Dalalka askartooda dil toogasho ah ku xukumay fuleynimo awgeed iyadoo hadda Soomaaliya ku dhawaaqday ciqaabta askarta furimaha ka soo baxa

Waxaa sidoo kale suurta gal ah in xeerkan loo cuskado askari fikir ahaan kasoo hor jeeda hawlgalka markaas lagu jiro kaas oo amar diidda sameeya balse aanay fuleynimo haynin.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Waxaa sidoo kale suurta gal ah in xeerkan loo cuskado askari fikir ahaan kasoo hor jeeda hawlgalka markaas lagu jiro kaas oo amar diidda sameeya balse aanay fuleynimo haynin.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday inciqaab adag la marinayo askarigii ka soo baxa furimaha dagaalka.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono askari kasta oo ka baxda furimaha dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Taliye Mahad ayaa xusay in sharciga ciidanka uu si cad u qeexayo in askariga ka baxa safka dagaalka uu wajahayo ciqaab adag, taasoo noqon karta xabsi ama dil toogasho ah.

"Askariga isagoo shaqo loo diray oo goobta dagaalka tagay oo meeshii lagu ogaa ka soo fakado oo shaqa soo baneeyo waa dil doogasho ah, haadii se aan dilka gaari weyno waxaa lagu sameynayaa ciqaab u dhiganta oo gaal-shira ah. furin dagaal xeerkeeda waa dil toogasho ah," ayuu Mahad ku sheegay werysi lagu baahiyay bogga Facebook ee xafiiska warfaafinta ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Wuxuu si cad u sheegay in aan la aqbali doonin in askartu dib uga gurato jiidda hore ee dagaalka ciqaabatana uusan keligiis ku ekaaneynin ee xitaa ay saameeyneyso waalidkiis.

Marka laga soo tago ciqaabta ay marayaanb askatrta ka soo baxda furimaha dagaalka taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa waxa kale caddeeyay in askarta si geesinimo leh uga qeyb qaadata dagaalka abaalmarin la siin doono.

Wuxuu ballan-qaaday in geesiyaasha u dhabar-adeyga dagaalka lagu siin doono bilado sharafeed iyo gunooyin dhaqaale, si loo dhiirrigeliyo dadaalka lagu ciribtirayo argagixisada.

Muxuu yahay xukunka noocan ahi? mase yahay mid iska caadi ah marka laga hadlayo ciidamada milatariga ee dagaallada ku jira?

Xukunka dilka amaba ciqaabta ciidamada milatariga lagu xukumo marka lagu eedeeyo fuleyno ayaa ah xukun in badan la adeegsaday xillayada dagaalka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Xukunka dilka amaba ciqaabta ciidamada milatariga lagu xukumo marka lagu eedeeyo fuleyno ayaa ah xukun in badan la adeegsaday xillayada dagaalka.

Xukunka dilka amaba ciqaabta ciidamada milatariga lagu xukumo marka lagu eedeeyo fuleyno ayaa ah xukun in badan la adeegsaday xillayada dagaalka.

Waxaa askariga loogu xukumi karaa fuleynimo hadii uu sameeyo mid ka mid ah arrimahan; in uu diido furinta hore isagoo la amray, in uu ka cararo goobta dagaalka, in uu isdhiibo isagoo ku amran in aanu is dhiibin iyo waxyaabo kale oo muujinaya in askarigu uu muujiyey baqdin. Balse waxaa suurta gal ah in sabab kale askar loogu xukumo fuleynimo iyada oo ujeedku ugu weyn uu yahay farriin loo dirayo askarta oo ah hadii ay ka cabsadaan cadowga in ayna ka badbaadayn taliskooda.

Waxaa sidoo kale suurta gal ah in xeerkan loo cuskado askari fikir ahaan kasoo hor jeeda hawlgalka markaas lagu jiro kaas oo amar diidda sameeya balse aanay fuleynimo haynin.

Qaar ka mid ah dalalka askartooda dil toogasho ku xukumay fuleynimo awgeed?

Bilowgii sannadkii 2023 Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo ayaa dil toogasho ah ku xukuntay qaar ka mid ah ciidammadeeda Milatariga ee dagaalka kula jira jabhadda M23; laakiin waxaa jira dalalka oo horay u qaaday tallaabadaas.

Markii uu ingiriisku askartiisa qaar ka mid ah fuleynimo u laayey

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

18-kii bishii Oktoobar sannadkii 1916, dable Harry Farr oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Ingiriiska (BEF) ayaa loo toogtay fulaynimo ka dib markii uu diiday inuu horay u sii galo safka hore ee Furinta Galbeedka intii lagu jiray Dagaalkii Dunida ee 1-aad.

Ka dib markii uu ku biiray ciidamada xooga dalka Ingiriiska 1914, Farr waxaa loo diray jiidda hore ee Faransiiska; Bishii May ee xigtay, waa uu suuxay, wuuna gariiray, waxaana loo diray isbitaal si loogu daweeyo. Waxa uu ku soo noqday goobtii dagaalka oo uu ka qayb qaatay weerarkii Somme. Si kastaba ha ahaatee, bartamihii bishii Sebtembar 1916, Farr wuxuu diiday inuu la sii galo difaaca cadowga isaga iyo kooxdiisa inteeda kale; ka dib markii xoog loo sii jiiday iasaga oo diidan, ayuu ka fara baxsaday dib ayuuna u cararay. Ka dib waxaa lagu soo oogay maxkamad ciidan oo ah xukun fulaynimo waxaana lagu xukumay dil toogasho ah.

