Jamaal Cabdinaasir: Ninkii hoggaaminayay afgembigii ugu horreeyay ee Afrika

Mar kasta oo Afrika afgambi laga hadlo, qofka ugu horreeya ee maskaxda ku soo dhaca waa Janaraal Kamaal Cabdinaasir, hoggaamiyihii milateriga Masar ee afgambiyey dowladdii ugu horreysay ee Afrika 1952-kii.

Tan iyo markaas, qaaradda Afrika waxaa ka dhacayay afgambiyo, in ka badan 220 afgambi oo ay ku jiraan in ka badan 109 afgambi oo guuleystay, iyo in ka badan 111 afgambi.

Tirakoobku wuxuu muujinayaa in 54-ta dal ee Afrikaanka ah, 45 ay la kulmeen ugu yaraan hal afgambi.

Tirakoobyada Powell iyo Thyne ayaa muujinaya in Sudan uu ka dhacay afgambigii ugu badnaa ee dal kasta - iyadoo 16 ka mid ah lagu guuleystay ama lagu guuldarreystay.

Bishii Luulyo 23, 1952, Kamaal oo taageero ka helaya 89 sarkaal oo milateri ah ayaa afgambiyay Boqor Faaruuq I.

Noloshii Jamaal Cabdinaasir

Jamaal waxa uu ku dhashay aagga Bacos ee Qaahira, aabbihiisna wuxuu ka mid ahaa shaqaalaha boostada. Si kastaba ha ahaatee, diiwaannada dowladda ayaa muujinaya in uu ku dhashay Bani Murr.

Waxa uu wax ku bartay Al-Khatatibah sababo la xiriira shaqo beddelka aabbihiis. Halkaa ayuu Jamaal kasii aaday Qaahira si uu ula noolaado adeerkii oo markaas laga soo daayay xabsigii Ingiriiska.

Xogta ayaa sheegeysa in Jamaal uu marar badan khilaaf kala dhaxeeyay macallimiintiisa dugsiga, kuwaas oo qaarkood ay ahaayeen Ingiriis.

Jamaal markii uu dhammeeyey dugsiga sare waxa uu galay dugsigii sharciga oo uu dhowr bilood ku sugnaa ka hor intii aanu gelin kulliyaddii ciidanka ee Royal Military, halkaas oo uu ka qalin jabiyey, isaga oo noqday Gaashaanle Sare.

Waxa uu ka mid ahaa askartii la dagaallantay aasaaska dawladda cusub ee Israa'iil sannadkii 1948-kii.

Jamaal ayaa lagu tirin jiay inuu yahay nin leh waddaniyad Carbeed, isagoo abuuray Jamhuuriyaddii Carabta intii u dhaxaysay 1958 ilaa 1961, taasoo keentay inuu Israa'iil kula dagaallamo labo dagaal oo dhacay 1956 iyo 1967.

Sidee ayuu Jamaal xukunka uga tuuray Boqor Farouk I?

Jamaal Cabdinaasir oo ay taageerayaan 89 askari ayaa afgambi aan dhiig ku daadan ku afgambiyay Boqor Faaruuq.

Markii hore Anwar Saadaat waxa uu dalbaday in Boqor Faaruuq iyo saaxiibbadiisa la dilo, balse Jamaal waa uu diiday, wuxuuna ka codsaday inay u baxsadaan Masar.

In kasta oo Jamaal uu ahaa hoggaamiyihii afgambiga, haddana Sarreeye Guuto Maxamed Najiib waxa loo magacaabay madaxweyne muddo sannad ah.

Laakiin 1954-tii, Najiib waa la afgambiyay, waa la xiray, ka dibna Jamaal Cabdinaasir wuxuu noqday ra'iisul wasaare.

Isla sanadkaas, Jamaal waxa uu bilaabay in uu qaado weerarro ka dhan ah Ikhwaanul Muslimiinka ka dib markii uu isku dayay in uu dilo nin hubaysan oo sheegtay in uu u kiraystay kooxda.

Bishii Janaayo 1956, Naasir wuxuu soo saaray dastuurka Masar, kaas oo ku saleysan nidaamka hantiwadaagga ee hal xisbi, wuxuuna ku dhawaaqay in dalka uu yahay dowlad Islaami ah.

Sanadkaas, doorasho ayaa la qabtay, waxaana madaxweynenimada ku guuleystay Jamaal 99.9 boqolkiiba shanta milyan ee cod ee ay dhiibteen muwaadiniinta dalkaas.

Maxaa sababay inay afgembiyo ka dhacaan Afrika?

Dalka Masar oo uu ka dhacay afgambigii ugu horreeyay ee Afrika ka dhaca, ayaa khubarradu waxay aaminsan yihiin in afgambigii Boqor Faaruuqa koowaad ay sabab u ahayd in boqorku uu milateriga ka dhigay kuwo aan waxba ahayn.

Tirada afgambiga Afrika waa ay sii kordhaysay, iyadoo mid ka mid ahi uu dhici jiray ku dhawaad ​​afartii sanaba mar laga bilaabo 1960 ilaa 2000.

Daraasad ay sameeyeen labo aqoonyahan oo Maraykan ah oo lagu kala magacaabo Jonathan Powell iyo Clayton Thyne, ayaa lagu ogaaday in arrintani aanay ahayn wax lala yaabo, marka loo eego sida dalal badan ay sanado badan ka dhaceen rabshado tan iyo markii ay xornimada qaateen.

"Waddamada Afrika laftoodu waxay albaabbada u fureen afgambi, iyagoo dadka saboolka ah geliyey faqri iyo hoos u dhac dhaqaale, ilaa iyo inta waddan uu la kulmo hal afgambi, albaabku wuxuu u furan yahay afgambiyo badan," sida Powell iyo Thyne cilmi-baaristu ay muujinayso.