Mareykanka ayaa baaraya sir ku saabsan qorshaha weerarka Israel ee Iran oo bannaanka la keenay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mareykanka ayaa baaraya dokomeentiyo sir ahaa oo bannaanka la keenay. Dokomentiyada ayaa sharaxayay qiimeyn lagu sameeyay qorshooyinka Israel ay ku weerareyso Iran sida uu sheegay afhayeenka aqalka wakiilada Mareykanka Mike Johnson.
Qoraalada ayaa sida la sheegay lagu daacabay internet-ka toddobaadkii la soo dhaafay, waxaana la sheegay in ay faahfaahinayeen muuqaalada dayaxgacmeedka oo muujinaya Israel oo diyaargaroobeyso si ay uga jawaabto weerarkii Iran ee kowdii Oktoobar
Dokomentiyada oo astaan looga dhigay sirtii ugu sareysa waxaa wadaagay Isbahaysiga sirdoonka shanta dal ee Mareykanka, Britain, Canada, New Zealand iyo Australia.
Toddobaadyo ayey Israel qorsheyneysay sida iyo goorta ay ka jawaabeyso weerarkii Iran. Wasiirka difaaca Israel ayaa hore uga digay in weerarkooda noqonayo mid dhiig ku daata oo cayiman, lalana yaabo.
Labada dokomenti ayaa la sheegay in ay u muuqdeen kuwa ka yimid hay’adaha sirdodonka ee NGA iyo NSA, waxaana jimcihii lagu daabacay bar talegram ah oo Iran taabacsan.
Johnson oo ah mas’uulka ugu sareeya kongareyska Mareykanka ayaa u sheegay telefishinka CNN Axadii in sirtaas bannaanka la keenay ay tahay mid welwel leh.
“Waxaa jira eedeymo culus oo la soo jeediyay, waxaa socda baaris, warbixin kooban ayaa dhowr saacadood gudahood ku heli doonaan”, ayuu yiri xildhibaan ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo laga soo doorto Louisiana.
Qoraal ka soo baxay Pentagon ayaa lagu xaqiijiyay in ay ka warhayaan wararka ku saabsan dokomentyada balse intaas wax ka badan kama aysan sheegin.
Hay’adaha Mareykanka ee la sheegay in ay ku lug leeyihiin iyo dowladda Israel kama hadal sirta ku qoran dokomentiyadaas ee bannaanka la keenay.
Telefishinka CNN iyo bogga wararka Axios ayaa markii ugu horeysay xogtan ka hadlay, waxayna taasi xaqiijineysay in markale Mareykanka uu basaasay saaxiibkii ugu dhawaa oo ah Israel

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mid ka mid ah dokomentiyada ayaa ka hadlay awoodaha Nukliyeer ee Israel oo ah arrin Mareykanka iyo Israel aysan weligood si rasmi ah uga hadal. Waxayna meesha ka saareen in awoodahaas aysan marna qorshaha ku jirin in loo isticmaalo weerar.
Mas’uul hore oo ka tirsanaa sirdoonka Mareyknka ayaa BBC-d u sheegay sababta sirtan lagu ogolaaday in ay bannaanka timaado ay tahay isku dayo daaha looga qaadayo heerka ay gaarsiisan tahay qorshaha aargoosiga Israel iyo in la carqaladeeyo.
Mareykanka ayaa baaraya hadii xogtan si ula kac ah ay u faafiyeen sirdoonka Mareykanka ama hadii la xaday oo internet-ka la jabsaday, sidaasina waxaa wakaaladda wararka AP u sheegay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.
Dokomentiyada ayaa u muuqda kuwa ku saleysan xogta muuqaalada dayaxgacmeedka ee la hely laga bilaabo 15-kii ilaa iyo 16-kii Oktoobar.
Markii ugu horeysan xogtan waxaan cinwaan looga dhigay “Israel: Ciidamada cirka oo isu diyaarinaya in ay duqeeyaan Iran iyo layli labaad oo weyn oo ay sameeyeen”. Sidaasina waxaa laga soo xigtay waakaladda wararka Reuters. Waxay dokometniayda sharaxeen in ganataaladam meelaha fog gaara iyo hawada laga weerarayo Iran.
Cinwanaaka labaadna waxa uu ahaa. “Israel: Ciidamada cirka ayaa sii wada diyaarinta hubka, waxayna qarinayaan dhaqdhaqaaqa diyaaradaha aan duuliyaha laheyn marka xiliga duqeynta soo dhawaato”
Jimcihii ayuu madaxweyne Joed Biden sheegay in uu faham fiican ka haysto waxaa Israel ay qorsheyneyso.
“Ma fahamsan tahay waxa Israel ay hadda sameyneyso si ay Iran ugu jawaabto” ayuu weydiiyay wariye.
“haa, haa” ayuu ku jawaabay madaxweyne Biden. Wariyaha ayaa markale weydiiyay “ma noo sheegi kartaa? Madaxweyne Biden wuxuu ku jawaabay, maya, maya.
Toddobaadkii la soo dhaafay wargeyska Washington Post waxa uu qoray in raysalwasaare Benjamin Netanyahu uu ka haray in uu weeraro nukliyeerka Iran iyo xarumuaha militeriga.
Wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa ku tilmaamay weerarkasta oo Iran lagu qaado in uu yahay mid khatar ah, wuxuuna ka digay in jawaabta Iran ay noqoneyso mid u dhiganta.













