Ilaa hadda maxaan ka ognahay weerarka saaka Al-Shabaab ay ku qaaday saldhig militeri?

Weerarada Al-Shabaab

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Weerarada Al-Shabaab

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee Soomaaliya ayaa sheegaya in Al-Shabaab saaka ay weeraro ismiidamin ah ku ku qaadeen saldhig miltariga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Qaayib oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dagaal culus ayaa saaka salaaddii subax kadib ka billowday deegaanka Qaayib oo qiyaastii dhowr iyo soddon kiiloomitar u jira magaalada Baxdo, waxaa la sheegay in labo gaari oo lagu soo raray walxaha qarxa lagu weeraray saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada deegaanka oo taaageero ka helayo militeriga Soomaaliya ee fadhigeedu yahay deegaankaas.

Wararka waxay intaa ku darayaan in rag hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaanka xilli dagaal xooggan uu dhexmaray ciidamada dowladda iyo kooxihii weerarka soo qaaday.

Waxaana adag in la helo xogta ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka maadama isgaarsiinta ay ka maqan tahay deegaanka Qaayib.

Ilo kala duwan oo ku sugan magaalada Baxdo ayaa BBC-da u sheegay in dagaal culus uu ka socday halkaas tan iyo saakaa salaaddii subax kadib.

Qaayib waxay kamid aheyd meelihii dhawaan laga saaray Al-Shabaab, ciidamada deegaanka oo garab ka helaya ciidamada dowladda ayaa qabsaday deegaanka oo ay dhowr iyo toban sano ka talinayeen Al-Shabaab.

Ilaa iyo hadda wax faahfaahin ah lagama hayo weerarka inkastoo Al-Shabaab ay saaka ay galeen oo ay gacanta ku dhigeen deegaanka Qaayib.

Ma jiro war madbaxnaan oo xaqiijinayo sheegashada Al-Shabaab.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wax war ah lagama hayo ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda ee ku sugnaa deegaankaas.

Gobolka Hiiraan, Hrshabeelle iyo maamulka Galmudug waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday dagaal u dheexeyo dadka deegaanka oo garab ka helaya ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada Al Shabaab.

Dhawaan ayay aheyd markii isgooyska Soobe ee magaalada Muqdisho lagu qaaday labo qarax oo ay ku dhinteen ugu yaraan 100 halka 300 qof ay ku dhaawacmeen.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in afartii malmood ee lasoo dhaafay ay ciidamada dileen ku dhawaad 200 dagaalyahanada Al-Shabaab ah.

Dowladda Soomaaliya, ayaa ku dadaaleysa sidii ay ula wareegi laheyd magaalooyinka, ay gacanta ku hayaan kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacida.

Al-Shabaab ayaa sanado badan dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay, waxaana ay weeraro isdaba joog ah ka fuliyeen gobolka Soomaaliya.

In ka badan nolosha 15 qof ayaa ku dhintay laba qarax oo habeen hore ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo mid kamid ah qaraxyadaasi uu ka dhacay saldhig milateri halka tiro intaas ka badanna ay dhaawacmeen.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerraradaasi, waxaana ay weerraradan imaanayaan xilli ururkaasi gacantooda laga saaray dhul ballaaran oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya, kaddib dagaal halkaas ku dhexmaray iyaga iyo milateriga qaranka iyo maleeshiyo xulafo la ah oo dhinac ah.

Ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira Al-Shabaab

Xigashada Sawirka, SONNA

Qoraalka sawirka, Ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira Al-Shabaab

Soomaaliya iyo dagaalka Al-Shabaab

Muddooyinkan waxaa soo badanaya dagaallada u dhaxeeya Al-Shabaab iyo kooxo qabiil ahaan u abaabulan oo la magac-baxay Macawisley.

Saameynta dagaalladan oo dhowr jeer soo noqnoqday ayaa u muuqata mid aad u ballaaran. Meelaha ay ilaa ka dhaceen isku dhacdayaas waxaa ka mid ah deegaanno hoostaga Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed.

Hoggaamiyeyaasha maleyshiyaadka isu xilqaamay in ay la dagaallamaan Al-Shabaab ayaa la soo tebiyay in sababta ku kalliftay arrintan ay tahay culeysyo bulshadooda kasoo wajahay dhanka Al-Shabaab, oo ay sheegeen in ay ka mid yihiin dad laga dilay iyo carruurtooda oo ciidameyn lala doonayay.

Bishii Agoosto ayay macawisleydu la wareegtay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan oo ay kula dagaallameen Al-Shabaab, iyagoo sheegay in ay u aargudayeen nabaddoon laga dilay.