Maxaa ka jira inay Al-Shabaab adeegsato diyaaradaha aanu duuliyaha saarneyn?

Al-Shabaab ayaa loo maleynayaa inay adeegsanayno teknoolajiyad casri ah oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay ugu fududeeyaan fulinta weerarrada, sida uu sheegay La-taliyaha sare ee Arrimaha Gaarka ah ee Siyaasadda ee Ergada Mareykanka ee Qarmaada Midoobey, Danjire Jeffrey DeLaurentis.

Danjiraha ayaa xusay in weerarrada marka laga yimaado uu agabkaas ka caawiyo kooxaha argagixisada ah soo ururinta xogta sirta ah iyo dhinaca dacaayadda.

Hadalka ayuu mas’uulkaas ka jeediyay kulanka Arria oo looga arrinsanayay halista joogtada ah ee falalka argagixisannimo ee xudduudaha isaga gudba, waxaana isagoo qoraal ah lagu daabacay bogga safaaradda Mareykanka ee Qaramada Midoobay. Kulankaas wuxuu ahaa mid aan caadi ahayn oo uu yeeshay guddi ka mid ah Golaha Ammaanka.

Qoraalka laguma sheegin goorta ay Al-Shabaab billowday adeegsiga qalabkan iyo sida ay ku heshay. Laakiin kooxo ay ka mid yihiin ururka la magacbaxay 'Dowladda Islaamka' ayaa la rumeysan yahay inay horey u adeegsadeen diyaaradaha drones-ka si ay u fuliyaan weerarro, sida laga soo xigtay warbixin ay faafiyeen milatariga Mareykanka. Kooxda ayaa diyaaradaha drones u adeegsatay weerarro ay ka fulisay Siiriya, Ciraaq iyo meelo kale.

Horraantii sanadkii 2013, Al-Qaacidda waxa ay isku dayday inay weerar ka fuliso Pakistaan, iyadoo adeegsanaysa diyaaradaha aanu duuliyaha la socon ee Drones-ka, balse kuma aysan guuleysan.

“Waxaan aragnay kororka isticmaalka nidaamyada hawada ee aan duuliyaha lahayn iyo adeegsiga teknoolajiyadaha kala nooca ah ee argagixisannimada si loo waxyeelleeyo bartilmaameedyada nugul,” ayuu yiri danjire Jeffrey DeLaurentis

Wuxuu bogaadiyay dadaal uu sheegay in Kenya ay ugu jiro la-dagaallanka argagixisada, isagoo ballan-qaaday in Mareykanku uu sii wadayo taageeradiisa “si dadaallada awood-dhisidda ee la-dagaallanka Argagaxisada ay u miro-dhalaan”.

Danjiraha ayaa tilmaamay in dhowaan uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ku sheegay warbixintiisa labadii sano ee la soo dhaafay in halista Daacish iyo Al-Qaacidda ay ku sii kordheyso meelo kala duwan oo Qaaradda Afrika ah. Sababta waxaa lagu sheegay in kooxahaas ay ka faa’ideysanayaan dhibaatooyinka iyo qalalaaseyaasha ka jira qaaradda.

Weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadday Hoteel Xayaat oo ku yaalla Muqdisho 19-kii ilaa 20-kii Agoosto iyo duullaankii xadka Itoobiya ee bishii Luulyo ayaa loo arkay dhacdooyin waaweyn oo wax u dhimaya nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo Bariga Afrika.

Maraykanku wuxuu ballan-qaaday inuu sii wadi doono taageerada dalalka Afrika si ay u dhistaan awood joogto ah oo ay uga hortagi karaan khatarta argagixisada, taas oo isugu jirta adeegyada amniga rayidka iyo milateriga.

Mar uu si gaar ah uga hadlayay dalalka iyo ururrada taageera Soomaaliya ayuu yiri: “Waxaan soo dhoweyneynaa wadashaqeyn dheeri ah oo lala yeesho Soomaaliya, Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo dalalka ku deeqay ciidamada, iyo xubnaha Golaha Ammaanka, si wax looga qabto khatarta Al-Shabaab iyo in Soomaaliya loo sahlo in ay xil weyn iska saarto amnigeeda,” ayaa lagu yiri qoraalka danjiraha.

Qaraarkii Qaramada Midoobay ee uu tirsigiisu ahaa UNSC 751 ee Guddiga Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya ayuu danjiruhu ku tilmaamay mid fursad wanaagsan u ah wax ka qabashada halista Al-Shabaab.