Haweeney dhererkeedu uu gaabtay kadib markii xanuun dhif ah uu ku dhacay

Xigashada Sawirka, British Liver Trust
- Author, James Diamond
- Role, West of England
- Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo
Haweeney dhererkeedu hoos u dhacay ku dhawaad hal fiit (30 cm) ka dib markii laga helay xanuun dhif ah oo dhinaca beerka ah, ayaa dadka la wadaagtay sheekadeeda si ay dadka kale ugu dhiirigeliso inaysan "waligood quusan".
Markii Caroline King, oo 63 jir ah kana soo jeedda Wiltshire, UK, ay u tagtay dhaqtarka indhaha iyadoo ka cabanaysa indhaha oo "cun-cunaya", marnaba ma malayn karin inay taasi ka mid tahay calaamadaha ugu horreeya ee xanuun beerka ah oo nafta halis geliya.
Si loo xuso Maalinta Cudurrada Dhifka ah, waxay hadda ka hadlaysaa khibraddeedii xanuunka granulomatous hepatitis si ay u kordhiso wacyiga ku saabsan xanuunada beerka ee dhifka ah iyo saamaynta ay yeelan karaan. "Markaan dib u jaleeco, weli ma rumaysan karo waxa dhacay iyo inaan weli halkan joogo," ayay tiri.
Intaan loo samayn qalliinka beddelka beerka, calaamadaheedu aad bay u darnaayeen iyadoo lagu qasbay inay isticmaasho kursiga curyaanka ka dib markii ay isku aragtay daal aad u daran iyo wareer dhanka maskaxda ah, laakiin waxay sheegtay inay sheekadeeda la wadaagayso dadka si ay ugu dhiirigeliso dadka xaaladahaas oo kale ku jira inaysan "waligood quusan".
Sheekada King waxay bilaabatay 2018-kii iyadoo guriga joogta oo daawanaysa telefishanka, markaas oo indhaheedu ay noqdeen kuwo "cun-cunaya" oo aan waxba si fiican u arki karin. "Waxaan is niri, tani waa mid aad iyo aad u la yaab badan," ayay tiri, waxaana markii dambe dhaqtar indho uu ku ogaaday xanuun barar ah oo saameeyay qayb ka mid ah isheeda.
Laakiin sannadkii 2019, ka dib markii indhaheeda iyo maqaarkeeduba ay noqdeen jaalle, baaritaan lagu sameeyay beerka ayaa muujiyay xanuunka granulomatous hepatitis - kaas oo dhaqaatiirtu ay sheegeen inuu aad dhif u yahay oo laga yaabo inay arkaan hal kiis oo qura 10-kii sanaba mar.
Waxay ku qaadatay King lix bilood inay hesho in beerka loo beddelo, muddadaas oo xanuunka lafaha ee ku dhacay laf-dhabarkeeda oo ay sababeen daawooyinka ay qaadanaysay uu dhererkeedu hoos uga dhacay 5ft 4ins (1.63m) ilaa 5ft (1.37m).
Lix sano ka dib, labadii indhood iyo shaqadii beerka labaduba hadda waa kuwo la xakameeyay, iyadoo dhererkeedu dib ugu soo noqday 5ft (1.52m). Waxay u sheegtay BBC-da in farriinteeda ku socota dadka ay tahay "waligaa ha quusan". "Jirka bini'aadamku waa mid layaab leh," ayay raacisay.

Xigashada Sawirka, Caroline King
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida laga soo xigtay hay'adda British Liver Trust, kumannaan qof oo ku nool UK ayaa la nool xanuunnada beerka ee dhifka ah, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay qaadan karto sanado in la ogaado wacyi-gelin la'aan iyo cilmi-baaris xaddidan awgeed.
Pamela Healy, madaxa fulinta ee British Liver Trust, ayaa sheegtay in inkasta oo cudurradan ay "ka yaryihiin kuwa caadiga ah", haddana ay yeelan karaan saameyn "nolosha bedesha".
"Inta badan, wacyi-gelin la'aantu waxay horseeddaa ogaanshaha xanuunka oo daaha iyo helitaanka daryeel takhasus ah oo aan loo sinnayn," ayay raacisay. "Waxaan u baahannahay faham weyn, ogaanshaha hore, iyo maalgashi joogto ah oo lagu sameeyo cilmi-baarista si loo hubiyo in qofna uusan ka harin kuwa la nool xanuunada beerka ee dhifka ah."
Maalinta Cudurrada Dhifka ah ayaa la qabtaa sanad kasta maalinta ugu dambaysa ee bisha Febraayo si kor loogu qaado wacyiga 300 oo milyan oo qof oo adduunka oo dhan ku nool oo qaba cudurro dhif ah.













