Waa kuma Soomaaliga nolosha adag ku soo koray ee hadda u tartamaya xildhibaan barlamaanka Canada ah?

Xigashada Sawirka, Sayid Ahmed
Iyadoo hal maalin ay ka dhiman tahay doorashada waqtigeeda laga soo hormariyey ee dalka Canada, Soomaali ayaa ka mid ah dadka doorka ka ciyaaraya siyaasadda dalkaasi.
Canada ayaa wajahday xaalado dhaqaale oo adag ka dib markii uu Donald Trump ku soo rogay canshuuro 25% ah kuwaas oo waxyeello gaarisiiyey dhaqaalaha dalka.
Doorashadan ayaa dhacaysa iyadoo dalka sidoo kale ay ka jirto dhaqaale xumi badan iyo xaaladda guryaha oo ah mid ka mida caqabadha ugu waaweyn ee haysta dadyowga ay Soomaalidu ka mid tahay.
Raysal wasaaraha cusub ee dalkaasi Mark Carney oo baddeley Justine Trudeau ayaa Dhammaadka bishii Maarso ku dhawaaqay doorashada isagoo tartan adag la gali doona Pierre Poilievre, oo hoggaaminaya xisbiga Conservative-ka ee dalkaaasi.
Doorashadan ayaa imaaneysa iyadoo xurguf ay dhex taallo Canada iyo Mareykanka. Siyaasiyiinta Kanadiyaanka ah ayaana si adag uga horyimi hadal uu jeediyey Trump oo ahaa in Canada ay noqoto gobolka 51-aad ee Maraykanka.
Mark Carney, raysal wasaaraha Canada ayaa wacad ku maray inuu dagaal la gali doono Trump oo ku soo rogay dalkiisa canshuuro adag.
Doorashadan oo ah mid heer dowladda dhexe ee dalkaasi ah ayaa labada xisbi ee Liberalka Iyo Conservative-ku tartami doonan baarlmaanka.
Inta la ogyahay saddex murashax oo asal ahaan Soomali ah ayaa ka mid dadka u tartamaya xildhibaanidmada barlamaanka Canada.
Sayid Axmed ayaa ka mid ah dadka ugu cadcad ee baarlamaanka u tartamaya, isagoo ka sharraxan bartamaga magaalada Edmonton ee gobolka Alberta.
Waa kuma Sayid Axmed?

Xigashada Sawirka, Duran Hassan
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Soomaalida ku nool Canada ayaa dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay si weyn ugu dhex muuqday bulshooyinka dalkaasi iyagoo xilal heer gobol iyo mid dowladda dhexaba ka qabtay dalkaasi.
Sayid Axmed, oo ah Soomaali muddo ku noolaa dalkaasi ayaa hadda ka mid ah saddex qof oo asal ahaan Soomaali ah oo u tartamaya xildhibaan baarlamaanka dalka Canada.
Sayid ayaa ku dhashay kuna soo barbaaray Soomaaliyaga isagoo xilligii ku sugnaa dalka ku soo koray nolol adag basle aan is dhiibin si u u helo fursad wanaagsan oo nololeed. Iyadoo waalidkiisa ay marwalba ku dhiiri galin jireen inuu adkaysi yeesho si uu noloshiisa iyo tan ku xeeranba u baddelo sida uu Sayid ka sheegay mar uu hadal ka jeediyey madashii daahfurka ololihiisa.
"Saaxiiibbayaal taariikhdaydu kama bilaabay halkan Edmenton, waxay ka bilaabatay meel aad uu fog halkan oo oo malaayiin Mile ka fog, waxaan ku dhashay dal ku yaalla Afrika oo la yiraahdo Soomaaliya kaas oo laga yaabo in badan idinka idinka mida inay waligiin arkin, waxaan ka dhashay qoys aad u saboola, waxaan xasuustaa haddii aad aadid deriskayga halkii an kusoo koray oo aad waydiiso guriga ugu saboolsan qoysaska waxay ku gaynayaan gurigaya.
Laakiin waalidkay waxay aaminsanaayeen awoodda waxbarashada, meesha maanta aan joogo iyo waxaan haysto waxay ku timi afar waxyaabood, shaqa adag, fursad iyo waxbarasho, waxaan aaminsahay in waxbarashadu ay tahay waxa ugu weyn ee simi kara aaddanaha"ayuu yiri Sayid Axmed oo ka hadlayey furitaanka ololahiisa laba todobaad ka hor."
Wuxuu 10-kii sano ee la soo dhaafay ka shaqaynayey heerarka adeega bulshada gaar ahaa adeega caafimaadka ee gobolka Albert ee dalkaasi.
Sayidku waxa kale oo uu u soo shaqeeyay dawladda Kanada iyo gobolka Alberta isaga sidoo kale soo noqday La-taliye Sare, waana dhaqaale-yahan.

Xigashada Sawirka, Duran Hassan
Wuxuu intaa ku daray inuu yahay nin qoys, nin howlkar ah waqti badan galiyey u adeegida bulshada.
Sayid Axmed ayaa heerkiisii koowaad ee jaamacadda ku soo qaatay dalka Uganda isagoo bartay dhaqaalaha halka shahaadadiisa labaad oo isla dhaqaalaha ah uu ka qaatay jaamacada University of Ottawa.
Ninkan ayaa ka sharaxan xisbiga Conservative -ka ee dalkaas isagoo ka tartamayaa Edmonton-Centre. Sayid ayaa noqonaya inta laga warhayo Soomaaligii ugu horreeyey ee heer xildhibaan ugu sharaxan xisbigaas.
Sayid Axmed ayaa sidoo kale horey ugu istaagay tartanka xildhibaan gobolka Alberta ah.
Marka laga soo tago Sayid, Axmed Xuseen oo muddo dheer ka mid ahaa xukuumadii Rraysal wasaare Trudeau, ayaa isna ka sharaxan xisbiga Liberalka oo muddo dheer ku matalayey barlamaanka dalkaasi tan iyo sanadkii 2014-kii.
Xuseen, ayaa sidoo kale saddex jeer oo kala duwan wasiir ka noqday xukuumaddii Trudeau, kuwaas oo kala ahaa Wasiirka Socdaalka, Jinsiyadaha iyo Qaxootiga, Wasiirka Qoyska, Carruurta iyo Horumarinta Bulshada iyo Wasiirka Guriyeynta.
Sidaas oo kale Cumar Abuubakar, oo asal ahaan Soomaali ah ayaa u sharraxan xildhibaan barlamaanka Canada isagoo ka sharaxan xisbiga NDP.
Soomaalidda ku nool dalka Canada ayaa si firfircoon uga muuqada sidoo kale siyaasada maamul goboleedyada dalkaasi.













