Maxay dadka Soomaaliyeed uga dhigan tahay inay helaan kaar aqoonsi kadib in ka badan 30 sano?

NIRA
Qoraalka sawirka, Xasan Macallin Ibraahim
    • Author, Fatuma Maalim
    • Role, BBC Somali, Nairobi

Hay'adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaran ee Soomaaliya (NIRA) ayaa dhowaan daah-furtay daabacaadda Kaarka Aqoonsiga Soomaaliya, tan oo loo aqoonsaday tallaabo muhiim ah oo loo qaaday hannaan dhanka aqoonsiga ah oo mideysan, waana in ka badan 30 sano kadib oo dalka uusan ka jirin hannaan aqoonsi.

Hay'adda ayaa sheegtay in helidda aqoonsi rasmi ah ay ka caawin doonto muwaadiniinta Soomaaliyeed inay helaan adeegyada iyo xuquuqaha aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin, kuwaas oo markii hore ay ku adkeyd heliddooda.

Hay'adda ayaa dadka Soomaaliyeed ku ammaantay dulqaadka ay muujiyeen intii ay socotay howshan. "Waxaan si qoto dheer u bogaadineynaa dulqaadka iyo taageerada dadka Soomaaliyeed intii lagu jiray hirgelinta howshan taariikhiga ah, waxaana ka raalli-gelineynaa dib u dhac walba oo ku yimid hannaanka daabacaadda kaarka," ayuu yiri Maareeyaha Guud ee NIRA Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde).

NIRA ayaa ku wargelisay dadka iska diwaan-geliyay xarumhaeeda inay heli doonaan farriin telefoonkooda ugu soo dhacda marka ay kaararku diyaar noqdaan. Waxay sidoo kale sheegtay in Hannaanka Aqoonsiga Qaran uu yahay dalka oo dhan. Dhowaan ayay hay'addu xafiis ka sameysatay magaalada Baydhabo ee maamul-goboleedka Koofur-Galbeed, waxayna ballan-qaadday in maamul-goboleedyada kale ay ka sameysan doonto xarumo.

"Waxaa hadda inoo diyaar ah oo keliya inaan furno u dhiman xarumaha Dhuusamareeb, Kismaayo, Laascaanood iyo Jowhar," ayuu yiri maareeyaha.

Wuxuu xusay in ilaa 30 xarumood ay sanadkan u qorsheysan tahay hay'adda inay ka furato gudaha dalka.

NIRA
Qoraalka sawirka, Maareeyaha Guud ee NIRA Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde)

Helidda kaar aqoonsi ayaa ah tallaabo wax weyn ka taraysa xal u helista dhibaatada aqoonsi la'aanta, nabad-gelyada, mucaamalaadka maaliyadeed, iyo la falgalka hey'adaha dowladda.

Soomaaliya ayaa in muddo ahba wajaheysay caqabad la xiriirta aqoonsiga dadka maaddaama uusan jirin hannaan sax ah oo lagu aqoonsanayo qofka.

Hannaanka diwaan-gelinta rayidka ee dalka ayaa meesha ka baxay sanadkii 1991 kadib markii xukunka laga tuuray dowladdii Maxamed Siyaad Barre, arrintaas oo dalka u horseedday dagaal sokeeye, qas iyo fowdo saameeyay dhaqaalaha iyo nolosha dadka.

Sababtaas darteed, aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa bishii Maarso ee sanadkii 2023 ansixiyay hindise-sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

Tallaabadan ayaa looga gol lahaa in qof waliba ay tahay inuu qaato kaarka aqoonsiga.

NIRA

Xigashada Sawirka, Golaha Aqalka Sare

Maareeye Cabdiweli ayaa sheegay in kadib ansixinta ay hay'addu bishii sagaalaad ee isla sanadkaas billowday nidaam casri ah oo aan hore dalka uga jirin.

"Hadda waxaa jira 13 xarumood, lix ka mid ah waa kuwo rasmi ah halka inta kale ay yihiin kuwo guurguura," ayuu intaa raaciyay.

Helidda kaarka ayaa qaadatay muddo dheer, taas oo uu maareeyuhu u sababeeyay inay tahay qalabka iyo mashiinnada lagu shaqeynayo oo waqti qaatay maaddaama sida uu sheegay ay yihiin kuwo casri ah kaararkuna yihiin kuwii ugu dambeeyay ee dunida la jaan-qaadaya.

Shuruudaha iyo sida lagu caddeynayo inuu qofku Soomaali yahay

NIRA
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Helidda kaarka aqoonsiga ayaa haatan la fududeeyay iyadoo si bilaash ah qofka lagu diwaan-gelinayo.

Hase yeeshee, shuruudaha looga baahan yahay qofka ayaa ah inuu heysto dokumenti dowli ah sida baasaboor, waraaq dhalasho, shahaado waxbarasho ama leysinka darawalnimada.

