You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Saadaam Xuseen: Maxaa lagu ogaaday sahanka cusub ee laga sameeyay Ciraaq?
Inta badan dadka reer Ciraaq ayaa sheegay in xaaladda uu ku jiro waddanka ay ka sii dartay tan iyo markii uu Maraykanku duullaanka ku qaaday snadkii 2003-dii, sida lagu sheegay sahan cusub.
Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo dalkan qaniga ku ah saliidda ee ku yaalla Bariga Dhexe laga xusayo 20-sano guuradii ka soo wareegtay markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii Ciraaq, Saddaam Xuseen.
Gallup International, oo ah hay'ad caalami ah oo aan macaash doon ahayn, ayaa sahan toos ah ka samaysay dhammaan 18-ka maamul ee Ciraaq.
Mar wax laga weydiiyey xaaladda Ciraaq ee hadda marka loo eego duulaankii Maraykanka ka hor, ayay 60% dadkii ka jawaabayey waxay sheegeen in ay ka sii dartay xaaladda, halka 40% ay sheegeen inay xaaladda soo hagaagtay.
Shiicada Carabta ah ee ku nool Ciraaq intooda badan waxay noqdeen kuwo awood siyaasadeed leh wixii ka dambeeyay 2003-dii, taas oo caro ka dhex abuurtay Carabta Sunniga ee Ciraaq, Kurdiyiinta iyo bulshooyinka kale ee laga tirada badan yahay.
Kala qaybsanaantan dhanka bulshada ayaa ka muuqata sahanka iyada oo inta badan Muslimiinta Sunniga ah, oo qiyaastii gaaraya ilaa boqolkiiba 54% ay aaminsan yihiin in noloshooda ay ka wanaagsanayd xilligii dowladdii Saadaam Xuseen.
Iyadoo ay jirto qiimeyntan xun, ayaa hadana waxaa jira astaamo horumar muujinaya, Mid ka mid ah saddexdii qof ee ka jawaabay su'alaaha ayaa ku tilmaamay xaaladda Ciraaq mid "sabool ah".
Markii Gallup International ay gashay kaydkeeda oo ay eegtay jawaabta isla su'aashaas oo la weydiiyay dadka sanadkii 2003-dii, waxay ogaatay in ku dhawaad laba ka mid ah saddexdii qof ee reer Ciraaqi ahba ay bixiyeen jawaab tan la mid ah.
Nin 45 jir ah oo ku nool gobolka Anbar ayaa kooxda sahanka wadday u sheegay: "Way adag tahay in la ogaado in xaaladdu ka soo raynayso ama ay ka sii dartay, isbeddellada dalka ka dhacay ayaa muujinaya rajo wanaagsan, waxaana rajeyneynaa inaan illowno wixii hore."
Maraykanku waxa uu weeraray Ciraaq sanadkii 2003-dii isagoo aaminsan in waddanku haysto 'hubka wax gumaada' iyo in taliskii Saadaam Xusseen uu halis ku ahaa ammaanka caalamka.
Laakin wax caddayn ah oo ku saabsan in Ciraaq ay haysatay hubka wax gumaada ilaa hadda lama shaacin.
Dagaalka ayaa wuxuu sababay dhimashada boqolaal kun oo reer Ciraaq ah iyo xasillooni darro daba-dheeratay oo dalkaasi ka dhacday.
Inkasta oo ay dawladda Maraykanku qiil ka bixisay, haddana waxa ay u muuqataa in dad badan oo Ciraaqiyiin ahi ay weli ka shakisan yihiin sababaha ka dambeeyay in dagaal lagu soo qaado.
Boqlkiiba 51% Ciraaqiyiintu waxay aaminsan yihiin in Maraykanku Ciraaq ugu soo duulay si uu u xado kheyraadkiisa.
Dareenkan ayaa ah mid aad ugu xooggan gobollada koonfur-bari iyo gobolka Anbar oo qani ku ah saliidda iyo gaaska.
Dhanka kale, boqolkiiba 29% oo ka mid ah dadka la wareystay ayaa aaminsan in ujeedka duulaanka uu ahaa in la afgambiyo taliskii Saadaam Xusseen. Sababaha kale, ay dadku qaar sheegeen ayaa waxaa ka mid ahaa: danaha qandaraaslayaasha ka tirsana ciidamada difaaca Maraykanka, la dagaalanka argagixisada iyo in Ciraaq laga dhigo dal dimuqraadi ah.
