You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxay yihiin muuqaallada laga helay Kaamerooyinkii ay siteen dagaalyahannada Xamaas
Maqaalkani waxa uu ka kooban yahay sharraxaadyo xadgudubyo ay ku jiraan oo laga yaabo in akhristayaasha qaar ay dhibsadaan.
Militiriga Israel ayaa isniinti weriyaasha u soo bandhigay muuqallo laga helay kaamirooyinka lagu xiro jirka oo ay wateen rag ka tirsan kooxda Xamaas.
Ujeedka ayaa ahaaa inay caalamka tusaan ficiladii ka dhashay weerarkii lagu qaaday Israa’iil labo todobaad ka hor.
Kaamirooyinka lagu xiro jirka oo ay wehliyaan muuqalo laga soo saaray CCTV, kaamirooyinka lagu rabkibo dhashka gaariga, taleefoonnada gacanta ragga hubaysan ee Xamaas iyo dhibanayaasha, ayaa si faahfaahsan u muujiyay cabsida naxdinta leh ee lugu arkay xaflada muusigga ahayd iyo xaafadaha ku yaala koonfurta Israa'iil.
Israa’iil ayaa sidoo kale soo bandhigay dukumentiyo ay ku sheegeen in laga helay xubno ka tirsan Xamaas oo dhintay.
kuwaas oo isuga jiray qorshe hawleed ay wateen iyo tilmaamo lagu weerarayo xaafadaha si aay u qafaashaan rayidka.
Muuqaalka lagu soo bandhigay Tel Aviv isniintii oo gaaray 43 daqiiqo ayaa laga soo saaray muuqaalo gaaray dhowr saacadood tan iyo markii weerarku dhacay sida saraakiisha milateriga Israa’iil sheegeen.
Muuqaalada waxaa ku jira rag ka tirsan ururka Xamaas oo hubeeysan oo sacab tumanayey iyagoo ay ka muqato farxad.
Kuwaasoo dadka rayidka ku tooganayeey wadooyinka iyo dariiqyada deegaanka kibbutzim sidoo kalana ku laynayey guryahoda waalidinta iyo caruurta.
Mid kamid ah muuqaalada naxdinta leh ee laga soo saray kaamirooyinkii ku xirnaa guryaha ku yaala gudaha kibbutz ayaa mujinaya aabbe kula cararayay labadiisa wiil ee yar yar meel sare oo gabaad ah.
Daqiiqado ka hor inta ay weeraryahannada Xamaas Bam gacmeed ku soo tuurin halki ay ku jireen,tasoo sababtay dimashada aabaha iyo dhaawaca wiilashiisa.
Ka dibna labada wiil oo dhigaya oo naxsan ayaa dib ugu so laabtay gurigooda iyagoo qaylinaya balse nin hubaysan oo ka tirsan Xamaas ayaa dib guriga gudaha ugu soo galay. Waxaana uu istaagay talaagada hortiisa taalay wuu fiirey si uu cabitaan uga cabo ka hor inta uusan bixin.
Mid ka mid ah wiilasha ayaa ku ooyayey aabbe wuu dhintay tani maahan been wuxu ku celiyay Maxaan u noolahay.
Midka kale ayaa sida ka muuqatay ku indho belay Bam-gacmeedkii ay tuureen kooxda sida uu sheegay afhayeenka milateriga Israa’iil ah.
DIGNIIN: Baaragaraafyada soo socdaa waxay ka kooban yihiin tilmaamo argagax leh oo rabshado ah.
Waxaa sidoo kale muuqalada ku jiray cod laga duubay mid ka mid ah dableyda Xamaas oo wacay waalidkii oo ku sugan Qasa kaas oo ka wacay taleefoonka dhibanaha si uu ugu faano inuu dilay ugu yaraan qof oo Yuhuud ah.
"Fadlan fur WhatsApp oo fiiri inta dhimatay ayuu si isdaba jooga ugu sheegayey waalidkiis. Sida muuqatana uu ula jeediyey sawirro ama muuqaal uu gurigiisa u diray oo muujinaya weerarka. Isagoo leh "Wiilkiina wuxuu dilay Yuhuud badan.’’ Hooyo wiilkaga waa geesi ayaa laga maqlay codka.
Qaybo kale oo taxanaha ka mid ahaa ayaa muujiyey rag hubaysan oo ka tirsan Xamaas oo toogtay meydadka rayidka oo ku dhintay gudaha kibbutz.