Dadka reer-miyiga ah ee aan heysan dokumenti, ayaa laga doonayaa inuu keeno qof damiinta sida qof mas'uul ah oo dowladda xil ka haya, malaaq amaba nabad-doon iyo wixii la mid ah, kuwaas oo qudhooda laga doonayo inay marka hore aqoonsi leeyihiin.

"Daraasad ayaan ka sameynay sida ugu wanaagsan ee dadka oo dhan loo diwaan-gelin karo. Dadka 15% ayaa dokumenti heli kara hal 85% aysan heli karin. Kuwa heli kara waa la siinayaa kuwa kalena damaanad ayaa laga doonayaa," ayuu yiri maareeye Cabdiweli.

Sidoo kale qofka ay da'diisu ka yar tahay 15 sano waxaa laga doonayaa inuu keeno waalidkiisa oo qudhooda aqoonsi inay leeyihiin ay shardi tahay.

Soomaalida qurbaha ku nool ayay hay'addu sheegtay inaan la illaabin. "Waan ognahay Soomaali badan ayaa bannaanka u qaxday xaq ayayna u leeyihiin. Kuwaasi waxay tegi karaan safaaradaha aan dibadda ku leennahay, adeegyada ay bixiyaan ayuuna ka mid noqon doonaa kaarka aqoonsiga. In sanadkan dhexdiisa safaaradaha la geeyo adeegga kaarka aqoonsiga ayaan kala shaqeyneynaa wasaaradda arrimaha dibadda iyo hay'adda socdaalka," ayuu intaa raaciyay maareeyaha.

Dardargelinta kaarka aqoonsiga ma waxay la xiriirtaa Doorasho Qof iyo Cod?

Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhammaadkii bishii Okroobar ayaa Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kana dhacay magaalada Muqdisho, laga soo saaray war-murtiyeed dhowr qodob ka kooban.

Kan ugu muhiimsan ayaa ahaa in xukuumadda ay soo dhisto guddi qaran oo madax bannaan oo doorashooyinka iyo xudduudaha ah.

Golaha oo ay ka maqnaayeen maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa sidoo kale isku raacay doorashooyin qof iyo cod ah ay ka qabsoomayaan dowladaha hoose kuwaas oo dhacaya bisha Juun 2025, iyo doorashada baarlamaanka iyo madaxda kale ee dowladda oo dhaceysa Sebtembar 2025.

Dad badan ayaa haatan is weydiinaya in dardarta ay ku socoto bixinta kaararka aqoonsiga ay la xiriiri karto arrimaha doorashooyinka.

"Aqoonsi ayaan ka shaqeyneynaa, aqoonsigan waa mid intaad nooshahay aad heysaneyso. Doorashada kahor iyo kadib ayaa loo baahan yahay mana isku xirna," ayuu yiri maareeye Cabdiweli.

Wuxuu intaa ku daray in guddiga doorashooyinka ay mas'uul ka yihiin in kaarka aqoonsiga ay u adeegsadaan hubinta dadka is diwaan-gelinaya.

"Lama dhihi karo doorasho keliya ayaa loo wadaa ee dowladda ahmiyado ka waaweyn ayay ka leedahay isda inay dadku ku safraan, adeegyada dowladda ku helaan mana aha wax doorashada khaas u ah".

NIRA

Xigashada Sawirka, NIRA

Maxaa sababay in kaarka uu yeesho taariikh dhicitaan ah?

Kaarka ayaa dhacaya muddo 10 sano kadib, taas oo dadka ay is weydiinayaan sababta keentay.

"Kaarka aqoonsiga waxa ugu muhiimsan waa 11-ka nambar. Nambarkan 11-ka ah ma dhacayo ee lafta ayaa dhacaysa 10 sano kadib. Lafta inay dhacdo waxaa keenaya qofku wuu is bedelayaa 10 sano kadib, sawir cusub ayaa laga doonayaa, teknoljiyadda ayaa is beddeleysa xitaa, marka waa inaynu adduunka la jaan-qaadno ee inaan ka dambeyno ka rabno," ayuu yiri maareeyaha.

Maareeyaha ayaa sheegay inay jiraan goobo badan oo aysan dowladdu gacanta ku heynin kuwaas oo inta ammaanka ah ay u direen kooxo guurguura.

"Meelaha aan suurto-galka ahayn waxaan kala mid nahay dowladda, waxayna waddaa howlgallo ballaaran. Marka ay inoo suurto gasho ayaan geyneynaa".

Baanka Adduunka ayaa Soomaaliya ka taageeraya kharashka kaarka aqoonsiga, halka hannaankana ay ka taageertay dowladda Pakistan.

"Hannaanka annaga ayaa gacanta ku heyna iyo xogta dadka Soomaaliyeedba. Aad ayaa loo ilaaliyay oo cid kale ma heli karto," ayuu intaa raaciyay.

Maxaa faa'iido ugu jirta dadka inay helaan kaarka aqoonsiga?

NIRA

Maareeye Cabdiweli ayaa sheegay in kaarka aqoonsigu yahay dukumenti dowli ah qof kastana u baahan yahay. "Caalamiyan waxaa la isla gartay inuu yahay dokumenti caalami ah oo ay tahay in qof walba uu heysto. Hadafyada sanadka 2030 waxaa ka mid ah in walba uu leeyahay aqoonsi lagu garan karo,".

