Hawlgalkii ugu yaabka badnaa ee ay fulisay laanta dambi baarista Mareykanka ee FBI-da

Weligaa ma dareentay in waqtiyada aad nooshahay qaarkood ay yahiin khiyaali amaba mid uun ku suuragali karta filmaanta iyo sheekooyinka .

Arrintaas oo kale ayaa ku dhacday nin Maraykan ah oo gabadhiisa u kaxeeyay bandhig faneed, balse waxaa uu markii dambe ogaaday in bandhigaba uu ahaa hawlgal ay dejiyeen FBI-du oo ay doonayeen inay ku soo qab-qabtaan dambiile halis ah.

Inkasta oo uu bandhiga ahaa mid dhab ah, haddana waxa goobta soo buux dhaafiyay ciidamo boolis ah iyo kuwa dambi baarista oo si gaar ah indhaha ugu hayay dadweynihii ka soo qaybgalay si ay ugu dambayntii u soo qabtaan dambiilayaashii baxsadka ahaa ee ay muddo bilo ah ku raadjoogeen.

Goobta waxay u ekeyd goob ay ka socoto wax ka baxsan Filimka, islamarkaana waxay ahayd 'Dabin' loo dhigay dambiilayaal muddo dheer la baadigoobayay.

Laakiin dhacdooyinka filimka waxaa dhab ahaantii dhiirigeliyay kiis nolosha dhabta ah ee afartan sano ka hor loo yaqaan 'Operation Flagship'.

Hawlgalkii 1985-kii, in ka badan 100 dambiilayaal ayaa la xiray ka dib markii ay galeen xarun bandhig shirqool ah iyagoo u maleynaya inay ku guuleysteen tigidhada NFL ee bilaashka ah.

Ku dhawaad ​​3,000 oo ahaa dambiilayal baxsad ku jiray ayaa la siiyay tigidho bilaash ah si ay u soo daawadaan Washington Redskins waxaana loo sheegay inay fursad u heli doonaan in laga bixiyo ​​​​dhammaan kharashaadka safarka ay ku tagayaan cayaarta Super Bowl.

Laakin markii 120 ka mid ah ay soo gaareen xarunta shirkadda TV-ga beenta ah, dhammaantood xabsiga ayaa loo taxaabay.

Waa sheeko aan caadi ahayn oo dhiirigelisay filimka.

"Waan maqlay arrinka markii aan yaraa oo waxaan mooday inay gabi ahaanba tahay wax lagu qoslo," waxa sidas BBC u sheegay Shyamalan.

Muxuu ahaa hawlgalku?

Hawlgalku wuxuu dhacay 15 December, 1985, markii Washington Redskins loo qorsheeyay inay la ciyaaraan Cincinnati Bengals.

Dadka baxsadka ah ee ay beegsadeen sirdoonka Maraykanka ayaa loo sheegay in loo soo xulay inay helaan laba tigidh oo bilaash ah oo ay ka heleen dadka deggan Washington, D.C.

Ciyaarta ayaa lagu waday in ay bilaabato 1-da duhurnimo balse sida muuqata waxaa lagu casuumay kooxihii ku guuleestay tartanka in ay soo xaadiraan aroortii si ay u qaataan tigidhada.

Waxay ahayd in galabtii gaari Bas ah lagu geeyo goobta ciyaarta sida loo sheegay.

"Waxaan u dirnay casuumaad dad aan ka yareyn 3,000 oo ah kuwii baxsadka ahaa oo lagu ballamiyay Xarunta Shirarka ee Washington,"

Waxaa arrintan mar ka sheekeeyay Toby Roche 2016. Roche waxa uu ahaa ku xigeenka madaxa Marshals-ka Maraykanka, laakiin markii howgalka la fulinayay, waxa uu ahaa qofka ilaalinaya oo taagan ilinka xarunta laga galo.

"Shaqadaydu waxay ahayd inaan hubiyo in dadka imanaya ay dhab ahaantii yihiin kuwii baxsadka ahaa," ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in xubnaha sirdoonku ay lahaayeen erayo is-afgarad ah oo qeexaya heerka dambiilayaasha. 'Guulayste La Xaqiijiyay' ayaa ahaa qofka la doonayay. 'laba jeer guuleyste' wuxuu ahaa qof khatar ah oo geystay weerar, dil ama dhac.'

Guuleystaha ayaa khadka taleefoonka loogu sheegay in hadii ay soo celin waayaan tigidhkooda oo aysan keenin kaararkooda aqoonsiga in abaalmarinta la siin doono qof kale.

Markii ay soo galaan dadka dambiilayaasha ah ayaa waxaa soo dhaweynaya qof loogu tala galay oo hab siinaya, balse soo dhaweyn ma ahayn ee waxay ahayd mid qofka looga barayo in uu sito hub ama mindi.

Qof ka mid ah dadkii goobta ku jiray unbaa hal mar yiri 'waxan idin haynaa wax idinka yaabiya dhammaantiin waad xiran tihiin.

Dembiilayaasha ayaa la soo ururiyay oo dibadda loo saaray iyagoo gacmaha ka xiran, waxaana guud ahaan halkaasi lagu xiray 101 qof.

Herbert M. Rutherford oo ah sargaal ka tirsanaa lanta dambi baarista Columbia ayaa mar dambe u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press, 'Waxay ahayd waqtigii xafladda wayna wada yimaadeen, dhammaantood-na dabin ayay ku dhaceen .'

“Qaar ka mid ah dadka la xiray, xitaa markii la qabtay, waxay garan waayeen waxa dhacay, markii ay baska siday dadka ay baxayeen, ayaa mid ka mid ah wuxuu weydiiyey, “Weli ma aadi karnaa si aan ciyaarta u daawado?