Shan arrimood oo Putin ka hor istaagaysa in uu rido hub Nukliyeer ah

Xigashada Sawirka, EPA
Xilli uu socdo dagaalka Ukraine madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in Ruushka uu joojinayo ka qeybgalka heshiiska u oggolaanayo maraakiibta Ukraine ee sidda qamadiga ay si nabdoon uga soo dhaqaaqaan halkaas, Putin wuxuu sheegay in uu qaadi doono tallaabo uu uga jawaabayo weerarkii lagu qaaday ciidamada badda Ruushka, wuxuu ugu baaqay Ukraine inay ilaaliso ammaanka gaadiidka badda.
Bishii September ayay aheyd markii Putin uuu ku dhawaaqay in "qeyb ka mid ah abaabulka" ciidamo loo dirayo dalka Ukraine, wuxuuna ku hanjabay inuu awoodiisa oo dhan u adeegsado difaaca dhulka Ruushka, taasoo cabsi ka abuurtay caalamka. Digniinadaas hore Ruushka, ayay falanqeeyayaasha sheegeen in loo fasiran karo digniin ku socota wadamada kale si aysan u kordhinin ku lug lahaanshahooda Ukraine, haddii ay taasi dhici weysana ay danta ku khasbi doonto inuu isticmaalo hubka nukliyeerka. Haddaba waxaan halkan idiin kuugu soo gudbineynaa shann arrimood oo ku aadan sababta Putin uu ku dhawaaqi la'yahay dagaalka Nukliyeer ah.
Doorashada xilligga dhexe ee Mareykanka
Iyadoo Mareykanka lagu wado inay ka dhacdo doorashada xilliga dhexe, Aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin-ka ayaa ogaan doonaa in xisbiga Jamhuuriga uu fursad u haysto inuu ku guuleysto maamulidda Aqalka Koongareeska. Horaantii bishan, hogaamiyaha laga tirada badan yahay ee Aqalka Kevin McCarthy ayaa sheegay in Jamhuuriga uusan taageero shuruud la'aan ah siin doonin Ukraine waa haddii ay aqlabiyad badan ka helaan Koongareeska. Waa arrin uu ku raaxeysanayo Putin. In kasta oo aanay caddayn in gargaarka Mareykanka uu siinayo Ukraine uu hadalkaas saameyn doono waa haddii Jamhuuriga uu ku guuleysto doorashada, Kremlin-ka ayaa soo dhawayn doonta fursad kasta oo lagu dhimi karo taageerada milatari ee Maraykanka uu siinayo xukuumadda Kyiv.

Xigashada Sawirka, Reuters
Xilliga qaboobaha ee Yurub
Waxay u muuqataa in Vladimir Putin uu isku dhufsanayo xisaabtiisa, iyada gaaska Ruushka uu si xun uga go'ay Yurub, xilligga qaboobaha waxaa isa soo tari doonaa baahida ay Yurub u qabto tamarta iyo qiimaha nolosha oo sare u kaca, taasoo ku khasbi karta dowladaha Reer Galbeedka inay heshiis la galaan Ruushka.

Xigashada Sawirka, EPA
Waxay arrintan hoos u dhigi kartaa taageerada ay siiyaan Ukraine. Ilaa iyo hadda Yurub waxay u muuqata inay isku diyaarisay sidii ay uga hortagi laheyd dhibaatooyinka ka dhasha qabowga. Bisha Octoberr waxa ay ahayd mid ka qabow sidii caadiga ahayd waxaana sare u kacay gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah taas oo ka dhigan in kaydku buuxo , qiimaha gaaska Yurubna uu hoos u dhacay .
Heeganka uu Ruushka geliyay ciidamadiisa
Maalmihii la soo dhaafay, Madaxweyne Vladimir Putin wuxuu qaaday tallaabooyin uu ku abaabulayo dhammaan ciidamada keydka ah si ay u qaadaan howlgal ah, wuxuu sheegay in wado dadaallo uu sae ugu qaadayo dhaqaalaha Ruushka iyo wax soo saarka warashadaha. Marka dhinacyo badan laga eego dalkiisa waxaa saameyn ku yeeshay dagaalkan in muddada ah socdo, waxaa jirtaa astaan laga yaabo in Ruushka uu isku diyaarinayo in dagaal daba-dheerado uu ku qaado Ukraine.
Khasaaraha ka dhalan kara dagaal Nukliyeer
Waxaa weli dunida ka taagan mabda'ii dagaalkii qaboobaa, waxaa loo maleynaya in haddii hal dhinac ah uu rido hubka Nukliyeerka, dhinaca kalena uu isla Nukliyeer ku jawaabo waxay ka dhigan tahay in qof kasta uu dhimanayo. Mana jirto cid guul ka gaartay dagaalka Nukliyeerka, madaxweyne Vladamir Putin wuu ogyahay arrintaas. Waxay dhammaan arrimahan ku saleysan yihiin fikradda macquulka ah ee ku aadan in loo maleeyo in dagaal Nukliyeer ah uusan ka dhicin doonin Ukraine. Arrinta kaliya ah ay dunida ka baratay qalalaasihii ka dhashay gantaalladii Cuba ayaa ah sida ay u imaan karto in dunida ay qarka u saarnaato dagaal Nukliyeer kadib isfahan waa iyo xisaab la'aan ay sameeyaan dalalka qaar.
Khaladaadka

Xigashada Sawirka, Reuters
"Hawlgalka gaarka ah" uu ku dhawaaqay Putin uma socon sidii uu qu qosrheeyay, waxaa u qorsheysnaa in dagaalka Ukraine uu ku qaato maalmo, toddobaadyo ama bilooyin, waxay u muuqataa in Ruushka uu dhayalsaday iska caabbinta Ukraine, reer galbeedka waxay taageerayaan xukuumadda Kyiv, Ruushkana wuxuu wajahayaa cunqabateyn caalami ah.
Inkasta oo bilowgii dagaalka la xaqiijiyay inay howlgalka ay ka qeyb qaateen askarta tababaran ee Ruushka haddana Madaxweyne Putin wuxuu ku dhaawaqay in qeyb ahaan uu ciidamadiisa gelinayo abaabul, marka laga soo tego arrintaas, Ciidamada Ruushka waxay ku guuldareysteen inay qabsadaan dhulka badan toddobaadyadii lasoo dhaafay kadib duullaanka ay wadaan ciidamada Ukraine.
Waxaa dhif ah in Putin uu qirto in uu khalad galay, haddana waxay u muuqataa inay ka go'aan tahay in uu sii wado dagaalka si uu uga gaaro guul dagaalka Ukraine.














