You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Wax ka ogow madaxda dalalkooda iyo guryahooda lagu weeraray drones, iyo kuwa ka badbaaday
Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo in kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ay awood u leeyihiin adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones, kuwaas oo ka caawin kara fulinta weerarada xarumaha dowladda.
Maalmaha kahor, maamul goboleedka Puntland ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen nooca diyaaradaha drones ee duuliye la'aanta is-wada, kuwaas oo ay ka qabteen kooxda Daacish oo ay kula dagaalamayaan goboladda barriga.
Horey, mareykanka ayaa uga digay dareenka laga qabo in kooxda Al-Shabaab ay adeegsanayso teknoolajiyad casri ah oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay ugu fududeeyaan fulinta weerarrada.
Kooxaha Daacish iyo Al-Qaeda ayaa horey ugu adeegsaday diyaaradaha droneska weeraro ay ku qaadeen saldhigyo ciidan Mareykanku ku leeyihiin barriga dhexe.
Weerarada drones ee lagu qaaday hoggoomiyeyaashan iyo guryahooda
Adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee droneska ee kooxaha aan dowliga ahayn ma ahan wax cusub. Waxaa horey loogu bartilmaameydsaday guryaha raysal wasaareyaal iyo xitaa madaxweyne, iyo hoggaamiyeyaal kale.
Bishii Oktoobar ee sanadkii hore, Kooxda Xisbulaal ayaa weerar ay fulinayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee droneska ah ku qaaday guriga Raysal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu xilli uu socday dagaalka u dhexeeya Israel iyo Hamas oo taageero ka heleysay ururka shiicada ah ee Xisbulaah.
Netanyahu waxa uu sheegay in uu ka badbaaday weerarka diyaaradaha drones ah ee lagu doonayay in lagu khaarajiyo isaga iyo xaaskiisa. Weerarka waxa uu dhaxay xilli isaga iyo xaaskiisa ba ay ka maqnaayeen guriga, oo ku yaal magaalo ceebeedka Waqooyiga Israel ee Caesarea aroorta hore ee subax sabti ah. Lama sheegin cid ay waxyeelo kasoo gaartay weerarkaas ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn
Janaraal Cabdifitaax al Burhaan iyo weerarka drone ee uu ka badbaaday
Bisha Juulaay isla sanadkii hore, hoggaamiyaha ciidamada qalabka sida ee Sudan Janaraal Cabdulfataax alBurhaan ayaa ka badbaaday weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones oo ay fuliyeen kooxda Dacmu Sariic ee uu hoggaamiyo Janaraal Maxamed Xamdan Daqalo.
Labada hoggaamiye ayaa muddo dheer ku loolamaya xukunka Sudan. Weerarka drone ee la doonayay in lagu dilo Janaral Burhaan ayaa dhacay xilli ay socotay xaflad galinjebinta ciidamada Sudan.
Weerarka drones ee guriga Raysal wasaaraha Ciraaq
Bishii Nofeembar 2021,saddex diyaarad drone oo duuliye la'aan ah ayaa lagu weeraray guriga Raysal wasaaraha Ciraaq Mustafa al-Kadhimi, oo ku yaal deegaanka amnigiisa aadka loo sugo oo ku yaal Baghdad.
Drones oo ay ku xirnaayeen qaraxyo culus ayaa waxyeelo weyn u geystay dhismaha guriga Raysal wasaaraha, iyadoo ay ku dhaawacmeen lix ka mid ah ilaaladiisa.
Labo ka mid ah drones ayaa lasoo riday kahor inta aysan ku qarxin guriga Raysal wasaaraha. Raysal wasaare Mustafa oo horey u ahaa taliyaha sirdoonka Ciraaq wuu ka badbaaday weerarka.
Bishii Janawari ee isla sanadkan, weerar laga qaaday xadka Sacuudiga iyo Ciraaq oo loo adeegsaday diyaaradaha drones ee duuliye la'aanta ah ayaa lagu bartilmaameydsaday dhisme Boqortooyadda Sacuudiga. Weerarka waxaa fuliyay saddex drone oo ah noocaha lagu yaqaan kooxaha hubeysan ee Iran taageerto ee ka howlgala Ciraaq. Waxay ku qarxeen dhisme boqortooyo oo ku yaal Riyaadh.
Sacuudiga ayaa la kulmayay weeraro loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn wixii ka dambeeyay dagaalka Yemen ku dhexmaray kooxda ay Iran taageerto ee Xuutiyiinta. Laakiin weerarkan waxa uu ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee uga yimaado maleeshiyaadka xariirka la leh Iran ee ka howlgala Ciraaq.
Weerarka drones ee uu ka badbaaday madaxweynaha Venezuela
Sanadkii 2018kii, Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro ayaa ka badbaaday isku day dil oo ay ku lug lahaayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaan.
Maduro ayaa ka hadlayay munaasabad militari oo ka dhacday magaalada Caracas markii la sheegay in weerarka uu dhacay.
Muuqaalo toos ah oo laga duubay khudbadiisa ayaa muujinaya madaxweynaha oo si lama filaan ah kor u eegaya – oo argagaxsan – iyo tobaneeyo askari oo cararaya.
Maduro ayaa ku eedeeyay Colombia weerarkaas – laakiin dowladda Colombia way iska fogeysay.
Toddobo askari ayaa ku dhaawacmay, dhowr qofna waa la xiray markii dambe, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Venezuela.
Dhacdadan ayaa dhacday mar uu Mr Maduro ka hadlayay munaasabad lagu xusayay sanadguuradii 81-aad ee ciidanka qaranka.
Labo diyaaradood oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa ku dhacay meel u dhow tarabuunka madaxweynaha, sida uu sheegay wasiirka isgaarsiinta Jorge Rodriguez.