Muxuu yahay xanuunka gabadhan u horseeday inay dhunkato qof aysan garanayn?

Xigashada Sawirka, ROSIE VIVA
Rosie Viva oo 22 jir model ah ayaa sababtay in la faarujiyo garoonka diyaradaha Stansted ee London, waxaana ka baxay dhamaan rakaabkii diyaaradaha sugayey. Maalmo ka dib waxaa la ogaaday in ay qabtoxanuunka Bipolar.1
Viva ma aysan si seexan habeenkii oo dhan. Waxay ku faraxsanayd in ay u duulayso dalka Croatia iyo in ay dalxiis la galeyso waalidiinteed.
Hurdadeedu maysan fiicnayn in muddo ahba tan iyo markii ay kala tageen saaxiibkeedii u dambeeyay. Balse xitaa iyada oo taasi jirto waxay dareemaysay farxad badan oo aan caadi ahayn.
Kowdii habeennimo ee niska dambe ayey go’aansatay in ay dhex oroddo magaalada London. Markii uu waagu baryeyna waxa ay aadday garoonka diyaaradaha, iyada oo weli aan seexan balse moodeysa in ay riyoonayso.
Qof aanay garanayn ayey ku dhex dhunkatay goob qaxwaha lagu sameeyo oo haroonka ku taal, dukaan ayey alaab ka xadday, maqaayadna waxay qoraac uga gadday qof waliba oo halkaas joogay.
“Run ahaantii uma malaynayn nolosha runta ah,” ayey Rosie Viva u sheegtay BBC.
Waxay ku sugnayd xaalad kacsanaan ah, araggeeda iyo maqalkeedu aad ayey uga faseexsanaayeen sida caadiga ah, waxayna dareentay in wadnaheedu aad u garaacmayo “waxaan dareemayay sida aniga oo xafalad hadda kasoo baxay oo kale“ ayey tiri.
Xilli ay ku sugan tahay garoonka diyaaradaha ee Stansted ayey Viva bilowday in ay ka shakido sida ay dareemayso iyo xaaladda ay ku sugan tahay, waxayna isla markiiba wacday hooyadeed.
“Markii ay qabatay taleefanka, khayaaligii wuu kala daatay,“ ayey tiri. “Waxaan ogaaday in aanan riyooneyn ee aan dhab ku jiro xadkana aan gudbay. Waxaan bilaabay in aan argagaxo“.
Viva geesaha ayey eegtay waxayna aragtay dulel derbi ka muuqda halkii ayeyna dustay.
“Waxan ka dul booday kastamka xamuulka, “ ayey tiri. „ Dhanka bidix waxaa iga jiray gambaleelka digniinta dabka, waxaana xasuustaa in aan halkaas ku riixayey gacmahayga. Intaas ka dib waxa aan xasuustaa wuxuu ahaa gambaleelka oo qaylinaya iyo askar igusoo ordaysa.“
Ilaalada ayaa markiiba qabtay Rosie Viva xilli laga holeelayey garoonka . isla markiiba waxay arkeen in ay wareerayso oo ay u baahan tahay in isbitaal la geeyo.
Rosie Viva muddo dheerba si fiican ma dareemayn, falcelinteeda ay dhacdooyinka ka samayso waxay had iyo jeer u muuqdaan kuwo "xad-dhaaf ah" marka loo eego saaxiibbadeed.
"Marka wax aad u yar ay i gilgilaan, waxaan galaa saddex toddobaad oo niyad-jab ah, taas oo iigasii darta mar walba," ayay tiri.
Dhowr jeer ayay la kulantay dhaqtarkeeda laakiin maysan garan si ay u qeexdo waxa ay la kulanto mar walba. Caawimada ay heshayna marna ma ahayn mid wax tar u leh.
Kala tagga saaxiibkeed ay kala tagen ayaa ahaa mid ka mid ah calamadaha ugu horreeya ee muujinaya in wax dhab ahi khaldan yihiin. Halkii ay ka nixi lahayd, Viva waxay ahayd mid ifaysa oo tamar badan leh. Saaxiibadeed waxay rumaysnaayeen inay isku dayeysay inay qariso qalbi jabka ay kala kulantay xiriirkeeda dhamaaday.

Xigashada Sawirka, CHANNEL 4
Ka dib shilkii ka dhacay garoonka diyaaradaha, ambalaas ayaa Rosie Viva geysay qolka gargaarka degdegga ah, halkaas oo ay ku jirtay 24 saacadood. Walaasheed ka weyn ayaa la socotay, hooyadeedna waxay ka soo duushay Croatia.
Viva waxaa loo qoondeeyay sariir ku taal qaybta dhimirka waxaana la seexiyay iyada oo la raacayo Sharciga Caafimaadka Dhimirka ee UK si loo hubiyo inay hesho daaweyn fiican.
Kadib laba maalmood oo ay isbitaalka ku jirtay, Rosie Viva waxaa laga helay xanuunka dhanka dhimirka ee Bipolar.1. Waxay sheegtay in ay ku qaadatay ilaa lix toddobaad in daawadeeda cusub ee ka hortagga xanuunka dhanka dhimirka ay la qabsato oo ay fahamto waxa cudurkaas lagala jeedo.
Waa xanuun inta aad nooshahay ku haynaya oo lagu xakameeyo dawooyin kala duwan.
Ka dib markii laga soo saaray cisbitaalka, Rosie Viva waxa ay nidaamka caafimaadka dadweynaha ee Britain ee NHS-ta siisay taageero bukaan-socod oo saddex sano ah.












