You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxay tahay sababta ay Canada u dooneyso dalxiisayaal badan?
Canada waxay bilowday hab cusub ay ku dooneyso in dalxiisayaal shisheeye ay dalkeeda soo booqdaan. Balse taasi waxaa caqabad ku ah shaqaale yaraanta, dabka duurka ka kaca iyo khilaafka kala dhexeeya Shiinaha.
“Waxaad fahmeysaa dabeecadda, dhaqanka soo jireenka, iyo taariikhda” ayuu yiri Jack Rivers oo ah nin haga dadka dalxiiska.
Waxa uu qabaa Jack in ay jiraan saddex arrimood oo ay tahay in dadka u soo booqdaan Canada.
Mr. Rivers oo ka soo jeeda dadka asal loogu yimid dhulka ayaa horkacaya socod abaabulan oo ka dhacaya hareeraha Wiikwemkoong Ontario. Waa dhul dihan oo ay ku yaalaan keymo leh dariiqo lagu socdo.
Socodka waxa uu qeyb ka yahay dalxiiska Wiikwemkoon. Waa dal barasho ay dalxiisayaasha ku ogaanayaan taariikhda iyo jasiirada.
Mr Rivers waxa uu sheegay in shaqadiisu tahay mid weyn balse waxa uu qiray in qof kasta uusan ka bixi karin.
Ma ahan ayuu yiri shaqo aad bilaabeyso 8-da subaxnimo kaddibna aad dhameyneyso 4-ta galabnimo. “Waxay ku xiran tahay shaqada in la shaqeeyo maalmaha nasashada”.
Dalxiiska Wikwemikong Tourism waxaa haysta caqabado ay ka mid yihiin sidii ay ku heli lahaayeen shaqaale. Waa dhibaato haysta qeybaha dalxiiska Canada oo dhan. Qeybtaas waxay u baahan tahay kumanyaal shaqaale.
Shaqaale yaraantan waa in ay Canada wax ka qabataa hadii ay dowladda dooneyso in uu guuleysto qorshaheeda cusub ay ku kordhineyso tirada dalxiisayaasha dalka imaanaya.
Howshan waxaa riixaya guddiga dalxiiska Canada kaddib markii dadka soo booqanaya dalka ay hoos u dhaceen wixii ka dambeeyay aafadii Corona. Aafada ka hor, 2019-kii waxa uu gaaray dalxiiska dadka u imaanaya 22 milyan.
Tirada dadka soo booqday sanadkii tagay waxay ay gaareysa 18.3 milayn taasna waxay ka dhigan tahay in 17 boqolkiiba uu hooseeyay dalxiiska.
Qorshaha cusub ee fursadaha adduunka waxaa loogu talogalay in lagu kordhiyo dakhliga Canada ka soo gala qeybaha dalxiiska.
Sidoo kale Canada waxay dooneysaa in ay noqoto dalka toddobaad adduunka ee aadka loogu yimaado. Hadda Canada waxay ku jirtaa dalka 13-aad ee loo dalxiis tago.
In ka badan 3,000km galbeedka jasiirada Manitoulin waa dhul ku yaal magaalada dalxiiska caanka ku ah ee Jasper ee buuraha Alberta.
Bishii Luuluyo waxaa ka kacay dabka duurka. Waxa uu ahaa kii ugu weynaa qarniyo. Wuxuu burburiyay saddex meeloo dhismihii magaalada.
Dhismooyinkii ku burburay waxaa ka mid ahaa Maligne Lodge. Waa hotel dhisnaa ilaa iyo 1960-kii. Karyn Decore oo ah milkiilaha hotelka waxa ay sheegtay in dabka uu burburiyay.
“Waxa badan ayey tahay in la qabto balse maanta waxaan xoogga saarayaan waxa aan qaban karo, berina aan u daayo waxa la qaban karo maalintaas” ayey tiri Decore.
Hotelka waxa uu ku jiray ceymis, waxaana la rajeynayaa in dib loo dhiso ka hor xagaaga soo socda.
Magaalada Jasper waa meel dalxiisayaasha caalamiga yimaadaan, boqolkiiba boqol hoteelada waa la sii qabsadaa inta u dhexewysa 1-da Juun ilaa iyo bartamaha Oktoobar” ayey tiri Ms Decore.
Caqabada waxay tahay dad badan ma imaan karaan magaalada Jasper ilaa inta hotelada dib looga dhismayo. Ma ogin ilaa iyo inta ay taas qaadaneyso ayey tiri Ms Decore.
Caqabada kale ee ka taagan dalxiiska Canada waa in ay hoos u dhaceen tirada dalxiisayaasha ka soo jeeda Shiinaha.
Xiriirka labada dal u dhexeeya ayaa xumaaday ilaa markii uu ka dhex dilaacay khilaafka diblomaasiyadeeda sanadkii 2018-kii.
Sanadkaas madaxii dhaqaalaha shirkadda Huawei ayaa Canada lagu xiray kaddib markii uu Mareykanka soo saaray warqad lagu xirayo.
Shiinaha taas waxay kaga jawaabeen labo muwaadin oo Canada u dhashay in ay xiraan iyagoo ku eedeeyay basaasnimo.
Dadka ka faalooda arimahaas waxay sheegaan in kaddib aafadii Corona uusan Shiinaha dib ugu soo celin liiska dalalka ay booqan karaan dadkiisa.
James Griffiths waa wariye Asia uga soo warrama wargeys Canada laga leeyahay, waxa uu leeyahay joojintaas waa mid labada dhinac ah, welina dib uma soo noqon.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arinta kale ee jirta ay tahay dagaalka Ruushka ee Ukraine taasi oo diyaarado badan oo reer galbeed ah aysan ku duulin karin hawada Ruushka.
Wasiirka dalxiiska Canada, Soraya Martinez Ferrada, howsheeda waa in dalxiisayaal badan ay dalka keentaa. BBC-da waxay u sheegtay in sidoo kale ay dooneyso in ay muddo dheer dalka joogaan, lacag badan ay isticmaalaan.
Mar la weydiiyay hoos u dhaca dalxiisayaasha Shiinaha waxay sheegtay in Canada ay diirada saareyso suuqeeda mudada dheer ee Yurub iyo Mareykanka. Sidoo kale waxay sheegtay in ay daneynayaan dalxiisayaasha Shiinaha.
Kaddib markii ay shaqaalo yaraan soo wajahday shirkadaha dalxiiska sida Wiikwemkoong Tourism, waxay sheegtay in loo baahan yahay in shaqo fiican la qabto oo lagu soo jiidanayo fursadaha shaqo ee qeybtaas.