Xuquuqda iyo Dhaqashada Geela oo dood ka abuurtay Hindiya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Horimo geel ah oo lagu arkay galbeedka Hindiya ayaa dood weyn oo la xiriirta geella iyo dhaqashadiisa ka dhalisay dalkaas. Doodda ayaa salka ku heysa sida loo dhaqanayo, halka lagu heynayo iyo xitaa xaquuqda iyo dembiyada ka dhalan kara dhaawacyada geella loo geysto.
Arrinkaa ayaa yimid kadib markii 111 neef oo geel ah la keenay magaalo Nashik la yiraahdo oo ka tirsan gobolka galbeed ee Hindiya ee Maharashtra. Horrimaha ayaa lagu arkay dhaawacyo, taas oo ka careysiisay dadka iyo urrurada u dooda xuquuqda xayawaanka ee dalkaas. Geelahaas waxaa xoog uga soo qaaday dadkii dhaqanayay urruro bulsho oo ka carreysan dhaawacyada iyo tacadiyo ay sheegeen in lagu hayay geella.

Saddex ka mid ah geela ayaa maalmo kahor u geeriyooday jirdilka la sheegay in loo geystay, halka sideed iyo toban kale oo dhaawac ah ay daweynayaan dhaakhaatiirta xoolaha. Urrurada u dooda xuquuqda xayawaanka ayaa su’aallo weydiinaya maamulka deegaanka iyaga oo doonaya inay fahmaan waxa laga yeellayo arrinkan. Dadka u dooda xuquuqda xayawaanka ayaa doonaya in ay su’aalo waydiiyaan maamulka deegaanka, kadib markii ay ka war heleen in dhaawacyo daran ay ku yaalaan geela.
Horimahan geela ah ayaa hada la isugu geeyay xarun lagu xanaaneeyo duurjoogta oo deegaankaas ku taal. Lix dhaqaatiir oo ku takhasustay daryeelka xoolaha ayaa halkaas laga shaqaaleysiiyay.
Lix dhaqaatiir caafimaad ah ayaa laga shaqaaleeyay xarunta Sri Nashik ee lagu baxnaaniyo geela. Laakiin weli horrimo kale oo geel baxsad ah ayaa soo gaaraya deegaankaas. Taas oo ah culeys kale oo kusoo kordhay dowladda, booliska iyo dhakhaatiirta xoolaha.
‘Walaaca dhaqaalaha ku baxaya’

Waxaa walaac laga muujinayaa dhaqaalaha xoogan ee ku baxaya daryeelka geelan maalin walba. Qiyaastii lacag u dhexeysa $436 ilaa $487 ayaa maalin walba ku baxda yihiin qasab iyo laws. Sidoo kale waxaa la siiyaa daawo si joogto ah.
Agaasimaha ururka u dooda xuquuqda xayawaanka, Vitthal Agle, ayaa dalbanaya in dowladdu si rasmi ah ula wareegto geela islamarkaasna lagu xanaaneeyo deegaan dabeeci ah si ay u helaan daaq rasmi ah oo dabeeci ah. Geel dhaqashadu kuma cusba taariikhda Hindiya balse berri hore baa ugu dambeysay. Waxay horey geela u dhaqan jireen si ay caano uga heleen, oo ay beeraha ugu fashaan islamarkaas na gadiid uga dhigtaan marka loo baahdo. Laakiin dhaqashada geela waxaa laga mabnuucay dalkaas Hindiya sanadkii 2015kii.









