Waxyaabaha loo isticmaalo jirdhiska ma waxay saameeyaan ragannimada?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Rajat (ma aha magaciisa saxda ah) waa nin dheer, oo quruxsan jir fiicanna leh, wuxuu tegay magaalada Mumbai ee dalka Hindiya si uu u hormariyo xirfadda wax xayeysiinta kaddib markii uu uga baxay kuleej.
Rajat ayaa waxaa loo soo bandhigay inuu ka qeyb qaato filim jilid markii uu bilaabayay xirfaddiisa wax xayeysiinta. Wuxuu u baahnaa jir dhuuban si uu fursaddaas uga faa'iideysto.
Rajat ayaa si deg deg ah u galay jiim wuxuuna bilaabay inuu waqti badan ku bixiyo tababar. Wuxuu ka shaqeyn jiray jirkiisa isagoo caawinaad ka helaya tababare dhanka jirdhiska ah.
Muddo gaaban gudaheed wuxuu isticmaalay waxyaabaha la isku duro ee steroid loo yaqaanno kuwaasoo ay isticmaalaan dadka jirkooda dhisa qaarkood. Wuxuu sidoo kale diiradda saari jiray cunnooyinka borotiinka leh.
Muddo labo bilood iyo bar ah, dadaal badan kaddib jir qurxan ayuu yeeshay. Isbeddello badan ayaa jirkiisa lagu arkay. Agaasimaha filimka ayaa aad ugu qancay arrintaas.
Balse muddo kaddib waxaa dhibaato ay ka soo gaartay waxyaabaha steroids ee uu isticmaalayay. Markii uu joojiyo isticmaalkooda wuxuu dareemayay dhibaatooyin dhanka hammadiisa oo hoos u dhacday.
Arrintaas aad ayay u dhibtay Rajat waxaana ku adkaatay inuu diiradda saaro shaqadiisa. Wuxuu u tegay dhaqtar kaasoo kula taliyay inuu wax ka beddelo cuntadiisa uuna joojiyo waxyaabaha uu jirdhiska u isticmaalo.

Ma waxaad u baahan tahay steroids si aad jir fiican u hesho?
Waa maxay jirka la jecel yahay? Waxaan la hadalnay khubarrada qaar si ay uga jawaabaan. Ugu horreyn aan ogaanno waxa uu yahya jir fiican...
Jir caafimaad leh ayaa ah mid fiican kaasoo leh murqo badan iyo baruur yar.
Sagar Mundada oo ah dhaqtar ku takahsusay dhanka hammada ayaa sheegay in raggu ay sameeyaan khaladaad badan marka ugu horreysa ee ay dhisayaan jirkooda.
Khaladka ugu horreeya ayuu sheegay inuu yahay inay qaataan waxyaabo la isku duro ama la cuno
Ragga ayaa aalaaba waqti badan ku bixiya jiimka si ay si degdeg ah jirkooda ugu dhisaan. Saameyn taban ayay taas ku leedahay jirka. Sidaas darteed dhaqaatiirta ayaa kula talinaya inay waqti siiyaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waa maxay xiriirka ka dhaxeeya steroids iyo hammada?
Dr. Mundada oo arrintaas ka jawaabeysa ayaa yiri, "Jirka ninka wuxuu caadiyan soo saaraa hoormoonno gaar ah. Kuwaasoo hammad u yeelaya. Sidoo kale waxaa xoogeysanaya hammadiisa.
Balse markii uu bannaanka ka qaato steroids, waxay saameeyaan hoormoonnada.
Haddii uu joogto u isticmaalana, waxaa suurtogal ah inay weynaadaan xiniinyaha taasoo saameyn ku yeelan karta tayada manida ragga. Saameynta taban ee ugu daran ayaa ah dhanka hammada."
Dr. Shilpa Joshi oo ah dhakhtar ku takhasusay nafaqada fadhigiisuna yahay magaalada Mumbai ayaa si adag ragga ula taliyay inay isticmaalin steroids.
"Uma baahnid in aad isticmaasho steroids si jirkaaga uu u dhismo kadib marka aad sameyso jimicisga"
Waxaa jiraa xiliyo gaar ah oo la adeegsado Steroids waa marka oo uu dhakhtarka kuugu la taliyo in aad qaadato.
"Xeer baa ka yaalla isticmaalkiisa, dhakhtarkana wuu garanayaa ka hor inta uusan qofka qaadan waxaa qofka looga baahan yahay in la baaro dhiiggiisa" ayuu yiri Dr. Shilpa Joshi.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Muhiimadda ay nafaqadan u leedahay caafimaadkeenna?
Khaladka kale ay ragga sameeyaan ayaa ah in maalintii oo idil ay qaataan cunto borotiin ah iyagoo aan wax kale cuneyn, dhakhaatiirtana waxay kula taliyaan inay sidaa sameyn.
"In aad qaadato cunto borotiin ah waxay u wanaagsan tahay caafimaadka, waxaad cuni kartaa ukun, khudaarta cagaaran iyo borotiinnada kale ee ka baxsan nafaqada steroids, ayuu yiri Dr. Mundada.
Sameer Joura oo ah nin qaabilsan jimicsiga fadhigiisuna yahay Mumbai-25-tii sano ee lasoo dhaafay wuxuu ku howlanaa tababaridda ragga iyo dad caan ah
Waxyaabaha aan loo baahneyn
Sida uu qabo Dr. Like Sagar wuxuu qabaa in aan la isticmaalin cuntada nafaqada leh ee steroids, wuxuuna sheegay in dadka weligiisa uusan kula talin inay qaataan.
Halka digirta, caanaha, khudaarta iyo miraha ay guud ahaan u baahan yihiin dadka jimicsiga sameeya, waxay daboolaysaa baahida loo qabo borotiinka.
Dhakhtarku waxa uu sidoo kale ku taliyey in la joojiyo cuntooyinka gasacadeysan.
Si buuxda uga fogaw nafaqada steroid, ha qaadan cuntooyin aad ku kabeyso steroid, cirbadaha hoormoonka waa in aan la isticmaalin haddii aan loo baahnayn.
Dhakhaatiirta waxay sheegayaan in dadka aysan qaadan nafaqadan ilaa uu Dhakhtar kula taliyo mooyaane, sida uu BBC Marathi u sheegay Sameer Joura.










