Madaxweyne loo haysto maxaad u qarisay tuugadii kuu soo dhacday?

Cyril Ramaphosa

Xigashada Sawirka, Reuters

Madaxweyne Cyril Ramaphosa oo dhawaan hadlayay ayaa qiray in xisbigiisa ANC uu haatan marayo xilligii uu ugu liitay balse isaga qudhiisa ayaaba lagu dheggen yahay.

Afar sano ka hor waxa uu xilka kala wareegay madaxweyne Jacob Zuma oo musuqmaasuq uu dhaawacay sumcadda maamulkiisa, wuxuuna xilligaasi ballanqaaday in uu la dagaallamayo musuqmaasuqa.

Balse madaxweyne Cyril ayaa haatan la daalaa dhacaya fadeexado musuqmaasuq. Tan ugu daran ayaa ah muranka ka dhashay qarin la sheegay in uu qariyay burcad bishii Febaraayo ee sanadkii 2020 u dhacday beer uu ku leeyahay Phala Phala.

Arrintani ayaa ku soo beegmeysa xilli xisbiga ANC lagu wado in sanadkan uu soo xusho murashaxiisa xilka madaxweynennimada ee doorashada dalka ka dhici doonta 2024, waana xilli madaxweyne Ramaphosa uu wajahayo cadaadis aad u xooggan.

Kaddib in muddo ah oo ka caga jiidayay in uu ka hadlo ayuu ugu dambeyn Jimcihii dhowaa ka jawaabay su’aalo la xiriria dhacdadaas oo uu weydiiyay dacwad-oogaha ugu sarreeya dalka ee baaraya dhacdadaas.

Kholeka Gcaleka ayaa madaxweynaha ugu hanjabay in uu u yeeri doono maaddaama uu horay ugu guul-darreystay in uu ka soo jawaabo su’aalaha ku gaadaaman dhacdadaas.

Xogta ku saabsan dhacdada iyo sidii loola dhaqmay kooxdii burcadda ahayd oo markii dambe la qabtay ayaa bannaanka u soo baxday bishii Juun ee sanadkan, waxaana arrintaas shaaciyay madaxii hore ee sirdoonka qaranka, Arthur Fraser.

Fraser oo ah nin aad ugu dhow madaxweynihii hore ee dalkaas Jacob Zuma ayaa madaxweyne Ramaphosa ku eedeeyay afduub, laaluush bixin iyo in si aan sharciga waafaqsanayn uu u amray in la soo qabto raggaas oo beertiisa ka dhacay lacag lagu qiyaasay 4,000,000 oo doollar.

Fraser waxa uu intaasi ku daray in lacagtaas tirada badan oo sida la sheegay lagu dhex qariyay barkimo ay suurtagal tahay in markeedi horeba lagu kasbaday qaab sharcidarro ah, sida in musuqmaasuq ay ku soo gashay madaxweynaha.

Dhacdadaas ayaa la sheegayaa in ay geysteen rag u dhashay dalka Namibia oo falkaasi la soo maleegay shaqaalihii beerta madaxweyne Ramaphosa.

'Wax dambi ah ma aanan geysan’

Maaddaama lacagta la xaday ay ahayd lacag qalaad, waxay arrintaa ka dhigan tahay in la jebiyay sharciyada xakamaynta sarrifka.

Jawaabtii ugu horreysay ee uu bixiyay ayuu madaxweynuhu ku sheegay in "eedeymahaas aysan sal iyo baar toona lahayn".

Xafiiska madaxweyne Ramaphosa ayaa xaqiijiyay in tuugo ay dhacday beertiisa oo ku taal gobolka Limpopo, "dhacdadaas oo keentay in la xado dhaqaalihii ka soo xarooday iibinta ugaarta beertaasi", balse waxa uu muran ka keenay tirada uu sheegay madaxii hore ee sirdoonka qaranka Arthur Fraser.

Cyril Ramaphosa

Xigashada Sawirka, Reuters

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qaar ka tirsan su’aalaha uu soo jeediyay xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa la xiriira suurtagalnimada in madaxweynaha uu ku xadgudbay xeer-hoosaadka anshaxa iyo dastuurka, maaddaama uu qariyay xatooyada ka dhacay beertiisa. Waxa ay sidoo kale dooneysaa in ay ogaato tallaabooyinka uu madaxweynuhu qaaday si loo hubiyo in si fiican loo baaro xatooyadaas.

Madaxweynaha ayaa ku gacan seyray eedeymaha Arthur Fraser oo uu ku tilmaamay olole sumcad-dil ah oo isaga ka dhan ah, kaa oo ay wadaan dadka kasoo horjeeda ajandihiisa la-dagaallanka musuqmaasuqa. Waxa uu sidoo kale aaminsan yahay in siyaasiyiinta isaga ka soo horjeedda ee gudaha xisbiga ANC aysan dooneyn in uu mar labaad qabto xilka madaxweynenimada dalka.

