Fethullah Gulen: Wadaadkii lagu eedeeyay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga oo geeriyooday

Fethullah Gulen

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Fethullah Gulen oo geeriyooday

Fethullah Gulen, oo ahaa wadaad Turki ah oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay isku daygii afgambi ee dhiigga badan ku daatay ee 2016, ayaa geeriyooday isagoo 83 jir ah, sida ay ku warrantay warbaahinta Turkiga iyo baraha bulshada oo soo xiganaya dad isaga ku dhowaa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in wadaadka oo musaafuris iskiis ah ugu noolaa dalka Mareykanka uu geeriyooday ka dib markii la dhigay isbitaal ku yaalla gobolka Pennsylvania.

Waxaa lagu tilmaamaa inuu ahaa ninka labaad ee ugu awoodda badan Turkiga, Gulen wuxuu ahaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dhaqdhaqaaqa Gulen, oo ah bulsho Islaami ah oo awood leh kana dhisan Turkiga iyo qeybo badan oo dunida ah.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku eedeeyay dhaqdhaqaaqa Gulen isku daygii afgambi ee 2016, balse Gulen ayaa beeniyay eedeymaha.

Gulen waxa uu ku soo caan baxay in uu ku doodo in dhalinyarada Turkiga ay waayeen mustaqbalkooda, waxbarashaduna ay tahay sababta ugu habboon ee looga gudbi karo dhibaatada dhalinyarada.

Waxa uu caan ku noqday inuu dadka ku boorriyo diinta Islaamka, samafalka, iscaawinta iyo wax wada qabsiga.

Dhaqdhaqaaqiisa oo Turkiga looga yaqaanno Hizmet ama "Adeeg" ayaa markii ugu horreysay helay iskuullo, waxa ayna sii wadeen inay hirgaliyaan machadyo waxbarasho oo ku yaal Turkiga iyo qeybo badan oo dunida ah.

Kadib markii ay xoogeysteen dhaqdhaqaaqyada, taageerayaashiisa ayaa ku baahay ganacsiyada, iyagoona billaabay inay ku milmaan gudaha dowladda iyo militariga.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hizmet ayaa mar xulufo la ahaa Erdogan, balse madaxweynaha Turkiga ayaa ku soo jeestay dhaqdhaqaaqa sannadkii 2013-kii, isagoo wacad ku maray inuu xirayo boqollaal iskuul oo ay wax ku bartaan, uuna dowladda ka sifeyn doono 'Gulenists', kuwaas oo uu ugu yeeray "dowlad ku dhex jirta dowlad".

Saraakiisha ciidamada booliiska ee xulafada la ah Gulen ayaa lagu eedeeyay in ay qaadeen weerarro ka dhan ah xulafada Erdogan, waxaana dowladda Turkiga ay si rasmi ah ugu dhawaaqday ururka Hizmet bishii May ee sanadkii 2016-kii inuu yahay urur argagixiso.

Laba bilood ka dib, qayb ka mid ah ciidamada Turkiga ayaa isku dayay inay afgambiyaan Erdogan.

Waxa ayna sheegeen in ujeedkoodu yahay in dimoqraadiyadda laga ilaaliyo madaxweynaha kalitaliska ah ee Turkiga oo ay ula jeedeen Erdogan.

Markii uu dhacay isku dayga afgambiga waxaa bilowday rabshado iyadoona xarumaha telefishinnada ay weerareen ciidan sidoo kale rabshadaha ayaa isqabsaday magaalooyinka Istanbul iyo Ankara, dibad baxayaasha ayaa la toogtay, waxaana rasaas lagu furay xarunta baarlamaanka iyo madaxtooyada.

Balse inqilaabka ayaa guul darreystay kadib markii shacab badan ay ka horyimaadeen sidoo kale waxaa magaalooyinka Turkiga la wareegay militari taageersan madaxweyne Erdogan, kuwaas oo markii danbe ka awood roonaaday sidoo kalena ku qasbay inay is dhiibaan hoggaamiyayaashii horkacayay inqilaabka.

Dowladda Turkiga ayaa Gulen ku eedeysay inuu ka danbeeyay isku dayga afganbi, balse waa uu iska diiday, waxa uuna cambaareeyay afgambiga.

Kumannaan askar ah oo u badan saraakiil sar sare iyo saraakiil xafiiseed ayaa la xirxiray iyadoona markaas wixii ka danbeeyay la beegsanayay qofkasta oo ku lug lahaa afganbiga.

Fethullah Gulen
Qoraalka sawirka, Gulen waxa uu ka fogaaday hadal kasta oo sii hurin kara xiisadda Turkiga intii lagu jiray wareysi BBC News 2014

Xilligaas, Gulen waxa uu ku sugnaa dalka Mareykanka isagoona ku maqnaa musaafuris iskiis ah, halkaas oo uu u guuray dabayaaqadii 1990-meeyadii.

Turkiga ayaa codsaday in loo soo gacan geliyo si uu u wajaho maxkamad balse Mareykanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in marka hore la arko cadeymaha ku lug lahaanshiyaha afgambiga.

BBC News ayaa Gulen ku wareysatay gurigiisa fog ee Pennsylvania 2014-kii.

Wadaadkan ayaa intii uu socday wareysiga waxa uu ka gaabsanayay su'aalaha qaar oo ay kamid yihiin kuwa la xiriira doorashooyinka Turkiga.

"Haddii aan dadka wax u sheego waxaan dhihi karaa dadku waa inay u codeeyaan kuwa ixtiraamaya dimuqraadiyadda, sharciga, oo dadka si wanaagsan ula macaamila," ayuu yiri.