Turkiga oo beeniyey eed ah inuu afduubayey Fathullah Gulen

.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, .

Turkiga ayaa sheegay in wararka tibaaxaya in Micheal Flynn oo kaaliye ka ahaan jiray Aqalka Cad uu qayb ka ahaa shirqool lagu doonayey in qasab loogu gacan geliyo wadaadka Gulen oo Turkiguna bixiyo malaayiin doolar ay yihiin "wax lagu qoslo".

Safaaradda Turkiga ee Washington ayaa sheegtay in eedaymahaasi ahaayeen kuwo "gabi ahaan ba been ah oo lagu qoslo sal iy raad toona aan lahayn".

Turkigu waxa uu ku eedeeyey Gulen in uu ka dambeeyey af-gembigii dhicisoobay ee bishii Juulaay 2016 kii dalkaa ka dhacay.

Warbixintaa ay soo saartay ayaa safaaraddu ku tidhi " shacabka Turkigu waxay Maraykanka ka sugayaan inuu sida ugu dhakhsaha badan Fethullah Gulen ugu soo gacan geliyo Turkiga si maxkamad loo hor geeyo".

Waxaanay intaa ku dartay in "dhamaan eedaha ah in Turkigu miciinsanayo hab sharciga ka baxsani ay gebigooduba yihin been iyo wax lagu qoslo oon raad lahayn".

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa si is daba joog ah ugu baaqay Maraykanka in ay Gulen ka soo qabtaan gobolka Pennsylvania oo uu deganyahay oo ay dalkiisa u gacan geliyaan.