Waddamada aan saaxiibka la ahayn Markaynka oo sameynaya dhoolatus Militari

Xigashada Sawirka, AFP
Maraakiibta ee Shiinaha iyo Iiraan ayaa gaaray magaalada Pretoria si ay uga qeyb-qaataan dhoola tuska ciidan ee lagu inuu dhaco halkaas, kaas oo ay marti galineyso dowladda Koofur Afrika.
Dhoolatuskan wadajirka ayaa waxaa ka qeyb-galaya dalalka dalal dhowr, kuwaas oo siyaasad ahaan is hayaan ama kasoo horjeeda Maraykanka, ayn horboodyeso Koofur Afrika.
Dhoolatuskaan militari oo uu hogaaminayo Shiinaha ayaa loogu magac daray 'Will for peace 2026', waxa uu ka dhici doonaa badda, isaga socon doonaa inta u dhaxeysa 9-16 bisha Maarso ee sanadkaan.
Dalalkaan ayaa sheegay in dhoolatuskaan ay ugu talo galeen in ay cadaadis dimlomaasiyadeed saaraan maamulka Washington, gaar ahaan Koonfur Afrika waxa ay dhisanaysaa xiriirka wanaagsan ay la leedahay dalalka ay Maraykan is hayaan iyo sidoo kale xulafadeeda BRICS.
Dadka dhaliila dowladda Koonfur Afrika ayaa ka walaacsan in dhuultuskaan milatari uu dalka u keeni doono dhibaatooyin ka badan faa'iidooyinka uu leeyahay.
Maamulka Trump ayaa la filayaa iin ay cadaadis siyaasad saaraan Koonfur Afrika, maadaam ay dhoolatus la sameenayo dalalka Ruushka, Iiraan iyo Shiinaha.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa marar badan ku eedeeyay madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa inuu ku xadgubo dadka caddaanka ah ee dalkaas. Sidoo kale dowladda Mareykanka ayaa iska diiday in ay ka qeyb-gashp shirkii G20 ee dhawaan dhacay.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Koonfur Afrika, dhoolatuska markii hore waxaa loo qorsheeyay Nofeembar 2025, ka hor shirka G20. Balse waxaa dib loogu dhigay in aysan wax carqalad ah ku imaanin Shirka oo ka dhacayey magaalada Johannesburg.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida lagu sheegay war ka soo baxay Ciidamada Difaaca Koonfur Afrika, ujeeddada dhoolatusku waa in la xoojiyo iskaashiga ciidamada qalabka sida iyo ilaalinta marinnada ganacsiga badda ee muhiimka ah.
Xubnaha BRICS ee aan ka mid ahayn dalalka hore loo xusay ayaa lagu martiqaadi doonaa dhoolatuska
Inkasta oo aan weli la shaacin tirada guud ahaan waddamada ka qeyb-galaya dhoolatuska, hadana waxaa la xaqiijiyey in maraakiibta dagaalka Shiinaha,Ruushka iyo Iraan in ay qeyb ka yihiin dhoola tuska.
Warbaahin laga leeyahay Koofur Afrika oo la yiraado Daily Maverick ayaa sheegtay in dalalka Itoobiya iyo Induniisiya ay dhoolatuska ka ahaan doonaan korjoogto. Ma jiro wax war ah oo xaqiijinaya arrintaas oo illaa iyo haddakasoo baxay dowladda Itoobiya.
Itoobiya waa dal aan bad lahayn, mana laha maraakiib ciidanka badda oo ka qeyb geli kara dhoolatuska.
Dalalka xubnaha ka ah gaashaanbuurta BRICS waxaa ka mid ah: Brazil, Shiinaha, Ruushka, Hindiya, Koonfur Afrika, Iiraan, Masar, Itoobiya, Induniisiya iyo Imaaraadka Carabta.
Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale lagu casuumay inuu ku biiro, balse weli lama xaqiijin inuu ku biiray iyo in kale.
Waxaa weli la sugayaa in la ogaado dalalka si rasmi ah uga qeyb qaadan doona dhoolatuskaan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Markab dagaal oo uu Shiinaha leeyahay ayaa horraantii toddobaadkan ku xirtay saldhigga ciidanka badda ee magaalada Simon.
Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya markab dagaal oo Ruush ah iyo doomo kale oo sida Sahay, kuwaas oo ku sii jeeda Cape Town iyagoo maraaya xeebta galbeed ee Afrika.
Dhawaan aye ahayd marka magaalad Simon lagu arkay markab wayn oo Iraan leedahay kaas oo ah maraakiiibta guuguura oo sida hub iyo Sahay ciidan.
Go'aanka Koofur Afrika ee marti gelinta ciidamada badda Iraan, ayaa la filayaa in ay dhacaleeceyn kala kulanto dowladaha reer galbeedka iyo Maraykankaba, xilli xiisadda u dhaxeysa Iiraan iyo Maraykanka ay cirka isku sii shareereyso.
dhoolatuskaan ayaa ah kii ah sadexaad ee ay kuwada jiraan Koofur Afrika, Ruushka iyo Shiinaha. kan kii ka horreeyey waxaa uu dhacay 2019/2023, kaas oo ay dhaleeceyn fara badan kala kulantay.
Dhoolatuskii dhacay sanadkii 2023, Pretoria waxa ay wajahday cadaadis culus oo uga yimid Mareykanka iyo Midowga Yurub kaddib markii ay martigelisay dhoolatusyo badeed oo ay sameeyeen dalalka BRICS, kuwaas oo ku beegnaa sannad-guuradii koowaad ee duullaankii Ruushka ee Ukraine.
Xisbiyada dowladda Koofur Afrika ayaa muujiyey walaac ku aadan arrintaan.
Xisbiga Midowga Dimoqaraadiyadda oo ah xisbiga labaad ugu saameynta badan Koonfur Afrika, ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan in dalka uu ku lug yeesho dhoolatus milatari oo ay ku jiraan Ruushka iyo Iiraan.
Afhayeenka difaaca xisbigaas, Chris Hatting, ayaa sheegay in siyaasadaha arrimaha dibadda iyo difaaca ee Koonfur Afrika ay mamnuucayaan qabashada dhoolatusyada noocan ah, isla markaana aysan habboonayn in sumcadda dalka la dhaawaco.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Koonfur Afrika ayaa ka gaabsatay in ay ka hadasho dhoolatuskaan, iyada oo sheegtay in arrintaan ay ku shaqo leeyihiin ciidamada difaaca.
waxaa la filayaa in todobaadkaan dhammaadkiisa ay soo baxaan warbixino sharaxaya hawlgalkaan, faahfaahin dheeraad ahna ka bixin doona dhoolatuska iyo dalalka ka qeyb galaya.
Dadka ka faallooda arrimaha Afrika iyo kuwa caalamiga ah ayaa sheegay in dhoolatusyadaani ay muujinayaan sida uu usii xumaanayo khilaafka u dhexeeya quwadaha caalamiga ah iyo sida ay saameyn ugu yeelan karto xiriirka dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee Koonfur Afrika kala dhaxeeya reer Galbeedka.










