You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Saamaynta fadhiga dheer uu ku yeesho jirka
Archana Pathak, waxay fadhidaa miiska lacag bixinta ee bangiga, ayadoo rabtay in ay kacdo si ay u shaaheyso, ayaa waxaa timid haweeney da' ah oo doonaysa inay lacag dhigato.
Shaqadan taxanaha ah ayaa sii socday, macaamiishu waxay ku soo noqnoqonayeen miiska midba midka kale. Hadday kacdo, safku wuu dheeraan lahaa. Iyada oo sidaas u fekeraysa, way sii fadhiday ilaa laga gaaray xilligii qadada.
Archana Pathak waxa ay ka shaqaynaysay bangi in ka badan 10 sano, shaqadeeda inteeda badan waxa ay ahayd fadhi.
Makhribkii, markay gaarigeedii u kaxaysatay guriga, way u mahad naqday inuu jiro qof ka caawiya hawsha guriga.
“Markii aan u tagay caruurtii oo aan la soo dhameeyay shaqada guriga ee la soo siiyey waxaan arkay in ay tahay 8:30 habeenimo. Maalinkii ayaa sidan u fadhiyey”.
Laakiin maalin maalmaha ka mid ah, waxa joogsaday noloshan joogtada ah.
"Lugaheygu way barareen mana fariisan karin mana socon karin xanuunka dhabarka dartiis," ayay tiri Archana.
Arkana xanuun aad u daran ayaa haleelay oo wuxuu ku kalifay inay suunka dhabarka xirato oo ay fadhiisan kari wayday barkin la’aanteed. Waxay hadda dareemaysay xanuunkan si joogto ah.
Ugu dambayntii waxa ay go’aansatay inay dhakhtar u tagto. Dhakhtarku waxa uu kula taliyay in ay si joogto ah u eegto dhiigkarka.
Sida laga soo xigtay khubarada, xaaladdan waxay ku dhici kartaa qof kasta oo naga mid ah, gaar ahaan dadka ku hawlan xirfadaha u baahan fadhi saacado badan, ha ahaato shaqaalaha xafiiska, dukaanleyaasha, darawalada ama dadka ku lug leh ganacsi kasta oo kale.
Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in fadhiga dheer uu saameyn ku yeelanayo dhexdaada iyo sidoo kale caafimaadkaaga.
David Dunstan, oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga nafsiga oo ka tirsan machadka dhaqdhaqaaqa jidhka iyo nafaqada ee jaamacada Deakin ee Melbourne, Australia, ayaa sameeyay cilmi baadhis balaadhan oo ku saabsan saamaynta ay jidhka ku leedahay.
Cilmi-baarayaashu waxay soo jeedinayaan in ugu badnaan 120-180 daqiiqo oo fadhi joogto ah la ogol yahay markiiba.
Waxay cilmi-baadhistan ku sameeyeen 21 dhallinyaro ah oo caafimaad qaba. Waxay daraasad ku sameeyeen hab-nololeedka dhalinyaradan, waxayna ogaadeen in markii ay fadhiyeen muddo laba saacadood ah, uu muruqa kubka ku koray qiyaastii hal sentimitir (0.04 inch) waxaana hoos u dhacay socodka dhiigga ee lugaha.
"Fadhigu wuxuu yaraynayaa dhaqdhaqaaqa muruqa," ayuu yidhi Dunstan.
"Dhaqdhaqaaqa muruqa oo yaraada wuxuu keenaa tiro dhibaatooyin kale ah, sida dheef-shiid kiimikaad oo yaraada, socodka dhiigga oo hoos u dhaca lugaha, taas oo keeni karta in dhiiggu istaago muruqyada lugaha."
Sida laga soo xigtay warbixin ay qortay Annabel Borni oo ka tirsan BBC, fadhiga joogtada ahi waa nooc ka mid ah hab-dhaqannada fadhiidka ah, sida daawashada TV-ga si joogto ah, ciyaarista ciyaaraha muqaalka, gaariga ama shaqada marka la fadhiyo, taasina waxay keentaa dhibaatooyin badan oo caafimaad.
2020, Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa soo jeediyay talooyin lagu dhimayo qaab nololeedka fadhiidnimada ah.
Ilaa 2010, cilmi-baarayaashu waxay isku dayeen inay muujiyaan in haddii aad sameyso xoogaa dhaqdhaqaaq ah maalintii, sida jimicsiga, laakiin weli aad leedahay dabeecad fadhiid ah, laga yaabo inaad la kulanto dhibaatooyin.
Si kastaba ha ahaatee, khataraha caafimaadku way ka hooseeyaan kuwa sameeya dhaqdhaqaaq jireed marka loo eego kuwa fadhigoodu yahay oo aan gabi ahaanba jimicsi samayn.
