Xaggee ku dambeeyeen wadahadalladii Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya, maxayse tahay kaalinta iyo danta Turkiga ee gobolka

Wadahadalladii ay Ankara ku yeesheen Soomaaliya iyo Itoobiya

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Hilken Boran & Farah Lamane
    • Role, BBC Türkçe & BBC Somali

Dhaqdhaqaaq iyo shaki is garab socda ayaa laga dareemayaa gobolka geeska Afrika, kuwaasoo la xiriira wadahadalladii u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya ee lagu waday inay Turkiga ka sii socdaan.

Warar ay qortay warbaahinta qaar ayaa su'aal galiyey sii socoshada wadahadallada, inkastoo aan si madax banaan loo xaqiijin karin warka sheegaya in wada-hadalladii labada dhinac Turkiga uga socday ee seddexda goor la isugu yimid uu iminka hakad ku yimid, maadaama hal il laga helay warka.

BBC waxay la xiriirtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga oo sheegtay in aysan hadda ka hadli doonin arrintaas, halka wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya aysan inoo suurto gelin in aan la xiriirno, halka dawladda Itoobiyana aysan ka hadlin, arrimahaas dhamaantoodna waxay adkaynayaan in si rasmi ah loo xaqiijiyo warkaas soo baxay.

Ayadoo ay arrimahaas jiraan ayaa waxaa soo baxay dhowr arrimood oo horena u jiray, haatanna dib u soo laba kacleeyey, waxaana ka mid ah:

Booqashada uu madaxweynaha Soomaaliya ku tegey Masar: Masar waxay saamayn xoog leh ku leedahay dawladda federaalka Soomaaliya, waxayna ka qayb qaadanaysaa hawlgalka AUSSOM. Xiriir aad u dhow ayaa ka dhaxeeya labada dal iyo labada dawladood. Taa marka laga yimaado, waxay taageero milateri iyo heshiisyo iskaashi oo dhinacyo badan kula jirtaa Soomaaliya. Booqashadan ayaa timid ayadoo ay socdaan dhaqdhaqaaqyo dheeraad oo gobolka ka jira.

Xaggee ka soo billowday khilaafka u Turkigu dhexdhexaadinayo

Khilaafka la dhexdhexaadinayo ayaa yimid markii uu aad u xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay saxiixa heshiiskii muranka dhaliyey ee isfahanka ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya 1 Janaayo 2024.

Wakhtigaas ka dib waxay Soomaaliya aad ugu dhawaatay Masar iyo Turkiga, Madaxweynaha Soomaaliyana wuxuu todobaadkii hore isku maray labadaas dal, ayadoo aan faahfaahin badan laga bixin ujeeddada booqashooyinkaas. Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay labada dalba la gashay dhawaan heshiis amni iyo mid difaac.

Dhanka kale waxaa wadahadal degdeg ah telefoonka ku yeeshay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Masar iyo Eritrea. Hadal ay soo saareen wadahadalkooda ka dib ayaa lagu sheegay inay ka wada hadleen "sidii loo horumarin lahaa xiririka labada dal iyo dhowr arrimood oo gobolka ka taagan, gaar ahaan xaaladda geeska Afrika iyo badda cas".

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida ay soo werisay waakaaladda wararka ee Qatar, wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar ayaa sheegtay in labada wasiir ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in sii wado wada shaqaynta iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal, sarena loo sii qaado amniga iyo deganaanshaha gobolka.

Sannadkii aannu soo dhaafnay ayey dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea heshiis ku gaareen magaalada Asmara, kaasoo loo arkay isxulafaysi ay ku midoobeen seddexdaas dal oo ka dhan ah Itoobiya oo uu mid kasta si gaar ah khilaaf ugala dhaxeeyo.

Waxaa intaas dheer inay jirto xiisad u dhaxaysa Masar iyo Itoobiya oo la xiriirta biyaha wabiga Niil. Itoobiya waxay muddo sanooyin ah buuxinaysay biyo xireenka weyn ee GERD oo ah kan ugu weyn Afrika, ayna ku baxday lacag lagu qiyaasay $4.8.

Itoobiya waxay ku dhawaaqday inay si rasmi ah xarigga uga jari doonto biyo xireenka GERD, ayadoo martiqaad u dirtay dalalka caalamka oo ay ku jiraan kuwa ay wadaagaan biyaha wabiga Niil ee khilaafku kala dhaxeeyey, inay ka soo qayb galaan.

Dhacdooyinkaas xasaasiyadda kiciyey ee gobolka geeska Afrika ka dhacay ayaa mar kale hadda dib u soo laabtay, xilli uu ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed mar kale baarlamaanka dalkiisa ka hor sheegay in dalkiisa ay muhiim u tahay inuu helo dekad iyo marin uu badda u maro. Turkiga ayaana muddo isku hawlayey inuu xalliyo khilaafka gobolka geeska Afrika oo uu dano badan ka leeyahay.

