Dal gabdhaha xijaaban u diiday iney wax ka bartaan Jaamacadaha dowladda

Jaamacadaha dowladda ee ku yaalla dalka Hindiya ayaa gabdhaha xijaaban ka mamnuucay iney wax ka bartaan, haddii ay waxbarsha doonayaanna ay xijaabka iska dhigaan.

Arrintan oo keentay iney gabdhaha muslimka ah 50% ay isaga baxaan Jaamacadaha dowladda oo ay u wareegaan jaamacadaha gaarka loo leeyahay.

Gobolka Karanataka ee Hindiya oo muslimiin badan ku nool yihiin ayaa si rasmi ah u mamnucay gabdhaha ee xijaabka xirta iney Jaamacadaha gobolkaasi ku yaalla ay wax ka dhigan Karin.

Wargeyska Indian Express ee afka Ingiriisiga ku soo baxa ayaa qoray warbixin gaar ah oo uu arrintan kaga faalloonaya.

Wuxuuna wargeysku sheegay gabdhaha muslimka oo Jaamacadaha dowladda sanadki hore iska diiwaan geliyey tiradooda dabayaaqada sanadki tagay iney kala bar hoos u dhacday.

Wuxuuna tusaale u soo qaatay Kulliyadda gaarka loo leeyahay ee PUC sanadki 2021-22 iney iska diiwaan geliyeen 1,296 arday halka dabayaaqada sanadkaasi ay tirade gaartay 1,320.

Taa caksigeedana kulliya ay dowladdu leedahay oo ay billowga sanadaka 2021-ka ay iska diiwana geliyeen 388 arday ay haatan dhigtaan oo keli ah 186 arday.

Gabdhaha muslimka ah ee Jaamacadaha ku biirayana kuwa dowladda waxay ka door bidayaan kuwa gaarka loo leeyahay maadaamaa Xijaab xirashada aan laga mamnuucin.

“Marki ugu horreysay gabdhaha muslimka ah ee dhigta kulliyadda PU wey laba jibbaarantay, taasoo muujineysa arrinta xijaabka sida ay shaqsi ahaan iyo waxbarasha ahaanba saameyn uu ugu leeyahay gabdhaha muslimka ah” ayuu yiri Aslam Hekadi oo ah maamulaha Jaamacaddaasi.

Sanadki hore lix gabdhood oo dhallinyaro ah oo wax ka baranayay kulliyad ay dowladdu maamusho oo u dhiganta dugsi sare ayaa dowladda ku eedeeyay in toddobaadyo laga joojiyay fasallada, sababtoo ah waxay ku adkaysteen inay xirtaan xijaabka.

Machadka waxa uu sheegay in ay kaliya ka codsadeen ardayda in ay iska bixiyaan xijaabka gudaha marka ay ku jiraan fasalka balse ay weli xiran karaan marka ay joogaan meeaha kale jaamacadda. Lixda hablood waxay xirteen lebiska kulliyadda oo dabacsan oo surwaal iyo shaar ah balse waxay codsadeen in madaxa ay dabooshaan oo timahooda asturaan.

"Waxaan leenahay dhowr macalin oo rag ah, waxaan u baahanahay inaan timaha iska daboolno marka ay xiisadda ku jiraan macaalimiintan, waana sababta aan u xirno xijaabka," Almas AH, oo ka mid ah ardayda, ayaa u sheegtay BBC Hindi.

Ma ahan wax aan caadi ahayn in la arko dumar xiran xijaab iyo indho-shareerka kuwaas oo wejiga iyo jirkaba qariya gudaha Hindiya, si ay caqiidadooda u soo bandhigaan. Laakiin jawiga sii xumaanaya ee sannadihii u dambeeyay ayaa horseeday in dadka laga tirada badan yahay ee Muslimiinta iyo Masiixiyiinta ay khatar dareemaan.

Arrintan gaarka ah ee ka taagan Udupi, oo ah mid ka mid ah saddexda degmo ee Karnataka ayaa waxay tahay iney ka jirto arrin la xiriirto nacaybka diimaha kale oo xakamaha goosatay.

Falanqeeyayaasha ayaa inta badan ku tilmaama gobolkan oo ah meel ay ku xooggan yihiin taageerayaasha Raysul wasaare Narendra Modi ee garabka midig ee BJP oo aad moooddaba meel loogu talagalay siyaasadda Hinduuga oo keliya.

Dhacdooyinka soo noqnoqda ee foojignaanta iyo hadalada nacaybka ee ka dhanka ah muslimiinta deegaanka ayaa sii fogeeyay gefafka diimeed waxayna horseedeen kor u kaca kooxo cod leh oo ay hogaamiyaan dadka laga tirada badan yahay kuwaas oo raadinaya xaqa ay u leeyihiin xoriyada diinta.

Wasaaradda waxbarshada Hindiya dhankeeda waxay ku doodeysaa muwaaddiniinta Hindiya oo dhan iney xaq u leeyihiin iyaga oo loo fiirin waxa ay aaminsan yihiin iney helaan waxbarahsha siman.

Halka wargeyska warbixintan qoray ee Indian Express uu hadalka wasaaradda ka soo yeeray u uku sheegay mid afgoobaadsi ah oo aan wax isbeddel ah ku keeneyn muranka xijaabka iyo gabdhaha muslimka ee Hindiya la xiriira.