Magaalo digada lo'da ka sameysa shidaal loo isticmaali karo gawaarida

Digada xoolaha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Magaalo ku taal dalka Japan ayaa ka dhigeysa digada lo'da shidaal nadiif ah oo mustaqbalka loo isticmaalo gawaarida.

Magaalada Hokaido waa jasiirad ku taal waqooyiga Japan. Markaad tagto waxaad dareemeysaa urka digada lo'ada. Magaalada waxay caan ku tahay caanaha lo'ada. Jasiiradan waa tan labaad ee ugu weyn Japan, waxaana ku nool lo' ka badan malyan oo soo saara kala bar caanaha iyo subaga dalka.

Magaalada waxay digada lo'da ka dhigeysaa maaddada hydrogen. Marka la gubo qiiq hawada wasakheeya ma sii deyso taas ayaa ka dhigeysa shidaal aan hawada wasakheyn. Rajo ayaa laga qabaa in ay noqoto shidaal rasmi ah.

Inta badan qaabka loo sameeyo hydrogen-ta maanta waa mid aan u fiicneyn hawada oo qaali ah balse habka ay magaaladan u sameyneyso ayaa ah mid qiimahiisu jaban yahay oo joogto loo heli karo.

warshad

"Mashruuca lagu sameynayo howlahan waa mid ku cusub magaaladan" ayuu yiri Maiko Abe oo ka tirsan shirkadda Air Water oo ka mid ah shirkadaha ka shaqeeyanaya howlahan. BBC-da ayaa booqatay magaalada si ay uga sameyso barnaamij.

Mashruuca waxaa sanadkii 2015-kii bilaabay wasaaradda deegaanka. Ujeedka ayaa ahaa in waxyaabaha ka yimaada xoolaha laga dhigo hydrogen.

Digada iyo kaadida lo'da ayaa marka hore la soo ururinayaa kaddibna waxaa lagu darayaa walxo kala saara. Warshadda lagu sameynayo howlahan waxay hadda awood u leedahay in ay soo saarto hydrogen ka badan 318 liiter kaas oo buuxin karaa ilaa iyo 28 gaari maalintii sida uu sheegay Abe.

Sidoo kale warshadda waxay shidaal siin kartaa gawaarida waaweyn iyo cagafyada. Qalabka beeraha way adag tahay intoo badan in ay batari ku shaqeeyaan shaqada ay qabtaan darteed. Baabuurta ku shaqeysa hydrogen-ta waxaa loo isticmaalaa beeraha si loo yareeyo wasaqowga hadwada.

Hydrogen-ta laga sameeyo waxyaabaha ka yimaada xoolaha ayaa la ururinayaa si marka dambe koronto ay u siiyaan xarumaha magaalada ku yaal.

Helista iyo keydinta digo badan waxay u baahan tahay tamar iyo kaabayaal

Hydrogen-ta ma ahan mid sahlan. Waxay u baahan tahay in lagu keydiyo haamaha gaaska oo cadaadiskoodu sareeyo, waxaana suuragal ah in ay dilaacaan ama ay ku timaado cilado kale. Waxayna u baahan yihiin haamahaas in loo maareeyo si taxadar leh.

Hydrogen-ta qaababka loo keydin karo waxaa ka mid ah in hab dareero ah loo keydo oo heerkulka ka hooseeyo 253 C, taasina waxay u baahan tahay kaabayaal dheeri ah.

Tamarta hydrogen-ta waxay sadddex laab ka badan tahay tan batroolka marka ay badan tahay.

In digada iyo kaadida xoolaha lagu daro maaddada methane si hydrogen loo sameeyo ma ahan wax guud, balse ugu dambeyn waa loo adeegsan karaa in lagu sameeyo hydrogen.

lo'
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Abe wuxuu sheegay in mashruucan uu yahay mid shaqeynya maadama karboonka ka dhalanaya uu yahay mid ka yimaada cowska ay lo'ada cuntay.

Caqabadaha kale ee jira waxaa ka mid ah qiimaha hydrogen-ta ku baxaya marka la barbardhigo shidaal kale iyo dalabkeeda oo hooseeya ayaa ka dhigeysa in sameynteeda ay tahay mid dhib badan.

In la dhiirogeliyo geliyo gawaarida ku shaqeysa hydrogen-ta iyo in la kabo qarashka ku baxaya si loola simo shidaalka kale ayaa ah waxyaabo loo baahan yahay. Kaalimo laga qaato shidaalka hydrogen-ta ayaa laga sameeyay magaalooyinka jasiirada.

Dalka Japan waxa uu hurmuud ka yahay shidaalka hydrogen-ta adduunka, waxa uuna ku maalgeliyay farsamo casri ah balse hada waxaa ka jaban farsamada gawaarida batariga ku shaqeysa.

Waxyaabaha kale ee adduunka ka jira waxaa ka mid ah in meelo badan oo caalamka ah aad loo daneynayo in digada iyo kaadida xoolaha laga sameeyo maaddada hydrogen.

Dhinaca kale, injineero ka tirsan jaamacada Illinois Chicago ee dalka Mareykanka ayaa dhawaan soo saaray habkale oo lagu sameyn karo hydrogen. Waxay isticmaaleen digada xoolaha iyo qashin kale.

hydrogen

Hindisahan waxaa lagu bilaabay iskaashi dhexmray jaamacadaha Kyushu iyo Fukuoka balse hadda waxaa ku soo biiray shirkado waa weyn sida Toyota.

"Saxarada dadka waa mid joogto loo heli karo marka in laga faa'ideysto oo laga soo saaro tamar waxtar leh lagana dhigo hydrogen waxay na gaarsiineysaa tamar gudaha ka timaado oo gudahana laga isticmaalo" ayuu yiri Miyaoka

Saldhiga Fukuoka ee bulaacadaha ka sameeya shidaalka hydrogen-ta waxa uu shaqeynaya ilaa iyo 2015-kii. Dhowr dal oo adduunkana waxay isticmaalaan habkan.

Wadamo ay ka mid yihiin Jarmalka, Hindiya iyo Mareykanka ayaa wasaqda bulaacadaha ka sameeya hydrogen. Dhowr shirkadood oo kuwa biyaha UK ayaa wada mashaariic ceynkan oo kale ah si loo sameeyo hydrogen.