Ergada wadahadallada

Xigashada Sawirka, X

Sidee Turkigu Ku noqday dhexdhexaadiyaha Itoobiya iyo Soomaaliya

Isku daygii ugu dambeeyay ee Ankara ee lagu heshiisiinayay Addis Ababa iyo Muqdisho ayaa bilowday July 2024 kadib codsi rasmi ah oo ka yimid Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa casuumay dhiggiisa dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaana uu wadahadallo gooni gooni ah iyo wadahadallo wadajir ah la yeeshay labada dhinac.

Waxa loo yaqaan "Geedi socodka Ankara" ayaa ku soo dhammaaday saxiixa Baaqa Ankara ee 11-kii Diseembar 2024 ee caasimadda Turkiga.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed Cali ayaa kulan ku yeeshay maalintii la saxiixay heshiiska.

Dhinacyadu waxa ay caddeeyeen in ay yeelan doonaan wada xaajoodyo farsamo oo loo marayo fududaynta Turkiga oo ay heshiis ku saxiixi doonaan afar bilood gudahood.

Dhinacyadu waxay yeesheen wareeggii ugu horreeyay ee wadahadallo farsamo 18kii Febraayo halkaas oo ay labada dhinacba "ku muujiyeen sida ay uga go'an tahay in heshiiska laga miro dhaliyo" sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga.

Wareegga xiga ee wadahadalka ayaa loo qorsheeyay Maarso, laakiin ma dhicin.

Waxaa xigay warar bishan Luulyo soo baxay oo sheegayay in wada hadallada la hakiyay muddo aan la cayimin sababo la xiriira muranka u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ma jirin wax war ah oo ku saabsan arrintan oo ay wax ka qoreen warbaahinta Turkiga.

Waa maxay danaha uu Turkigu ka leeyahay geeska Afrika

Furitaankii safaaradda Turkiga ee Muqdisho

Xigashada Sawirka, Wakaaladda wararka Anadolu

Qoraalka sawirka, Furitaankii safaaradda Turkiga ee Muqdisho

Inta badan 100-kii sano ee la soo dhaafay Turkiga, Afrika kuma jirin meesha ugu sareysa liiska mudnaanta siyaasadeed ee arrimahiisa dibadda.

Laakiin tani waxay isbedeshay horraantii 2000. Ra'iisul Wasaarihii xilligaas Recep Tayyip Erdogan oo hadda ah madaxweynaha dalkaas iyo xisbigiisa cadaaladda iyo horumarka ayaa sameeyey siyaasaddooda cusub ee Afrika.

Turkiga wuxuu ku dhawaaqay 2005 inuu yahay "Sannad Afrika" wuxuuna noqday waddan goobjooge u ah Midowga Afrika. Ugu dambayntii waxaa lagu dhawaaqay "saaxiibka istiraatijiyadeed ee qaaradda" 2008dii.

Maqnaanshaha awoodda diblumaasiyadeed ee caadiga ah ee dalalka miisaanka culus sida Maraykanka, Shiinaha iyo Ruushka, ayaa Turkigu wuxuu ku tiirsanaa aadana u isticmaalay bixinta gargaarka bini'aadantinimo, xiriirka dhaqaale iyo siyaasadaha kale ee aan faragelinta ahayn, si uu xiriir dheeraad ah ula yeesho wadamada Afrika.

Ankara waxa ay isu haysataa in u ay tahay beddel "gumaysi la'aan" oo ka duwan quwadaha reer galbeedka, iyada oo si joogta ah u dhaleecaysay ficilada quwadihii hore ee gumaysiga, sida UK iyo Faransiiska, ee qaaradda.

Wax dublamaasi Turki ah uu ku tilmaamay "weerar dublamaasiyadeed oo weyn", ayaa Turkigu waxa uu kordhiyey tirada xafiisyadiisa dublamaasiyadeed oo uu ka dhigay 44 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Turkiga iyo Soomaaliya

Turkiga iyo Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Safaaradda Turkiga ee Muqdisho waa safaaradda ugu weyn ee Ankara. Waa dhisme qalcad u eg oo ku yaal meel ka baxsan Aagga Cagaaran.

Saldhigga ugu weyn ee Turkiga uu ku leeyahay dibadda, TURKSOM, ayaa sidoo kale ku yaalla meel ka baxsan Muqdisho. Ciidamo Turki ah ayaa tababar halkaasi ku siinaya askarta Soomaalida.

