Vladimir Putin: Xog ku saabsan Madaxweynaha Ruushka oo isku day dil ka badbaaday

Vladimir Putin

Xigashada Sawirka, Reuters

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ka badbaaday weerar isku day dil ah oo lala beegsaday waxyar kaddib markii uu billowday dagaalka Ukraine, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan militeriga dalka Ukraine.

Qaar ka mid ah warbaahinta caalamiga ah oo ay ka mid yihiin telefishinka NDTV iyo Wargayska New York Post ayaa maanta shaaciyay warkan oo ay kasoo xigteen wargayska Ukrainska Pravda ee laga leeyahay Ukraine.

Janaraal Kyrylo Budanov, oo ah madaxa sirdoonka dhinaca gaashaandhigga ee Ukraine, ayaa dibadda u soo saaray xogta ku saabsan iskudayga lagu dili rabay Putin ee "dhicisoobay". Falkaas ayuu sheegay in uu ka dhacay gobolka Caucasus.

Warkan ayaa soo baxay xilli uu socdo dagaalka sii xoogaysanaya ee u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine, sidoo kalena ay isasoo tarayaan xogaha la isla dhex marayo ee la xiriira caafimaadka Madaxweyne Putin.

Gobolka Caucasus ee uu ka dhacay isku dayga dilka ah ee lala beegsaday Putin ayaa ku yaalla inta u dhaxaysa Badda Madow iyo Badda Caspian, dhacdadaasna waxay ku soo aadday waxyar kaddib markii uu qarxay dagaalka Ukraine oo bilowday 24-kii bishii February.

Maxay tahay xogta uu bixiyay sarkaalka ka tirsan sirdoonka?

Janaraal Kyrylo Budanov ayaa arrintan uga hadlay wareysi uu siiyay wargayska online-a ah ee lagu magacaabo Ukrainska Pravda.

"Waxaa jiray isku day lagu doonayay in lagu dilo Putin... Xitaa waa la weeraray, sida la sheegay, waxaana sheegay wakiillada Caucasus, muddo fogna ma aha," ayuu yiri Mr Budanov oo uu soo xigtay wargayska fadhigiisu yahay Ukraine.

"Xogtan ma aha mid shacabka loo soo bandhigay. Waxa uu ahaa fal gebi ahaanba lagu guul darraystay, balse run ahaantii wuu dhacay isku dayga... Waxay ahayd qiyaastii labo bilood ka hor," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Wargayska Ukrainska Pravda ayaa sheegay in wareysiga Mr Budanov oo dhammaystiran lasii dayn doono maanta oo talaado ah.

Sheegashadan wali ma aysan xaqiijinin ilo wareedyo madax bannaan, hase yeeshee warkan waxa uu kusoo aaday dhowr isbuuc kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Mr Putin lagu sameeyay qalliin si looga saaro saliid uur ku jirtiisa.

Qalliinkaas ayaa ahaa mid "si wanaagsan loogu guulaystay wax cillad ahna aysan ka imaanin" sida lagu sheegay wararka la shaaciyay. Xogta ku saabsan qalliinka Putin lagu sameeyay waxaa lasoo dhigay kanaalka Telegram-ka ee SVR, oo lala xiriiriyo Sirdoonka Arrimaha Dibadda ee Ruushka.

Waxaa jiray warar kale oo laga soo xigtay ganacsade maalqabeen ah oo saaxiib dhow la ah Putin, kaasoo sheegay in "Putin uu aad ula xanuunsan yahay kansarka dhiigga".

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, .

Waxaa la faafiyay cod laga soo duubay ninkaas oo hadalkaas sheegaya, waxaana durba sii xoogaystay hadalhaynta ku saabsan caafimaadka Putin.

Horaantii bishan May, Mr Budanov oo waraysi siiyay telefishinka Sky News, ayaa sheegay in dagaalka Ukraine uu waji cusub yeelan doono bartamaha bisha August, uuna dhammaan doono ilaa dabayaaqada sanadkan, taasoo horseedi doonta in uu isbaddalo maamulka Ruushka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in uu socdo "qorshe lagu doonayo in afgambi militeri lagu sameeyo xukunka Putin, arrintaasna aan la joojin karin".

'Putin xilka ma sii hayn karo'

Madaxweynaha Mareykanka ayaa goor sii horraysay hadal hayn dhaliyay kaddib markii uu si aan ku talogal ahayn u sheegay in "Putin uusan u qalmin inuu xukunka sii hayo".

Bishii March Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa jeediyay hadallo badan oo aan loo qorin oo culeyska kusii kordhiyay xiriirka Mareykanka iyo Ruushka oo markii horeba meel aad u xun taagnaa.

Hase yeeshee, oraah uu jeebka kala soo baxay oo uu isagoo aan lala ogeyn ku darsaday "khudbaddii weyneyd" ee uu ka jeediyay Poland - oo uu ku sheegay wax u muuqday baaq ku aaddan in xilka laga tuuro Madaxweyne Vladimir Putin - ayaa noqon karta midda ugu daran.

Qoraalka Muuqaalka, Daawo: Joe Biden oo markii uu soo xirayay khudbadda sheegay in Putin "uusan kusii nagaan karin xukunka"

Khudbadda uu u jeediyay koox isugu jirtay saraakiisha dowladda Poland ah oo lasoo xulay iyo marti sharaf ka socotay Qasriga Boqortooyada ee Warsaw, ayuu madaxweynaha Mareykanka mar kale ku sheegay in uu socdo dagaal u dhaxeeya dimuqraaddiyadda iyo dimuqraaddiyad diidka, kaasoo uu si weyn uga digay.

Waxa uu wacad ku maray in isbahaysiga Nato uu difaaci doono "taako kasta" oo ka mid ah dhulka dalalka xubnaha ka ah. Waxa uu sidoo kale ballan qaaday in la sii wadi doono taageerada la siinayo Ukraine, inkastoo uu hoosta ka xariiqay in militeriga Mareykanku aysan dagaal la gali doonin kuwa Ruushka ee halkaas jooga.

Waxay ahayd khudbad kulul balse la miisaamay - aadna u waafaqsaneyd hadalladii ay muddo bilooyin ah dhahayeen saraakiisha Mareykanka ee ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee uu hoggaamiyo Antony Blinken.

Laakiin, wax yar ka hor inta uusan soo gabogabeynin khudbadda oo uusan dhihin "waad mahadsan tihiin" iyo "nabadgelyo", ayuu Mr Biden khudbadda gadaal uga darsaday hadallo aan lala ogeyn oo ku wajahnaa dhiggiisa Ruushka: "Ilaah dartiis, ninkan xukunka kuma sii nagaan karo."

Dowladda Ruushka ayaa ka hadashay durbadiiba.

"Khudbaddan iyo hadallada khuseeya Ruushka waxay ahayd in loo adeegsado erayo akhlaaq ku dheehan tahay," ayuu yidhi afhayeen u hadlay Ruushka oo lagu magacaabo Dmitry Peskov. "Ma fahansana in adduunka uusan u xirneyn Mareykanka iyo inta badan dalalka Yurub."