Farr waxa uu ka mid ahaa 306 askari oo ka kala socday Ingiriiska iyo wadamada Barwaaqo-sooranka kuwaas oo xukunka dilka ee fuleynimada lagu fuliyay dagaalkii weynaa ee aduunka. Sida laga soo xigtay qoyskiisa oo dagaal dheer u galay sidii magaciisa loo nadiifin lahaa, Farr waxa soo gaadhay dhaawac aad u daran, xaaladdu waa mid wakhtigaas la garanayay, waxaana dhaawac jidheed iyo mid nafsi ahaaneedba soo gaadhay waayo-aragnimadii uu u lahaa dagaalka. duqeymaha culculus ee soo noqnoqday ee isaga iyo asxaabtiisa hore ee dagaalka lala beegsaday awgood.

Calaamadaha "Shell-shock" – oo ah erey markii ugu horreysay 1917 uu isticmaalay sarkaal caafimaad oo lagu magacaabo Charles Myers - ayaa ka mid ah welwelka taagdarrida, qaraw joogto ah iyo xanuunno jireed oo ay ka mid yihiin shuban iyo indho madoobaad. Dhammaadkii dagaalkii 1aad ee aduunka, ciidamada Ingiriiska waxa lagu qasbay in ay la tacaalaan 80,000 oo kiis oo dhibaatadan ah, oo ay ku jiraan askar aan waligood la kulmin duqeyn toos ah. In kasta oo daawayn lagu sameeyay, shan meelood mee kali ah, ragga ay dhibaatadu saamaysay ayaa dib u bilaabay hawshooda ciidan.

Nigeria- 2014-kii

Raggan ayaa dhamaantood lagu eedeeyay "in ay maleegayeen gabood fallo ka dhan ah maamulka Qeybta 7-aad ee Ciidanka Nigeria".

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Raggan ayaa dhamaantood lagu eedeeyay "in ay maleegayeen gabood fallo ka dhan ah maamulka Qeybta 7-aad ee Ciidanka Nigeria".

Sannadkii 2014-ka, afar iyo kontan askari oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee dalka Nigeria ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay fal-dambiyeed iyo fuleynimo, kadib markii ay diideen inay ka qeyb qaataan duulaanka ka dhanka ah kooxda Islaamiga ah ee Boko Haram oo dalkaas ka dagaqalanta.

Raggan ayaa dhamaantood lagu eedeeyay "in ay maleegayeen gabood fallo ka dhan ah maamulka Qeybta 7-aad ee Ciidanka Nigeria".

Boko Haram ayaa xilligaas la wareegtay deegaano badan oo ku yaala waqooyi bari Nigeria

Waxaa lagu amray inay hormuud ka noqdaan weerar ay ciidanku ku qaadeen saddex magaalo oo ka tirsan gobolka Borno, oo ku yaalla waqooyi bari ee dalkaas, ahna xudunta dagaalka.

Ciidamada Nigeria ayaa xilligaas ka cabanayey inaysan haysan awood ay kula dagaallamaan Boko Haram waxayna sheegeen in inta badan looga tago cunto iyo rasaas aan ku filnayn.

Xaasaska askarta ayaa markaas mudaharaad ku sameeyay bannaanka xarumaha ciidamada si ay u joojiyaan in raggooda la geeyo furimaha dagaalka.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo

Xukunka dilka ah ayaa weli ka socda DR Congo, hase yeeshee markii ugu dambeysay ee la fuliyo 2003, ayaa si nidaamsan loogu beddelay xabsi daa'in.

Xigashada Sawirka, The government of NORD-KIVU

Qoraalka sawirka, Xukunka dilka ah ayaa weli ka socda DR Congo, hase yeeshee markii ugu dambeysay ee la fuliyo 2003, ayaa si nidaamsan loogu beddelay xabsi daa'in.

Toddobo askari oo u dhalatay dalka Congo ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii lagu eedeeyay in ay fulaynimo u muujiyeen cadawga, islamarkaana ay argagax isku abuureen markii ay ka carareen fallaagada M23 oo dalkaas ka dagaalanta.

Askarta ayaa dafiray eedeymaha loo haysto, waxaana qareenadooda ay sheegeen inay racfaan ka qaadan doonaan go'aanka maxkamadda, sida ay sheegeen maamulka gobolka Waqooyiga Kivu.

Labo qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, afar kalena dhaawacyo halis ah ayaa soo gaaray intii uu socday shilkan uu sababay falka cararka ee askarta, xeer ilaalinta ayaa ku tilmaamay in ay ahaayeen 'fuleyaal'.

Kumanaan qof ayaa dhawaan ka qaxay guryahoodii Goma iyo Minova iyadoo fallaagada M23 ay si tartiib tartiib ah ugu soo wajahan yihiin magaalada Masisi ee galbeedka.

Bishii Nofembar, maxkamad milatari oo ku taal Goma ayaa saddex askari ku xukuntay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay inay ka carareen dagaalka intii ay socdeen dagaalladii M23.

Xukunka dilka ah ayaa weli ka socda DR Congo, hase yeeshee markii ugu dambeysay ee la fuliyo 2003, ayaa si nidaamsan loogu beddelay xabsi daa'in.

54 xubnood oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee dalka Nigeria ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay fal-dambiyeed iyo fuleynimo, kadib markii ay diideen inay ka qeyb qaataan duulaanka ka dhanka ah kooxda Islaamiga ah ee Boko Haram.

Saddexdan waddan oo kali ah ma isticmaalin xukunka dilka ee askrta fuleynimada lagu eedeeyo, waana xeer sida aan hore kusso xusnay aad loo adeegsado xilliyada dagaalka, Maraykanka ayaa ka mid ah waddamada leh xeerka ciqaabta askarta lagu helo dembiga fuleynimada iyo kuwa kale oo suurta gal tahay in askarigu ku muteysto ciqaab dil ah.