TURKSOM waxay door muhiim ah ka ciyaartaa dagaalka ay Soomaaliya kula jirto kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab. Al-Shabaab waxay labada dal u aqoonsan yihiin urur argagixiso.

Sababtaas awgeed, ayaa sidoo kale inta badan waxaa bartilmaameedsada Al-Shabaab.

Sidoo kale Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya heshiis uu Turkigu ku soo saarayo shidaalka Soomaaliya kaas oo saami gaaraya boqokiiba 90 faa'iidada laga helo uu Turkigu qaadanayo halka Soomaaliyana loo oggol yahay boqokiiba shan.

Turkiga wuxuu Soomaaliya la saxiixday heshiisyo badan oo dhanka difaaca iyo tamarta ah, iyadoo maraakiibta tamarta ee Turkiga la siiyay ogolaansho ay ku sahmiyaan biyaha Soomaaliya si ay uga helaan ilaha tamarta laga dhaliyo.

Waxay kaloo dawladda Turkiga ay Soomaaliya u dhoofisay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2, taasoo qayb ka ah xiriirkooda qotoda dheer ee dhanka difaaca.

Itoobiya iyo Turkiga

Abiy iyo Erdogan

Xigashada Sawirka, Wakaaladda Wararka Anadolu

Ankara ayaa la sheegay in ay sidoo kale Itoobiya u dhoofisay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, balse waligeed si rasmi ah uma aysan shaacin iibka noocaan ah.

In kasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin dhoofintan, haddana Ankara waxa canbaareeyay Maraykanka iyo dad badan oo xuquuqda aadanaha u ololeeya ka dib markii ciidammada dawladda Itoobiya la sheegay in ay dad rayid ah la beegsadeen, wax u muuqda diyaaradaha dagaalka ee Turkigu sameeyay.

Turkiga iyo Afrika

Ankara waxa ay wada shaqayn ganacsi iyo mid dhaqaale la leedahay 48 dal oo Afrikaan ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Ganacsiga Turkiga, waxayna Ankara ayaa si rasmi ah ugu dhoofisa hub iyo agab ciidan 14 dawladood oo Afrikaan ah.

Joogitaanka Turkiga ee Afrika iyo la macaamilka dalalka Afrika waxaa la saadaalinayaa inuu yahay xiriir faa'iido u leh labada dhinac.

Erdogan wuxuu si joogta ah ugu nuuxnuuxsaday in "xiriirka dalkiisa ee Afrika" uu dardar galay intii uu xilka hayay, isaga oo barbar dhigaya maamuladii hore ee uu ku dhaleeceeyay inaysan siinin fiiro ku filan qaaradda.

Arrin kale ayaa ah sawirka laga haysto Erdogan ee ah "hogaamiye caalami ah". Mar kasta oo Madaxweynaha Turkiga uu dibadda u baxo ama uu hadallo adag u adeegsado hoggaamiye caalami ah, warbaahinta Turkiga ayaa sii kordhisa muuqaalkiisa.

Erdogan ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday siyaasadda arrimaha dibadda ee "Bini'aadannimada iyo ganacsiga" ee Turkiga inay tahay mid lama huraan ah, isaga oo ku xiraya waxa uu inta badan ku sifeeyo waajibaadka Turkiga ee ah waddan Muslimiintu ku badan yihiin oo ay taariikh wadaagaan Afrika.

Kaalinta Erdogan

Turkiga waxaa loo soo bandhigay sidii inuu yahay "walaalka weyn" kaasoo gacan ka geysanaya caawinta dalalka kale ee u baahan, isagoo si ku habboon u ciyaaraya hanashada quluubta iyo maskaxda bulshada labada dhinac.

Turkiga ayaa sanadihii ugu dambeeyay fududeeye ahaan uga muuqanayey cinaannada warbaahinta, gaar ahaan ilaalinta Hindisaha Haruurka Badda Madow iyo wareegyada is dhaafsiga maxaabiista ee Ukraine iyo Ruushka.

Ankara waxa kale oo ay marti galisay isdhaafsashadii ugu weynayd ee basaasiinta ee dhex martay Ruushka iyo reer galbeedka tan iyo dagaalkii qaboobaa, xagaagii hore.

Waxa ay muujisay waxtar aan sidaa u weynayn in xal laga gaaro xiisadda Israa'iil iyo Xamaas ka dib weeraradii Xamaas ee 7 Oktoobar 2023, inkasta oo ay muujisay rabitaanka dhexdhexaadiye ahaan marar badan.

Si la mid ah Soomaaliya iyo Itoobiya ayuu Turkigu markan u doonayaa in xiisadda labada dal uu u soo afjaro, gaar ahaanna Turkiga waxay u noqonaysaa guul diblomaasiyadeed oo uga si korortay Afrika iyo saaxada caalamka.