Maxay muhiim u yihiin murqahan loo yaqaanno 'wadnaha labaad'?

Murqaha ku yaalla dhabarka dambe ee lugaha waxay ka mid yihiin kuwa ugu muhiimsan jirka. Keliya jirka kama dhigaan mid isku dheellitiran, balse waa halbowleyaal muhiim ah oo door muhiim ah ka cayaaraha wareegga dhiigga.
"Waxa qeybtan muhiim ka dhigaya waa qaab-dhismeedka," ayuu yiri Dr. Carles Pedret, oo bare sare ka ah Waaxda Dawada Cayaaraha ee Jaamacadda Barcelona.
''Waxaa jira neerfooyin badan, waxayna ku xiran yihiin nudeyaasha neerfayaasha kale. Dhammaantoodna si wada jir bay u shaqeeyaan.''
Sameynta awood

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Murqahan waxay muhiim u yihiin howlaha la xiriira istaagidda ama socodka," ayuu yiri Dr. Marc Hamilton, oo ka tirsan University of Houston, Texas.
Murqahan waxay ka sameysan yihiin noocyo kala duwan oo nudeyaal ah iyadoo ay ku xiran tahay shaqadooda.
Waa muruqa kan joogteeya qaabka jirkaaga. Waa muruq kan kuu suurtogeliya inaad muddo dheer taagnaato amaba socoto adiga oon daalin.
"Murqahan waxay leeyihiin xaddi badan oo nudeyaal ah kuwaasoo muhiim u ah sameynta awood," ayuu yiri Dr. Pedret.
Ururintan nudeyaasha ee sameeya muruqa, oo wakiil ka ah 1% culeyska jirkaaga, ayaa awood badan u leh inay dhaliso tamar in ka badan qeybaha kale ee jirka.
Qeybinta dhiigga

Xigashada Sawirka, Getty Images
Murqahan dhabarka dambe ee lugaha ku yaalla ayaa shaqo gaar ah oo aad muhiim u ah qabta, waxay wadnaha ka caawiyaan shaqadiisa qeybinta dhiigga iyo gaarsiinta jirka.
Dr. Hámilton ayaa sharraxaya sida hannaankan uu u shaqeeyo. Qaab-dhismeedka murqahan waa ka duwan yahay murqaha kale. Caadi ahaan, tallaabo walba oo aad qaaddo, waxaad dhiigga lugahaaga ku jira ku celineysaa wadnaha.''
Faa’iidada murqahan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Iyadoo dhammaanba murqaha ku jira jira ay u baahan yihiin in laga shaqeysiiyo si aad u joogteyso caafimaadkaaga, haddana waa in ka shaqeysiintaas ay noqotaa mid As with all muscles in the body, the hamstrings need to work to stay healthy. But the work must be slow and steady.
Dr. Pedret ayaa sheegay in ka shaqeysiinta ugu fiican ay tahay in la socdo. Dadka ayaa u maleeya in qabashada shaqo badan ay murquhu ku noqdaan kuwo caafimaad qaba. Balse runta ayaa ah in loo baahan yahay shaqo gaabis ah oo joogto ah.
"Ka shaqeysiin la’aanta uma fiicna murqahan, balse in aad looga badiyo ayaa khatar weyn ku ah."
Waa qodob muhiim ah marka ay timaaddo murqaheenna, oo saynisyahannadu ay aad ula xiriirinayaan guud ahaanba shaqada jirkeenna.
"Waxa aan mar walba dhoho ayaa ah in dadku caadi ahaan ay tayada nolosha ee da’da weyn ula xiriiriyaan qabidda maskax fayow, inkastoo taasi ay run tahay, balse tayada nolosha ayaa lagu heli karaa inaad leedahay murqo xooggan," ayuu yiri Pedret.
"Joogteynta murqo caafimaad qaba ayaa hannaanka dhan ka dhigaya kuwo fiican. Waxay yareysaa khatarta cudurrada. Maskaxda ayaa sidoo kale si fiican u shaqeysa waxayna hagaajisaa caafimaadka maskaxda.
"Dadka qaar oo aan diiradda saarin jimicsiga lugaha"

Cabaas Cali Maxamed oo ka tirsan dhalinyarada macalimiinta mid kamid ah goobaha jirdhiska magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa BBC uga warramay muhiimadda dhisidda murqaha lugaha.
Ragga taga goobaha jirdhiska ayaa iyana waxaa lagu dhaliilaa in aysan diiradda saarin dhismaha lugaha sida la mid ah sida ay u dhisaan murqaha xabadka ama gacmaha.
Kuwa badan oo sameeya jimicsiga ayaa sheegay inay u doorbidaan dhisidda murqahaan maadaama ay yihiin inta badan meelo muuqda. Xarragada ayay sidoo kale qayb ka qaataan qaybaha jirkaas.
Kuwa kalana ayaa sheegaya in dhismaha lugaha ay ka shaqo badantahay jirka intiisa kale, waana sababta aysan xoogga u saarin in ay qaadaan biraha lugaha lagu dhiso.
"Qofka waxaa laga rabaa in jirkiisa uu ula macaamilo sida uu qeybta kore ula macaamilo in uu qeybta hoosana ula macaamilo, si jirkiisa uu u noqdo mid isku dheelitiran", ayuu yiri Cabaas oo ka hadlayay muhiimadda ay leedaha dhisidda lugaha.
"Lugaha waxa ay leeyihiin tababarro badan, mashiinno badan iyo qalab loo isticmaalo, hadii aan ku soo koobo dhowr xabo, waxaa ka mid ah Kadaloobsi, waxaa kale oo jira mashiin la riixaayo iyo qalab badano oo loogu talagalay in qofka uu lugahiisa ku dhiso, laakiin ciladdu kama jirto xagga qalab la,aanta ama in aan la heysan tababar lagu dhiso ee waxa ay ka jirtaa xagga bulshada oo u maleeya in lugaha shaqo badan ama adag ay tahay in la dhiso".
Wuxuu kula taliyay dhalinyarada rag iyo dumar, in dhismaha murqaha lugaha uu muhiimad u leeyahay jirka, sida aasaasku muhiimad ugu leeyahay dhismaha guriga.
