Cilmi-baadhayaashu guud ahaan waxay isku raaceen in fadhiga joogtada ah ee 120-180 daqiiqou dhaxeeya ay suurtogal tahay inuu keeno cudurro.
Si joogto ah u fadhintu waxay jidhka ku leedahay saamayn badan. Waxaa laga yaabaa in socodka dhiigga uu yaraado taasina waxay sidoo kale keeni kartaa dhibaatooyin badan oo jireed.
Taas awgeed, cadaadiska dhiigga ama BP wuxuu bilaabaa inuu ku sii kordho jirka taasina waxay noqotaa sababta ugu weyn ee cudurada wadnaha.
Marka la eego dhammaan cawaaqibyadan suurtagalka ah, maxay tahay sababta aan u fadhinno waqti dheer - oo ma jebin karnaa caadadan?
"Waxay ila tahay in dadku ay noqonayaan kuwo fadhiid ah sababtoo ah waxaa lagu dhiirigelinayaa bulshada," ayuu yiri Benjamin Gardner, oo ah cilmi-nafsiga bulshada oo ku takhasusay hab-dhaqanka caadiga ah ee Jaamacadda Surrey.
Benjamin Gardner waxa uu baaray sababta ay dadku u fadhiyaan wakhti dheer.
"Ma aha sida qof uu si ula kac ah u galayo nolosha fadhiidnimada, marka ay sii kordhayaan wixii hawlaha kuu fududaynayey uma baahnid inaan dhaq-dhaqaaqno wax badan."
2018, Gardner iyo asxaabtiisu waxay ogaadeen in dhiirigelinta ka qayb galka shirarka ay sababtay carqaladayn bulsho oo aan horay loo arag.
"Waxaan ku dhiirigelinay dadka inay isku dayaan inay istaagaan saddex kulan oo kala duwan, ka dibna aan waraysannay ka dib, natiijooyinkuna waxay ahaayeen kuwo xiiso leh," ayuu yiri Gardner.
"Kulamada rasmiga ah, waxaa la dareemay in aysan habooneyn in la istaago."
Laakin waxyaabaha qaar ayaa faa'iido u yeelan kara in laga gudbo dhibaatooyinka ka dhasha fadhiga muddada dheer.
Tusaale ahaan, ka shaqaynta mashiinka lagu ordo iyo dhaq-dhaqaaqa lugahaagu waxay kordhiyaan socodka dhiigga.
Si fudud oo loo kaco mararka qaarkood, ama socod gaaban, ama xitaa dhawr jaranjaro oo la fuulo ayaa la ogaaday inay faa'iido leedahay.
Isagoo ka hadlayay isbedel ku yimaada nolol maalmeedka, Professor CS Yadav, oo ah madaxa hay'adda bedelka jilibka iyo miskaha ee Hindiya, ayaa yiri, "xilligan, dadku waxay ku qasban yihiin inay fadhiyaan siddeed saacadood si ay u helaan nolol maalmeedkooda. Si kasta oo ay tahay shaqada, fadhigu waa shay la wada leeyahay”.
Professor Yadav wuxuu leeyahay, "Dhabar xanuunka, cadaadiska dhiigga ama dhibaatooyinka jilbaha ayaa ah dhibaatooyinka caadiga ah ee la xidhiidha fadhiga wakhti dheer."
"Haweenku waxay aad ugu dhow yihiin inay la kulmaan cudurro uu keeno dhaqdhaqaaq jireed la'aan maadaama ay ku adag tahay inay mudnaanta siiyaan naftooda inta u dhaxaysa shaqada xafiiska iyo shaqada guriga."
"Inkasta oo ay jiraan dhammaan duruufaha, saamaynta xun ee qaab nololeedka fadhiidka ah waa laga fogaan karaa," ayuu yidhi.
Jimicsiyo kale duwan ayaa ku caawin kara, ayuu yidhi Professor Yadav.
Waxa uu sheegay in baaskiil wadida ay kaa caawin karto kahortagga saameynta fadhiga joogtada ah ee murqaha.
Mar la weydiiyay da'da uu qofku baaskiilka ku bilaabi karo, wuxuu sheegay in haddii uu yahay cunug afar jir ah ama qof 70 ilaa 80 jir ah uu bilaabi karo baaskiilka.
Kaliya waxaad u baahan tahay inaad fiiro gaar ah u yeelato xawaaraha iyo inta aad baaskiilka raacayso.
Professor Yadav wuxuu ku talinayaa in qaab nololeedka la beddelo oo aan lagu tiirsanaan tas-hiilaadka hawlaha fududeeya.