You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Gabdho timaha laga xiiray kadib markay 'si qaldan u xirteen xijaabka'
Iskuul waxbarasho oo ku yaal dalka Indonesia ayaa 19 gabdhood ka xiiray timaha ka dib markii lagu eedeeyay in aysan si wanaagsan u xiran xijaabka, sida lagasoo xigtay maamulaha dugsigan.
Dhacdadan ayaa ka dhacday dugsiga dhexe ee SMPN 1 ee ay dawladdu leedahay oo ku yaalla magaalada Lamongan, ee Bariga jasiiradda Java. Macallimad aan la magacaabin ayaa qayb ahaan ka xiirtay timaha 19-kan gabdhood ee Muslimiinta ah Arbacadii ina dhaaftay (August 23).
Maamulaha oo magaciisa kaliya lagu sheegay Harto ayaa sheegay in wixii intaa ka dambeeyay Iskuulku uu bixiyay raaligelin, islamarkaana uu shaqada ka joojiyay macalinkii falkaasi geystay.
Harto ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in aysan jirin wax waajib ah oo rasmi ah oo ka saaran gabdhaha ardayda ah in ay xirtaan xijaabka, balse waxaa lagu dhiirigaliyay in ay xirtaan koofiyadaha hoose ee xijaabkooda si ay ugu soo muuqdaan kuwa asturan. Nasiib darro, ardaydani kuma ay hoggaansamin taladan, iyagoo timahooda dhinacyada ka baneeyay.
Maamulaha SMPN 1 Lamongan, Harto, ayaa sheegay in dhacdadii macalinka bidaarta ku dhufatay 19 gabdhood oo arday ah ay dhacday Arbacadii (23/08) markaas oo macallimiinta ka tirsan kooxda anshaxa dugsiga ay edbinayeen ardaydii ku xad-gudbi jirtay sharciga.
Sida lagu sheegay warbixin ay qortay Kompas.com oo soo baxday Talaadadii , macalinka oo magaciisa lagusoo koobay EN waxa uu qirtay in uu marar badan xasuusin jiray ardayda hablaha ah inay xirtaan xijaabka ama qamaarka sida koofida loo gashado ee luqunta iyo timahaba astura. Tiro dumar ah oo arday ahaa xilligaas ayaa la sheegay in aanay raacin tilmaamahan.
Ka dib waxaa u yeeray macalinka marka ay guriga aadayeen. Harto waxa uu sheegay in macalinku uu sidaan ku sameeyay 19-ka gabdhood ee ardayda ahaa isagoo isticmaalaya qalabka korontada ku shaqeeya ee lagu xiirto.
"Ka dib waxaa dhacay wax aanaan doonayn, Alle mahadii, galabkaas mid kasta oo ka mid ah waalidiinta waxaa loo cadeeyay sida ay wax u dheceen," ayuu yiri maamulaha SMPN 1 Sidodadi Lamongan, Harto mar uu warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee dhismaha dugsiga Talaadadii.
Waxa uu sheegay in Iskuulka iyo waalidiinta uu dhex dhexaadin u sameeyey, waxaana uu ku andacoodey in arrintu ay si nabad ah ku dhammaatay, isla markaana macalinkii la hadal hayey shaqada laga eryay.
Intaa waxaa dheer, dugsigu waxa uu ballan qaaday in uu hablaha u fidiyo gargaar nafsiyeed si ay uga caawiyaan sidii ay uga kabsan lahaayeen dhibka soo gaaray.
Hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa si kulul u cambaareeyay falka ay ku kacday macalinka, waxayna dalbadeen in shaqada laga eryo.
Andreas Harsono, oo ah cilmi-baare Indonesian ah oo ka tirsan hay’adda Human Rights Watch, ayaa ku tilmaamay dhacdadii Lamongan mid ka mid ah dhacdooyinka cabsida leh ee abid ka dhaca Indonesia. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in cunaqabateyn lagu soo rogo macalinka iyo in dhibanayaasha loo fidiyo talo nafsi.
Dhacdadani maaha mid ku cusub dalkan. Warbixin ay soo saareen kooxaha xuquuqul insaanku 2021kii, ayaa iftiimisay kiisas gabdhaha iskuuleyda ah oo si qasab ah tinta looga jaray ka dib markii ay si qaldan u xirteen xijaabka ama aysan xiranba, qaarkoodna waxay wajaheen ganaaxyo iyo cayrin.
Dhacdooyinkan ayaa hoosta ka xariiqaya walaaca laga qabo kor u kaca dulqaad la'aanta diimeed ee Indonesia, oo ah waddan si rasmi ah u aqoonsan lix diimood oo waaweyn.
Arrinka xijaabku wuxuu soo jiitay dareenka dalkan sannadkii 2021 kadib markii arday Masiixiyiin ah oo ku nool Galbeedka jasiiradda dalkan ee Sumatra lagu cadaadiyay inay xidhaan xijaabka, taasoo iftiimisay caqabadaha ballaadhan ee la xidhiidha xorriyadda diinta iyo kala duwanaanshaha Indonesia.