Mukulaal duureed maandooriye laga helay

Mukulaal duureed tiro badan oo baaritaan lagu sameeyey ayaa laga helay maandooriyaha ‘Cocaine’ loo yaqaanno.

Mukulaal duureedka oo ku nool beerta xayawaanka Cincinnati Zoo iyo beerta Botanical oo ku taala gobolka Ohio ee dalka Mareykanka.

Natiijada baaritaanka Mukulaal duureedka lagu sameeyey oo ay khubaradi baartay soo saareen waxaa ka dhalatay maadeys baraha bulshada la iisu marinayey iyaga mukulaasha u bixiyey ‘Mukulaahii Cocaine’.

Iyaga oo weliba sheegay arrintan iney ka dhalatay filim dhawaan la sii daayey oo ku saabsan Mukulaal madoow uu miisaankeedu 80 kiilo yahay oo dhacdhacaya kadib marki uu cabbay darere ay ku jirto qayb ka mid ah maandooriyaha ‘Cocaine.

Nooca mukulaasha haatan la sheegay in laga helay maandooriyaha ‘Cocaine’ asal ahan waxay ka soo jeedda qaaradda Afrika gaar ahanna waddamada ka hooseeya saxaraha Africa.

Waxayna mukulaashaasi ku nooshaha dhulka keymaha ee ka baxsanb magaalooyinka waxaana hoy u ah cawska iyo keymaha.

Muuqaal ahaan mululaasha caadiga ah wey ka weyn tahay weyna ka dheer tahay weyna ka weyn tahay miisaankeeduna wuxuu u dhaxeeyaa 8 – 20 kiilo waxaana muuqalkeedu uu u eg yahay eyda yaryar.

Xirfadlayaasha caafimaadka xoolaha oo mukulaasha baaritaanka ku sameyey waxay si lama filaan ah ay ula kulmeen xilli ay baadigoob ugu jireen shabeel marar badan dhibaateeyey dad dalxiis ku marayey dhul keyma ah oo ku yaalla gobolka Ohio.

Ray Aderson oo ka mid ah xirfadlayaasha daryeesha xayawaanaadka oo BBC u warramay wuxuu sheegay mululaasha dhadhqaaqeeda iney ka shakiyeen kaddibna ay go’aansadeen iney baaritaan ku sameeyaan si ay waxa jira u ogaadaan.

“Koox dhakhaatiirta xoolaha ah oo baaritaan ku sameeyey hidda sidaha (DNA) mukulaashaasi waxay ku ogaadeen in maandooriyaha ‘Cocaine’ uu jirkeeda ku jiro, inti qabshada mukulaashaasi lagu jirayna lug ayey ka jabtay,” ayuu yiri Ray Aderson.

Wuxuuna intaa ku daray iney aad ugu faraxsan yihiin howsha la qabsoontay oo aan u adeegsannay eey tababaran iyo shaqaale caafimaadka xoolaha.

Mukiulaasha duurka oo laga helay Maandooriyaha waxaa loo qabtay nin looga shakiyey inuu mukulaashaasi uu lahaa oo isagu siiyey maandooriyaha, inkasta oo weli natiijada baaritaanka ay boolisku shaacin.