Waxa kale oo ay madaxa ka toogteen qof u muuqday inuu wali nool yahay.
Go’aanka lagu daah-furay muuqaallada cayriin ee saxafiyiinta la siiyey ayaa muujiyey sida ay ugu niyad jabeen saraakiisha sar sare ee milatariga Israa’iil in tebintii warbaahinta ee weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar.
Isagoo la hadlayey warbaahinta soo bandhigtay arintan ka dib Major General Michael Edelstein oo ahaan jiray taliyihii hore ee ciidamada IDF ee Qasa ayaa xusay inuu ka naxay wararkan.
"Waxaan aragnaa in qaar ka mid ah kanaalada ay isku dayayaan in ay isbarbar dhigaan waxa Israel samaynayso iyo waxa ay samaynayaan argagixisada xun." ayuu yiri General Edelstein.
In ka badan 1,400 oo Israa'iiliyiin ah ayaa la dilay tan iyo weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Israa'iil.
In ka badan 220 qof ayaa la rumeysan yahay in lagu qafaashay gudaha Qasa oo gacanta u galay ururka Xamaas.
Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ee Qasa ayaa sheegtay in in ka badan 5,000 oo falastiiniyiin ah la dilay tan iyo markii duqeymaha cirka ee Israa’iil ay ku bilowdeen taas oo jawaab celin ahayd.
Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiiniyiinta ee dhulka la heysto ee Daanta Galbeed, 91 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay halkaas tan iyo bilowgii colaada.
Milatariga Israel ayaa sidoo kale sii daayay labo buug oo tilmaamo ah oo laga soo helay rag hubeysan oo Xamaas ah oo dhintay,kuwaas oo ka kooban qorsheyaal faahfaahsan oo ku aadan weerarka iyo afduubka.
"Waa in ay toogtaan inta ugu badan ee dhibanayaasha ah ee suurtogalka ah iyo in ay qafaashaan oo qaar ka mid ah u kaxeeyaan marinka Gaza iyaga oo isticmaalaya baabuur kala duwan.” ayaa ka mid ahaa weedho ku yaalay buugga.
Dukumentiyada qaar ayaa quseeyey la haystayasha kuwaas oo farayey dagaalyahanada Xamaas inay dilaan kuwa khatarta leh.
Ciidanka Israa’iil ayaa wali la hardamaya weerarki 7-dii October, midka mida jabkii ugu weynaa ee gaara difaacyadoodii dhanka koonfurta muddo 50 sano ah.
Inkasta oo dhaqaale badan la geliyay burburinta gododka Xamaas iyo ballaarinta xayndaabka ammaanka Israa'iil ee dhulka ka hooseeya iyo tan baddaba haddana Xamaas waxa ay awooday in ay weerarto oo ay jebiso xayndaabyadii adkaa.
General Edelstein ayaa aaminsan in ilaa kun maleeshiyaadka xamaas ay u gudbeen dhanka Israa’iil duulaankii ugu horreeyey.
Qaybihii ugu horeeyay ee muuqaalkan la soo ururiyay ayaa muujinaya baabuurta xamuulka qaada oo ay ka buuxaan rag hubaysan oo Xamaas ah, kuwaas oo si xor ah u dhex maraya waddooyinka waaweyn ee Israa’iil, isla markaana tooganaya dadka rayidka ah siday doonaan.
Dukumeentiyada laga helay maydadka mintidiinta Xamaas ayaa si cad u sheegay in ragga Xamaas ay qabeen amar ah inay gowracaan oo ay gubaan muwaadiniinta." ayuu yiri General Edelstein.
"Waxay si fudud u go'aansadeen in ay ku gubaan qoysas guryahooda ku jira. Waxayna afduubteen iyagoo nool, waxay doonayeen inay caruur dib ugu celiyaan Qasa." ayuu intaasi sii raaciyey.
Afhayeenka milatariga Israa’iil Daniel Hagari oo hadlay ka hor inta aan la soo bandhigin muuqaalada ayaa sheegay in laga doooday in la tuso xubnaha militariga iyo in kale.
"Waxaan horay u fahamnay inaan u baahanahay inaan abuurno xusuus wadajir ah mustaqbalka si aanan u ogolaan in dunidu illowdo dhacdooyinka argagaxa leh" ayuu yiri.