay sheegeen in ay wali baadigoobayaan waxa sababay in ay burburto helicopter ku taas oo uu nolosha ku waayay madaxweynihii dalka.

Masuulyiinta qaar ayaa waxay sheegeem in diyaaradda – oo tobanaan sano shaqaynaysay, nuuceeduna ahaa Bell 212 oo lagu sameeyay Maraykanka – ay ku dhinac ku dhufsatay buur wayn, iyada ay ku sii jeeday magaalada Tabriz oo ku taalla wuqooyi-galbeed dalkaas, xilli ay jireen ceeryaamo iyo roob aad u xoogan.