Khudbad uu jeediyay labo toddobaad ka hor, ayuu Ramaphosa ku sheegay "in uu ballan-qaaday in uu si buuxda ula shaqayn doono baaritaanka ka dhanka ah dhacdadaas", uuna ku faraxsan yahay in lala xisaabtamo.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale sheegay in uusan oggolaan doonin in eedeymaha [musuqmaasuqa] ay ka hor istaagaan in uu sameeyo waxa loo baahan yahay in la sameeyo, si ay dib ugu dhisaan dhaqaalaha dalka, iyo in ay ka joojiyaan oo ay ka niyad-jabiyaan shaqadiisa.

Hadalka Ramaphosa waxaa aad ugu farxay oo la dhacay taageerayaashiisa. Balse hadalkiisa wuxuu u muuqday in si sarbeeb ah uu dagaal gudaha ah ugu caddeysanayay xisbigiisa ANC.

Sida uu qabo sharciga xisbiga ANC, qof kasta oo lagu soo oogo dacwad musuqmaasuq ama dambiyo kale waa in uu xilka isaga tago inta ay baaritaannadu socdaan.

Inkastoo madaxweynaha aan si rasmi ah loogu soo oogin wax dambi ah, haddana taageerayaasha madaxweynihii hore ee dalka Jacob Zuma ayaa doonaya in uu xilka iska casilo.

Bishii hore, boqollaal ka tirsan taageerayaasha Zuma ayaa ku hor mudaaharaaday xarunta xisbiga ANC, iyagoo dalbanaya in la soo xiro madaxweynaha iyo in uu xilka iska casilo.

Zuma oo maxkamadeyntiisa musuqmaasuqa la xiriirta ay dib u billaaban doonto bishan, ayaa taageero ka helaya garabka bidix ee xisbiga ANC, waxaana taageerayaashiisa ay weli qaadan la’ yihiin xabsigii uu sanadkii hore ku muteystay in uu ku guul-darreystay in uu ka qaybgalo baaritaan gaar ah oo ku saabsanaa musuqmaasuqa loo haystay ee la sheegay in uu dhacay xilligii uu madaxweynaha ahaa.

Waxa uu xabsiga ku jiray ku dhowaad ​​labo bil oo ka mid ahaa 15-kii bilood ee lagu xukumay, ka hor inta aan loo fidin cafis caafimaad.

Dalabka is-casilaadda ah ee ay soo gudbinayaan taageeryaasha Zuma ayaa sii xoogeystay kaddib markii qaar ka tirsan wufuud ka qeybgaleysay shir ka dhacayay gobolka KwaZulu-Natal - oo ah xarunta Zuma ay ku oriyeen Ramaphosa.

'Muuqaal dhaawacaya sumcadda dalka'

Mucaaradka ayaa sidoo kale sii hurinaya cadaadiska siyaasadeed ee ka dhanka ah madaxweynaha.

Bantu Holomisa, oo ah hoggaamiyaha Midowga Dhaqdhaqaaqa Dimuquraadiga ah, ayaa warqad u qoray afhayeenka baarlamaanka, waxa uuna ka dalbaday in shaqada laga joojiyo madaxweynaha ilaa iyo inta ay ka soo baxayaan natiijada baaritaanka ka dhanka ah madaxweynaha.

"Eedaymahaas waxay si weyn u dhaawaceen sumcadda dalkeenna, waxa ayna u badan tahay in ay si xun u saamayso kalsoonida maalgashadayaasha, maaddaama madaxweyne Ramaphosa uu markii hore u dhaqmay sida halyey u taagan maamul wanaagga," ayuu yiri Holomisa.

Inkasta oo ay jiraan su’aalo ay tahay in madaxweyne Ramaphosa uu ka jawaabo oo la xiriira doollarka laga xaday beertiisa, haddana xilliga Fraser uu soo shaac-bixiyay arrintan ayaa loo arkaa mid laga shakin karo marka loo eego tartanka loogu jiro qabashada hoggaanka xisbiga ANC.

Dadka reer Koonfur Afrika ayaa la qabsaday fadeexado musuqmaasuq, shirqool siyaasadeed iyo in la is-ceebeeyo ka hor tartanka loogu jiro hanashada jagada ugu sarreysa xisbiga ANC.

Sanadkanna waxba kama duwana kuwii hore.

Bisha Diseembar ee sanadkan ayuu xisbiga ANC qaban doontaa shir-weyne doorasho oo ay ku dooranayaan qofka noqon doona murashaxa madaxtinnimo ee xiga, waxaana hubaal ah in arrintaas ay xiisad ka dhalan doonto.