Maxay tahay xogta uu isku dhago tiray Ruushku ee Mareykanka la wadaagay inta uusan dhicin weerarkii maanta?

sawir

Xigashada Sawirka, Reuters

Weerar kasta oo argagixiso ka dib, su'aalo lama huraan ah ayaa soo baxaya. Sababta looga hortagi waayay ama loo ogaan waayay.

Si kastaba ha ahaatee, weerarkii dhawaan ka dhacay Moscow ayaa keenay suaalo si gaar ah ugu adag Vladimir Putin iyada oo ay jirto xiisad caalami ah iyo kalsooni darro, oo ay keentay farriin digniin ah oo ka timid Washington.

7-dii Maarso, Mareykanka wuxuu soo saaray digniin u gaar ah muwaadiniintiisa, taasi oo aheyd suurtagalnimada ah in kooxaha "xagjiriinta" ay leeyihiin qorshayaal dhow oo ay ku beegsanayaan shirarka waaweyn ee Moscow, gaar ahaan xusitaanka riwaayadaha.

Waxuu Mareykanka kula taliyay muwaadiniintiisa ku sugan magaaladaas inay ka fogaadaan ama aysan ka qeyb galin dhacdooyinkaan oo kale 48 saacadood ee soo socda.

In kasta oo laga yaabo in waqtigu aanu si fiican isu waafaqin, ayaa hadana sida ay wax u dhaceen iyo goobta la weeraray maanta iyo sidoo kale digniinta la soo saaray ayaa meelo badan isaga eg yihiin.

Waxay u muuqataa inay caddahay in Washington ay sii ogeyd ama ay heshay xogo sirdoon oo khuseeya ururka IS, kooxda sheegatay mas'uuliyadda weerarkii Moscow.

sawir

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Vladimir Putin ayaa la hadlay muwaadiniinta Ruushka ka dib weerar argagixiso oo ka dhacay hoolka bandhiga ee Crocus City Hall

Marka laga soo tago digniinta dadweynaha ee la siiyay muwaadiniinta Mareykanka, ayaa Mareykanku sidoo kale sheegay in xogtan ay si toos ah ugu gudbiyeen dowladda Ruushka.

Sarkaal Maraykan ah ayaa ku nuuxnuuxsaday, "Dawladda Maraykanku waxay sidoo kale xogtan la wadaagtay mas'uuliyiinta Ruush ah si waafaqsan siyaasadda loo yaqaan 'waajibka digniinta' ee muddada dheer" ee la xiriirta dadweynaha.

Waxa jira habab wadaaga sirdoonka wadamada ka dhexeeya, xataa quruumaha aan xulafada ahayn, gaar ahaan marka ay khusayso weerarada suurtagalka ah ee rayidka ka dhanka ah.

Si kastaba ha ahaatee, Moscow waxay dooratay inay iska indhatirto digniinahan.

Saddex maalmood uun ka hor weerarka, Madaxweyne Putin waxa uu la hadlay guddiga Adeegga Amniga Federaalka ee Ruushka (FSB), isagoo ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in la taageero waxa uu ku tilmaamay “hawlgal milatari oo gaar ah” – isaga oo ula jeeday duullaankii baaxadda leh ee Ukraine.

Eeedeynta Putin u jeediyay reer galbeedka

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Putin waxa uu ku eedeeyay in Ukraine ay u weecatay waxa uu ku tilmaamay "Xeeladaha Argagaxisada" waxa uuna dhaleeceeyay waxa uu u arkayay "hadalada kicinta" ee ka soo yeeraya quwadaha reer galbeedka ee la xiriira weeraro ka dhici kara gudaha Ruushka. Waxa uu digniinahaas ku sifeeyay "hadallo rakaateyn ah" oo looga dan leeyahay in lagu carqaladeeyo bulshada Ruushka.

Tani waxay muujinaysaa in kalsooni darrada ka dhex jirta Maraykanka iyo Ruushka awgeed, Moscow laga yaabo in ay digniinaha u aragtay qayb ka mid ah isku dayga ballaaran ee lagu cabsi gelinayo Ruushka, sababo la xirira iskahorimaadka Ukraine ee socda.

Xogaha uu la wadaago Maraykanku Ruushka weli lama hubo nuuca ay yihiin, maadaama xoagaha sirdoonku inta badan yihiin kuwaa aan sidaa u sii cadeyn oo ay adagtahay in lagu dhaqmo ama talaabo lagu qaado.

In kasta oo Maraykanku uu ku faano sirdoon ballaaran oo uu si dhow ula socdo dhaqdhaqaaqa IS - kooxda lagu tuhunsan yahay weerarka Moscow maanta ka dhacay, ayaa sidoo kale lala xiriiriyay dhacdooyin hore oo lala beegsaday ciidamada Mareykanka iyo dadka rayidka ah, sida weerarkii garoonka diyaaradaha ee Kabul bishii Agoosto 2021 kii iyo qaraxyadii ugu dambeeyay ee Ciraaq.

Haddii sirta lala wadaagay Ruushka ee ku saabsan IS ay dhab ahaantii ahayd mid la aamini karo oo gaar ah, su'aalo ayaa soo baxaya ku aadan sababta FSB iyo Putin ay ugu qaadan waayeen si dhab ah.

Xaaladdan oo kale, Moscow ayaa laga yaabaa inay u aragto inay ku habboon tahay in si uun loogu xiro weerarka Ukraine, Si ay taageero ugu hesho falalkeeda halkaas ka oscda halkii ay ka aqoonsan lahayd ama isweydiin lahayd halka ay wax ka qaldamaeen dhinacooda.