Wuxuu sheegay in kaarku yahay dokumenti si dhab ah u cadeynaya xogta qofka oo dhammeystiran. Nambarka aan is beddeleyn ee 11-ka ka kooban ayaa waxaa ku dhan xogta qofka wuxuuna ku heli karaa adeegyada caafimaadka, waxbarashada, maaliyadda, baasaboor iyo safarkaba.

"Gudaha dalkeenna wax dokumenti ah laguma safro waxaana ka mid nahay dalalka aysan dadkoodu dokumenti ku safrin, taasina waa inaan beddelnaa".

Soomaaliya

Xigashada Sawirka, EAC

Qoraalka sawirka, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya (B_ iyo Xoghayaha Guud ee ururka Bariga Afrika Dr. Peter Mathuki

Soomaaliya ayaa bishii Maarso ee sanadkii lasoo dhaafay ku biirtay Bulshada Bariga Afrika ee xaruntiisu tahay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, iyadoo noqotay dalkii siddeedaad, kadib muddo dheer oo ay u ololeyneysay ku biiristiisa. Dalalka kale ee ku mideysan ururkan ayaa kala ah Jamhuuriyadda Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, Jamhuuriyadda kenya, Jamhuuriyadda Suudaanta Koofureed, Jamhuuriyadda Uganda iyo Jamhuuriyadda Tanzania.

"Maaaddaama aan ka mid noqonnay bulshada Bariga Afrika oo dadkooda ay gudaha dalalka ku mideysan isaga kala gooshaan iyagoo kaarkooda aqoonsiga adeegsanaya, waa inaysan dadkeennu ka harin oo ku safri karaan aqoonsigooda," ayuu yiri maareeyaha.

"Bulshada Soomaaliyeed intooda badan wax aqoonsi ah ma heysan. Banki ma furan karaan, deyn ma qaadan karaan, waaxaha dhaqaalaha lama macaamili karaan, adeegyo badan ayaa damiin lagu bixiyaa. Waxaas oo dhan kaarka ayaa looga maarmi doonaa qofkana isagoon u baahan xildhibaa, wasiir iyo askari ayuu adeegyadaas heli doonaa" ayuu yiri.

Sidoo kale safarrada gudaha ayuu maareeyuhu sheegay inay dadku u adeegan doonaan kaarkooda aqoonsiga.

"Inaan Soomaali ahay ayuu caddeynayaa"

NIRA
Qoraalka sawirka, Sumaya Cali Cabdulle, waa 22 jir jaamacad dhigata

Sumaya Cali Cabdulle oo 22 jir ah ahna ardayad jaamacad dhigata, oo BBC-da la hadashay ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay qaadashada kaarka. "Aqoonsi haddii aad leedahay meel walba ayaad ku mari kartaa. In waddankeenna uu dalalka kale la jaan-qaado waan ku faraxsanahay," ayay tiri.

Waxay sheegtay in sababta ku dhiirrigelisay inay kaarka qaadato ay tahay in loo aqoonsanayo inay tahay muwaadin Soomaaliyeed.

"Dad badan oo inoo ek ayaa jira, aniga waxaan uga duwanaanayaa inaan Soomaali ahay oo kaarkayga uu caddeynayo." Ayay tiri.

Maxamed Aadan Maxamuud oo isaguna ka mid ahaa dadka qaadanayay kaarka aqoonsiga Soomaaliya ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanahay horumarka laga gaaray helidda aqoonsi.

"Waxaa igu dhiirrigeliyay dalalka qaar aqoonsi ayay leeyihiin, waxaan ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee qaata kaarkan," ayuu yiri.

Maxamed wuxuu aaminsan yahay in kaarkan uu u fududeynayo adeegyada aasaasiga ah sida safarka amaba furashada banki. "Kaarkan waa mid wax walba kuu fududeynaya." Ayuu intaa raaciyay.

NIRA
Qoraalka sawirka, Maxamed Aadan Maxamuud, wuxuu ka mid yahay dadkii ugu horreeyay ee is-diwaan geliya

Xasan Macallin Ibraahim oo ah aabbe ayaa isna ka mid ahaa dadka aan la kulannay ee qaatay kaarka aqoonsiga.

"Hore waan usoo qaatay kaar dowladdii hore ee Siyaad Barre, maantana waan ku faraxsanahay." Ayuu yiri.

Xasan ayaa sheegay in carruurtiisa uu sidoo kale usoo dirayo xarumaha kaar bixinta si ay aqoonsi u helaan.

Tirada rasmiga ah ee isku diwaan-gelisay qaadashada kaarka aqoonsiga ayaan la ogeyn maaddaama weli ay socoto, wuxuuse maareeyuhu sheegay in sanadkan 2025 ay hay'adda u qorsheysan tahay inay kaararka siiso ilaa afar milyan oo qof.