Markii duulaankii uu Maraykanku hoggaaminayey uu meesha ka baxay, waxaa soo baxay maleeshiyo beeleedyo. Dalka ay jaarka yihiin ee Iran ayaa sidoo kale waxaa saameeyay colaadda maadaama boqolkiiba 60% dadka Ciraaq ay yihiin Muslimiin Shiico ah, oo muddo dheer la cadaadinayey xilligii Saadaam Xusseen.
Sannadkii 2014-kii dalka Ciraaq waxaa saameeyay dagaal cusub oo ka dhashay is ballaarintii dowladda Islaamiga ah oo taageero ka heshay dadka Sunniga ah ee daggan waqooyiga.
Baqdaad waxay Mareykanka iyo xulafadiisa ka heshay taageero milatari oo culus taas oo sababtay in meesha laga saaro kooxda IS sannadkii 2018. Tan iyo markaas, wax u eg xasilooni ayay heleen dadka reer Ciraaq.
Ciraaqiyiinta ayaa ku kala qeybsan mustaqbalka ku lug lahaanshiyaha Mareykanka ee dalkooda, sida lagu sheegay sahanka. Tirada askarta Mareykanka ayaa sare ugu kacday ku dhawaad 170,000 sannadkii 2007- dii balse ku dhowaad 2,500 oo askari ayay gaarayaan.
Dadka ka jawaabay su'aalaha sahanka ee ku nool qaybta koonfureed ee Ciraaq ayaa waxay door bidaan in Maraykanku si degdeg ah uga baxo dalka halka kuwa ku nool waqooyiga, oo ay kamid yihiin kuwa deggan gobolka Kurdistan ee Ciraaq, waxay rumaysan yihiin in joogitaanka Maraykanku uu lagama maarmaan yahay.
Ilaa boqolkiiba 75% Shiicada Ciraaq ee la waraystay waxay u arkaan imaatinka ciidamada isbahaysiga Maraykanka mid xun. Waxay u janjeeraan Ruushka marka la eego xiriirka dhow ee u dhexeeya Tehran iyo Moscow.
Dhaqaale ahaan, Shiinaha ayaa door aad u sareeya ka qaatay Bariga Dhexe sannadihii u dambeeyay inkasta oo gobolka ay ka socdaan dalladda ammaanka ee uu wado Maraykanka.
Beijing ayaa dhawaan ku dhawaaqday 'wadahal' u dhexeeya Iran iyo Sucuudi Carabiya halkaas oo ay ku heshiiyeen inay dib u soo celiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed.
Laakiin mustaqbalka dhallinyaradu mugdi ayuu ku jiraa- waxaa shaaca laga qaaday dhaqdhaqaaqa bulshada ee Tishreen ama Oktoobar kaas oo ka bilaabmay waddooyinka Baghdad 2019 kaasoo si naxariis darro ahna loo xakameeyay.
Halka boqolkiiba 47% Ciraaqiyiinta la waraystay ay rabaan inay dalkooda joogaan oo ay dhistaan waddan cusub, boqolkiiba 25% dadka waxay rabaan inay dalka isaga baxaan oo nolol ka raadsadaan waddamo kale.
Qof aan magaciisa la shaacin ayaa u sheegay kooxdii horkaceysay sahanka: "Tirada sii kordheysa ee dhalinyarada Ciraaq, gaar ahaan ragga ku nool Baqdaad, waxay u arkaan in mustaqbal wanaagsan ay ka helayaan dalka dibaddiisa."
Ku dhawaad mid ka mid ah saddexdii qof ee Ciraaqiyiin ah oo da'doodu u dhaxayso 18-24 ilaa jir ayaa doonaya in ay dalka ka baxaan kuwaas oo eedeyn dusha uga tuuray siyaasiyiinta dalka, waxay sheegeen inay ku lug leeyihiin dhibaatooyinka musuqmaasuqa ee muddada dheer soo taagnaa.
Laakiin dhibaatada Ciraaq laguma soo koobi karo tirokoob. Malaayiin Ciraaqiyiin ah, ayaa labaatankii sano ee la soo dhaafay isku buuqay.
Haddana waxaa soo baxaya jiil cusub oo dhaxlaya culayskii hore iyagoo ku dadaalaya qaabaynta mustaqbal wanaagsan.
Iyadoo ugu yaraan boqolkiiba 40% dadka Ciraaq ay da'doodu ka yar tahay 15 jir, ayaa jiilkan da'da yar waxay u muuqdaan inay jecel yihiin inay helaan xasilooni dhanka dhaqaalaha ah iyo fursadaha shaqo.
Waxaa la rajeynayaa in madaxda Ciraaq iyo taageerayaasha caalamiga ah ay kicin doonto xaaladda ka taagan dalkaas.