Bunka iyo shaaha, midkee faa'iido badan u leh jidhkeenna

Waxaa jira tartan xooggan oo ka dhaxeeya cuntooyin iyo cabbitaannada oo qaar badan kala doorashadooda lagu xifaaltamo, sida bariiska iyo baastada, hamburger iyo pizza, iyo qaar kale.

Si la mid ah bunka iyo shaaha ayaa tartan kale oo caalami ah uu ka dhaxeeyaa.

Soomaalidu waxa ay ka mid tahay dadka ugu cabbista badan shaaha marka loo barbar dhigo bulshooyinka kale ee gobolka. Waxaana iska cad in cabbista shaahu ay mar walba ka horrayso midda bunka ee bulshada Soomaalida dhexdeeda.

Ugu yaraan sannad walba waxa soo baxa daraasado caafimaad oo la xidhiidha faa'iidooyinka ama faa'iido darrada ka dhalan karta qaababka loo isticmaalo labadan cabbitaan.

Daraasad caafimaad oo hadda ka hor la saaray waxa ay daaha ka qaadday in cabbitaanka koob shaaha ah ama kafee ah maalin kasta ay kaa ilaalin karto da'da, sidoo kalena ay ka hortagi karto daciifnimada jirka iyo gabowga.

Muxuu bunku kaga duwan yahay shaaha?

Waxa iska cad in bunka ay ku jirto maaddada kaafeyin, halka shaahuna uu caan ku yahay maaddo kale oo la yidhaahdo theine. Qaabka ay u shaqeeyaan iyo waxa ay taraan jidhka aadanaha ayaana kala duwan.

Idil Tahliil Maxamuud waa khabiir ku takhasusay nafaqaynta waxa ay BBC-da uga warbixisay kala duwanaanshaha labada jaad ee ka mid ah cabbitaannada ay Soomaalidu caanka ku tahay.

"Shaaha iyo qaxwada farqi weyn ayaa u dhaxeeya marka laga hadlayo waxyaabaha ay ka kooban yihiin iyo faa'iidada caafimaad ee ay jidhka u leeyihiin. Midda ay ka siman yihiin waa in ay ka kooban yihiin maaddooyin maskaxda firfircooni geliya. Cabbistoodu waxa ay qofka ka dhigtaa mid soo jeeda oo feejigan. Bunku waxa uu hoos u dhigaa khatarta soo wajahda wadnaha" ayay tidhi.

Waxaa jira dhowr nooc oo shaahyo ah oo ay ugu caansan yihiin shaaha cagaaran, shaaha madow, shaaha cad, iyo kuwo kale oo dhamaantood bah-wadaag ah. Si ka duwan kafeega, shaaha cagaaran waxaa ku jira L-theanine, oo ah amino acid kor u qaadda degnaanta maskaxeed. Maaddadaasi waxa ay abuurtaa dareen "degganaan iyo feejignaan," isku dhafan oo laga yaabo in ay ku yar tahay midda bunka laga helo.

Maxay Soomaalidu ku jeceshahay shaaha, beddelkii bunka?

Waxaan shaki ku jirin in dadka Soomaalida ay aad u jecel yihiin cabista shaaha marka loo barbar dhigo bunka. Inkasta oo aanay ku jirin safka hore ee waddamada adduunka ee ay dadkiisu isticmaalaan shaaha, haddana dadka Soomaaliyeed ayaa shaaha, gaar ahaanna midka caddayska ahi uu u yahay dhaqan maalinle ah.

Shaaha Soomaalidu wuxuu shaahyada kale uga duwan yahay in lagu daro dhirta sida heylka, qorfaha, dhegayaraha iyo sanjabiilka, waxaana la sheegaa in Soomaalidu jecel yihiin shaaha kan macaan.

Haddaba, in shaaha ama bunka lagu daro caano ama sonkor badan, meesha ma ka saari kartaa faa'iidadii caafimaad ee laga rabay? Idil Tahliil waxa ay qabtaa in arritaasi ay lumin karto waxtar badan oo laga heli lahaa shaaha ama bunka.

"Shaaha ay Soomaalidu cabto waa mid fudud, mana jecla kan bigayska ah. Way jirtaa in faa'iido laga heli karo haddii la cabbo xaddigii loogu talo galay. Dhibaatada jirtaa waa in Soomaalidu ay sonkor ku daraan shaaha. Taasi oo la macne ah in haddii saddex ama afar koob oo sonkoraysan maalin kasta la cabbo in ay khatar caafimaad keeni karto. Haddii bunka ama shaaha loo adeegsado sokor badan waa hubaal in ay caafimaadka waxyeellayn karto" ayey tiri.

Shaaha Bigayska ah ayay dhakhaatiirtu ku tilmaameen cudud cusub oo lagula dagaalami karo xanuunada wadnaha iyo dhiig karka, sababtoo ah maadooyinka ku jiraa waxa ay la dagaalamaan duxda dhiiga gasha ee afka qalaad loogu yeedho "Cholesterol."

Dhakhaatiirta ayaa sheegay in maaddada Fluoride ay ilkaha ka yareeyso xanuunada ku dhaca sida suuska, cirrid -dhiigga iyo saliilyada, waxaanu hoos u dhigaa ama yareeyaa sida dhakhaatiirtani sheegeen suuska madoobeeya ilkaha.

Dagaal aan lagu kala adkaan

Sida ay ku doodayaan khubarada caafimaadka ee arrimahan u dhuun-daloola waa ay adag tahay in la kala saaro midka ku guulaysan kara doodda kala saaridda labadooda. Waxayse u badan tahay in ay noqon karto mid ku xidhan kala doorashada shakhsiga ah.

Waana mid ku xidhan rabitaanka qofka in uu doorto koob kafee ah ama mid shaah ah oo labaduba ka kooban kafeyin xaddi kala duwan ah oo saamaynaysa caafimaadkiisa.

Inkasta oo kafeegu uu jidhka siiyo tamar muuqata oo degdeg ah, haddana shaaha, gaar ahaan midka cagaaran ayaa isna leh faa'iido caafimaad oo dheeraad ah.

Laakiin Idil Tahliil waxa ay ku doodaysaa in labadooduba ay khatar caafimaad keeni karaan, haddii la dhaafiyo xaddigii loogu talo galay. Waxay sheegtay in taasi ay sababi karto hurdo la'aan ama in ay keeni karto degganaansho la'aan maskaxeed.