Labo sabab oo ay shacabku ula dagaallamayaan Al-Shabaab

Xigashada Sawirka, SNTV
Dagaal ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa weli ka socda deegaanno ku yaalla gobolka Hiiraan, kaas oo ay wadaan maleeshiyo-deegaan is abaabushay oo garab ka helaya ciidanka dowladda.
Inkastoo ay adag tahay in warar madaxa-bannaan laga helo deegaannada uu dagaalku ka socdo, haddana warbaahinta dowladdu waxay sheegtay in maanta ay ciidanku kala wareegeen Al-Shabaab deegaan lagu magacaabo Booco oo qiyaastii 45 km dhanka koonfur-bari ka xiga Beledweyne.
Telefishinka Qaranka oo soo xiganaya Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan, ayaa sheegay in ay Al-Shabaab isaga baxday deegaankaas oo ay ku lahayd “saldhigyo iyo maxkamad”.
In ka badan 100 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa lasoo tebiyay in lagu dilay dagaalladii dhacay saddexdii cisho ee la soo dhaafay.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya oo lagu faafiyay bogga Telefishinka Qaranka, ciidan Mareykan ah ayaa taageeraya dowladda.
“Taageero dhinaca hawada ah oo uu bixiyay Mareykanka ayaa gacan ka gaystay howlgallada ay hoggaaminayaan Ciidanka Xoogga Dalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Gobollada dhinaca isku haya ee Hiiraan iyo Galgaduud ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay xuddun u noqday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay sida aadka ah uga dhex muuqdaan dadka deegaanka.
Farriintii ugu dambeysay oo muuqaal ahayd wuxuu afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ugu hanjabay dadka deegaanka ee iska caabbinta sameynaya.
Yaa hoggaaminaya howlgallada?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wareysi aan horay ula yeelannay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha macawisleyda Hiiraan ayuu noogu sheegay in ay iskood isu abaabuleen si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab. Wuxuu tilmaamay in ay ka go'an tahay in nin kasta oo ay Al-Shabaab ka disho ay u aaraan.
Dhanka kale, bayaannada ka soo baxa dowladda ama lagu faafiyo warbaahinteeda waxaa lagu sheegaa in howlgalka ay hoggaaminayaan Ciidanka Xoogga Dalka. Hase yeeshee, sida aan warar hore ku faafinnay waxaa jira hoggaamiyeyaal deegaan oo iyagoo ka dhiidhinaya tacaddiyada Al-Shabaab billaabay inay hubka qaataan, dadkana ay ku dhiirrigeliyaan dagaalka.
Si kasta oo ay ahaataba, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo horay dhowr jeer ugu celceliyay in dagaal aan loo aabba-yeelin ay la galayaan Al-Shabaab ayaa soo dhoweeyay shacabka la dagaallamaya kooxdaas, wuxuuna u ballan-qaaday taageerada dowladda.
Cabdisalaam Guuleed oo ah taliye ku-xigeenkii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya ayaa barnaamijka BBC Newsday u sheegay in dagaalka socda uu yahay mid ay hoggaaminayaan dadka deegaanka.
“Dagaalka heerkii ugu sarreeyay ayuu marayaa … wuxuuna ka socdaa dhul aan ku qiyaasi karo 200 ilaa 300 km,” ayuu yiri Cabdisalaam.
Wuxuu intaa ku daray: “Labada ama saddexda toddobaad ee soo socota waxaa suurtagal ah in aan aragno ciidanka ATMIS iyo kuwa dowladda oo si buuxda dagaalka uga qeybgalaya iyagoo dhinacyo kala duwan ka imaanaya.”
Wuxuu sidoo kale xusay in ay jiraan qabaa’il kale oo wada abaabul.
Sababaha xilligan keenay inay shacabku dagaallamaan

Xigashada Sawirka, HAASHIM CUMAR
Cabdisalaam Guuleed ayaa aamisan in Al-Shabaab oo shantii sano ee la soo dhaafay "xadkii dhaafisay cadaadiska ay dadka ku hayso" ay ugu wacan tahay arrintan. Wuxuu tusaale u soo qaatay "canshuuraha iyo culeyska saa’idka ah ee kooxdaas" ay noqdeen arrimo ay dadku xamili waayeen.
Waxaa intaas dheer lacagaha iyo xoolaha nool ee ay ka qaadaan shacabka iyo in qoysaska ay ka dalbadeen wiilashooda in si khasab ah ay uga mid noqdaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, sida uu sheegay Cabdisalaam, taas oo ay dadku ka gadoodeen.
Tan iyo markii uu madaxweynaha Soomaaliya la wareegay xilka wuxuu muujiyay in ay ka go’an tahay dowladdiisa inay garab ku siiso shacabka sidii ay deegaannadooda uga xoreyn lahaayeen Al-Shabaab, taas oo uu Cabdisalaam u arko arrin kale oo dhiirrigelisay maleeshiyaadka qabaa’ilka.
“Waa taas sababta geesinnimo-gelisay dadka, isla markaana keentay inay ku kalsoonadaan inay awood u leeyihiin la-dagaallanka Al-Shabaab,” ayuu yiri.
Xildhibaan Cabdimaalik Cabdalla oo ku sugan degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah meelaha uu abaabulka dagaal ka socdo ayaa BBC-da siiyay wareysi. Waxa uu ka hadlay sababta hadda keentay in ay shacabku hubka qaataan si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab.
“Maaddaama degmooyinkan ay go’doonsanaayeen muddo 13 sano ah, dadkii ayaa daalay, dadku nolol ayay rabaan, carruurtoodii ayaa la laayay, xoolahoodii ayaa la dhacay oo la leeyahay waxaa loo qaatay ‘sako’, marka kacdoonka halkan ka dhacay waa kacdoon shacab oo ay dowladdu hoggaamineyso.
Wuxuu sheegay in ay rajo fiican ka qabaan, kuna faraxsan yihiin garab istaagga dowladda.
“Runtii aad ayaan ugu faraxsannahay garab istaagga dowladda, waana aaminsan nahay inay wax badan soo kordhinayaan,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdimaalik.
Waxa uu meesha ka saaray in hubka ay isticmaalayaan dadka shacabka ah uu dhibaato keeni karo xitaa haddii ay guuleystaan.
“Dadkan horay ayey u hubeysnaayeen, cid ay khatar ku ahaayeenna ma jirto, tanina micnaheedu ma aha in dowladdu ay hubeyneyso maleyshiyaad ama beelo gaar ah. Hal beel ma aha waxa ka dagaallamaya meeshan, waa dadkii deegaanka oo ugu talogalay inay isxoreeyaan, dowladdana uma maleynayo inay dhibaato kasoo gaareyso haddii ay garab istaagto,” ayii yiri.
Howlgalladan oo uu ku tilmaamay kuwo uu noocoodu dhif yahay ayuu Cabdisalaam sheegay in ay dadku walaac ka muujinayaan sida ay ku dhamaan karaan, inta ay sii socon karaan howlgallada ay maleeshiyaadka qabaa’ilku hoggaaminayaan iyo sida ay awood ugu sii yeelan karaan sii wadistooda.
“Dadku waxay aad isu waydiinayaan haddii sidaan la sameyn karay maxay muddadaas oo dhan u qaadatay?,” ayuu iswaydiiyay.













