Lixda xaqiiqo ee aadan ka ogeyn bunka

Waxaa la rumeysan yahay in 2 bilyan oo koob oo bun ah maalintii laga cabbo dunida

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Waxaa la rumeysan yahay in 2 bilyan oo koob oo bun ah maalintii laga cabbo dunida

Waxaa aad sare ugu kacay cabidda kafeega, maadama dad badan ay jecel yihiin si ay nashaad ku dareemaan.

Sannadkii 1991-kii, isticmaalka kafeega ee dunida wuxuu ahaa ilaa 90 milyan oo jawaan ah, sida laga soo xigtay Ururka Caalamiga ah ee Kafeega (ICO). halka isticmaalka 2020/21 lagu qiyaasay in ka badan 167 milyan oo jawaan ah oo kafee ah.

Haddaba waxaan halkan idiin kuugu soo gudbineynaa dhowr xaqiio oo ku saabsan bunka.

Dadka qaar ayaa cuna bunka

Dadka waxay cabayeen kafeega muddo dheer, laakiin dadka qaar ayaa doorbidaya inay cunaan.

Shirkadaha qaar ayaa sidoo kale mirhaa qaxwada soo hara ka sameeya burka. Waxaa loo isticmaali karaa rootiga, shokolaatada iyo suugada.

kafeega

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, kafeega

Kafeega laga soo saaro saalada xayawaanka- aad buu qaali u yahay

Kafeega ugu qaalisan adduunka ayaa soo mara xiidmaha iyo malawadka mid ka mid ah xayawaanada ku nool adduunka sida Maroodiga

Kopi Luwak waa bun laga sameeya saalada xayawaan ku nool qaaradda Aasiya oo la yiraahdo Civet, kaas oo kamid ah naasleyda yar ee hilibka cunta isla markaana leh dhogor, wuxuu ku nool yahay geedaha timirta ee ku yaalla Indonesia.

Miraha bunkan ayaa marka ay soo maraan mindhicirrada xayawaankan la khamiiriyaa, ka dib waa la ururiyaa oo la iibiyaa.

500 gram oo bunkan ah ayaa waxaa lagu iibiyaa $700 oo doolar.

Kopi luwak waa bun laga sameeya saxarada xayawaan ku nool qaaradda Aasiya oo la yiraahdo Civet,

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kopi luwak waa bun laga sameeya saalada xayawaan ku nool qaaradda Aasiya oo la yiraahdo Civet

Waxaa bunkan tartan adag ku hayaa nooc kale oo la yiraahdo Black Ivory kaas oo gacanta lagu soo uruuriyo kadib marka uu cuno oo uu saxaroodo maroodiga ku nool dalka Thailand.

Bunkan madow ee Black Ivory ama Faanta Madoow waxaa ikhtiraacay Blake Dinkin oo u dhashay dalka Kanada, waxaana dalka Mareykanka lagu iibiyaa lacag dhan $85 doolar ( xirmo yar oo 35-gram ah).

Bunka caafimaadka ayuu u wanaagsan yahay

Daraasad lagu daabacay joornaalka akadeemiyada ee Annals of Internal Medicine ayaa soo jeediyay in cabbidda saddex koob oo kafee ah maalintii uu hoos u dhigi karo halista ka dhalan karta sida cudurrada wadnaha.

Sidoo kale daraasad cusub oo ay sameeyeen jaamacado ku yaalla Britain sanadkii hore ayaa lagu ogaaday in cabidda kafeega ay yareyn karto halista xanuunada ku dhaca beerka.

Dad goob ka cabbaya bunka

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Dad goob ka cabbaya bunka

Waxay sidoo kale ogaadeen waxtarka isticmaalka bunka aanan laheyn maaddada keenta nashaadka ee qofka ka qaada hurdada iyo caajiska ee Caffein-ta.

Kafeega markii hore wuu ahaa geed uu ariga daaqi jiray

Sida laga soo xigtay jariiradda The Legend, qarnigii 9-aad, nin ari jir ahaa oo la oran jiray Kaldi oo ku noolaa Itoobiya ayaa wuxuu arkay arigiisa uu cunayo miraha geedkan, wuxuuna ogaaday in ariga marka uu cuno geedka oo habeenkii idil soo jeedo iyagoo firfircoon.

Itoobiya ayaa lagu tilmaamaa goobta uu kasoo faracmay bunka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Itoobiya ayaa lagu tilmaamaa goobta uu kasoo faracmay bunka

Wuxuu arrintii u sheegay koox wadaado aheyd, oo garwaaqsaday inay miraha bunka u rogi karaan cabitaan kulul si ay ugu soo jeedaan cibaadada.

Magaciisu asalka ahaa wuxuu ahaa khamri

Qarnigii 15aad, bunka waxa lagu beeray dalka Yaman. magaca asalka ah, ee kafee waxay ka timid erey Yaman oo looga la jeedo khamriga.

Qarni ka dib, waxaa magacan looga yaqaanay dalalka Masar, Suuriya iyo Turkiga.

Dalalka Scandinavian-ka ayaa si aad ah looga isticmaalaa

Dalalka Scandinavian-ka ayaa si aad ah looga isticmaala bunka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dalalka Scandinavian-ka ayaa si aad ah looga isticmaala bunka

Sida laga soo xigtay ICO, dadka ku nool Finland ayaa ah kuwa ugu badan ee cabba bunka. Finland, qof kastaa wuxuu cabaa celcelis ahaan 12 kiilo oo bun ah sannadkii.

Waxaa ku xiga Norway (9.9 Kiilo qofkiiba), Iceland (9 kiilo), Denmark (8.7 kiilo) iyo Sweden (8.2 kiilo).