Waa kuma sarkaalkaan sare ee ku dhintay weerarkii saaka ee al Shabaab?

Xigashada Sawirka, Liibaan
Ururka al-Shabaab ayaa saaka waxay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin gobolka Shabeeladda Hoose, gaar ahaan meel u dhaw deegaanka Busleey.
Saldhiga la weerary ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen cutubyo kala duwan oo isugu jira Militariga Somaliya, Booliska sida militariga u tababaran, iyo Nabad Suggida, ayaa waxaa la sheegay in ay gudaha u galeen dableyda.
Sargaal sare oo ka tirsan ciidamada Milatariga oo magaciisa lagu sheegay Liibaan Golcad ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay weerarka. Sidoo kale waxaa la sheegay in tiro ciidan ah la la’yahay weerarka kadib.
Al-Shabaab ay sheegatay in ay ku dishay in ka badan 57 askari, in kasta oo aan la xaiijin karin sheegashadooda. Dawladda Soomaaliya ayaan wali ka hadlin dhacdadaan.
Deegaankan ayaa nabad ahaa dhowr bilood, sida ay sheegeen maamulka deegaanka. Weerarka oo dhacay barqanimadii maanta oo Sabti ah, ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaaro dhimahso oo gaaray ciidamadii ku sugnaa goobta, inkastoo dowladda aysan si rasmi ah u xaqiijin khasaaraha ka dhashay weerarkaas.
Waa kumaa sarkaalka sare ee saaka lagu dilay weerarkas?

Xigashada Sawirka, social media
Liibaan Maxamed Cabdulle (Golcad), ayaa kamid ahaa ciidamada boolis milataaro ee loogu talagalay sugida amniga Muqdisho agagaarkeeda.
Sida ay noo shageen qaar kamid ah ehaladiisa waxaa Liiban ka soo galay ciidanimada ururkii Ahlu-sunna Wal-jamaaca kuwaas oo la qarameeyay lagana mid dhigay ciidanka Qaranka ee Soomaliya, kadibna waxaa uu ku biiray ciidanka Booliska u tababaran sida milatariga.
Ehelada ayaa noo sheegay in ciidanka uu Alhlu Sunna uu ka tirsanaa sanadkii 2016 kii.
Libaan Golcad ayaa la sheegay in uu inta badan u xilsaaranaa jagboyntiyada yaalla waddoyinka laga soo galo Muqdisho, gaar ahaan kuwa yaalla dhanka galbeedka ee gobolka shabeelada Hoose.
“Libaan waxaa uu ahay adeerkeyga, waxaa uu ka tagay 3 gabdhood iyo 3 wiil iyo hoyadooda inta aan ognahay “ ayuu yiri Nuur Bashiir oo uu Liibaan adeer u yahay.
Nuur Bashiir oo BBC u waramay ayaa sidoo kale noo sheegay in Liibaan uu ku dhashay degmada Guriceel, halkaas uu oo uu ku soo qaatay wax barashadiisa hoose, dhexe iyo mida sareba . Wuxuu intaas raaciyay in Libaan uu jamaacada ka dhigtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, isaga oo bartay xirfadda Dhaqtarnimada, balse kuma uusan shaqayn xirfadaas.
Galabta ayaa Liibaan lagu aasay magaalada Muqdisho.

Xigashada Sawirka, AFP
Xaalka haatan ee goobihii la weeraray
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xaalka goobtii uu saaka ka dhacay weerarku ayaan wali ahayn mid xasiloon. Wararka naa soo aaraya ayaa waxay sheegayaan in wali ciidamadu ay dhaq-dhaqaaqyo amni ka wadaan aagga ay ku yaaleen fariisamaha ciidamada.
Weerarkaan ayaa kusoo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ciidamada Booliska ee sida milataariga u tababaran iyo kuwa gaarka ah ee Haramcad ay howlgalo ka wadeeb duleedka magaalada Muqdisho.
Magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda oo baryahaan u muuqday in ay xasiloonayana amni ahaan, ayaa weerarkaan iyo kii qaraxyada ku bilowday ee todobaadkii hore ka dhacay hotel ku yaalla gudaha caasimadda, waxay muujinayaan in weeraro dhimasho sababa oo ay soo qaadaan kooxda al Shabaab ay mar walba suuragal yihiin.
Soomaaliya ayaa wali waxaa ka socda guluf ka dhan ah ururka al Shabaab, kaaso oo ciidamada dawladdu ay kula dagaalamayaan kooxda deegaanada miyiga ah iyo tuulooyinka yaryar.
Dagaal ayaa u muuqda in uusan haatan lahayn dardartii uu ku bilowday.
Ciidamada ayaa qaarkood waxay ka soo baxeen furimo muhiim ahaa oo ay ku hor joogeen kooxda al Shabaab.













