Magaalo lagaa takooraya haddaad bunka cabbin

Xigashada Sawirka, freeartist/Alamy
Magaalada Trieste ee ku taallo dalka Talyaaniga haddii aad bunka ugu yaraan maalinti laba jeer cabbin waxaad ka noqoneysaa qof shacabka intiisa kale ka takooran.
Magaalada dakadda uu bunka ugu badan ee laga isticmaalo dalka Talyaaniga uu ka soo dego ayaa ah magaala ku dhisan dhaqanka bun cabidda.
Magaala kasta oo Talyaaniga ku taallo marka uu qofku waagu u baryo waxa ugu horreeya uu ku billaabanyo waa bunka ama qaxwaha.
Balse Trieste oo ah magaalo ku taallo xeebta waqooyiga-bari ee Talyaaniga xaalkeedu waa uu ka duwan yahay.
Maqayad kasta oo bunka laga cabbo oo magaaladaasi ku taalla waxaa ugu badan ee laga dalbado wuxuu yahay bunka caanaha la socdo oo loo yaqaanno 'Cappuchino' oo qofka lagu siinayo koob yar oo dadka magaaladaasi ay aad u jecel yihiin.
Tan kale magaaladaasi waxay magaalooyinka kale ee Talyaaniga kaga duwan tahay bunka fadhiga ayaad ku cabbeysaa waddana lama mareysid oo markaad cabto unbaad soconeysaa.

Xigashada Sawirka, freeartist/Alamy
Waxaan u maleynayey markii ugu horreysay ee aan magaalada Trieste imanayey inaan u baahanahay shahaadada PHD si aan bun u dalbado" ayey tiri Maria Kochetkova oo tifaftire ka ah wargeys 'In Trieste' oo afka Ingiriisiga lagu qoro oo magalaadaasi laga akhristo.
"Halkii aad ka dalban lahayd Bunka (esperesso), waxaad dalbaneysaa 'nero', Cappuchino marka aad dalbaneysidna waxaad oraneysaa 'caffelatte' oo afka talyaaniga ah, dalabyaduna aad ayey u badan yihiin oo halkan kuma soo koobi karo" ayey tiri
Magaca magaalada qaxwaha ama bunka caanka ku ah ee Trieste micnaheeda wuxuu noqonayaa maqaayad gaar ah oo lagu caawiyo dadka cusub, ayuu yiri Francesco Stumpo.
Kochetkova waxaa kale oo ay sheegtay bunku inuu yahay dhaqanka ugu wanagsan ee bulshada magaalada Triesta ku nool isku xira.
Dad badan oo Talyaaniga ku nool maqaaxida waxay ula mid tahay hoygooda labaad. Guriga hoyga marka laga soo noqdo waa meesha keli ah ee nolosha bulshada ay isku dhex gasho. Saaxibbaduna marka ay rabaan iney sheekeystaan waxay ku kulmaan maqaaxiyaha oo ay wakhtiga ugu badan iskula qaataan.
Dadka ku nool magaalada Trieste ugu yaraan maalinti waxay bunka cabbaan laba jeer, waxaana intaa dheer waxayaabaha daruuriga oo qofka magaalada deggan uu bil walba soo adeegto inuu qaxwaha ugu horreeyo celcelis ahaanna qofka wuxuu sanadki isticmaalaa 10 kiilo oo bun ah ama qaxwa ah.

Xigashada Sawirka, Michael Brooks/Alamy
"Bunka halkan wax kale ayuu ka yahay", ayey tiri Alessandra Ressa oo ah macallimad dhigta luuqadda Ingiriiska oo ka soo jeedda San Francisco magaaladaasi 20 sano deggan.
"Inta badan maqaayadaha laga qaxweeyo ee ku yaalla magaalooyinka kale ee Talyaaniga bunka degdeg ayaad ku cabbeysaa weliba adiga oo taagan ama socda balse Trieste fadhi ayaad ku cabeysaa adiga oo aan degdegin. Qofka aan la ballaannana waxaan ku ballaminnaa maqaaxida bunka oo magaaladan ku arki meysid qof koob bun ah sito oo lugeynaya cid weliba fadhiga ayey bunka ku cabbeysaa" ayey tiri.
Miraha bunka ayaa la sheegaa inuu dalka Talyaaniga soo gaaray 1570-kii waxaana xilligaasi keenay dhakhtar caafimaad oo la odhan jiray Prospero Alpini isaga oo ka soo qaaday dalka Masar si dawo ahaan dadka u baahan uga iibiyo.
Inkasta oo cabbitaankiisa isla-markiba la jeclaaday, haddana waxaa ka dhashay shaki bunka laga qabo maadaamaa aan sameyntiisa la aqoon iyo xiriirka diinta islaamka uu la leeyahay.

Xigashada Sawirka, Michael Brooks/Alamy
Dad aaminsan madhabta Kaatooligga waxay ugu yeereen "Sharaabka Sheydaanka", iyada oo Baadari Clemet VIII uu soo jeediyey in la mamnuuco. Balse wax yar kaddib baadarigi laftiisa ayaa iclaamiyey cabitaanka bunka inuu wanaagsan yahay ayna habboneyn in diin gaar ah loo nisbeeyo.
Bartamihii qarniga 17-aadna magaalooyinka Venice iyo Vienna waxaa laga furay maqaaxiyihii ugu horreeyey oo bunka laga cabbo iyada oo loo arkayey inuu yahay sharaab qaali ah oo ay cabbaan madaxda iyo dadka caqliga u saaxibka oo keli ah.
Wixii intaa ka dambeeyeyna marba marka ka sii dambeysa waxaa isa soo tarayey ka ganacsiga bunka. Waxaana sameysmay shirkado caalamka ka keena bunka sida Illy oo aasaasantay 1933-kii iyo tobannaan shirkadood oo yaryar.
Magaalada qadiimiga ee Trieste waxaa weli laga helaa maqaaxiyo bunka lagu cabbo oo la furay 1800-yadii welina shaqeynaya.

Xigashada Sawirka, Wayman/Alamy
Magaaladuna waxay taariikh lama illaawan ah ku leedahay Dagaalkii Labaad ee Adduunka waxayna farriisimo u ahayd ciidammadii Mareykanka ee daka Talyaaniga qabsaday.
Magaalada Triesta qofkii safar ku tagay waxa ugu horreeya ee laga filayo ayaa waxay tahay inuu maqaaxiyaha bunka ee caanka ah ee magaaladaasi ku yaalla uu booqda isla-markaana bun uu ka dalbado. Haddii uu qof la ballamana uu madasha ballanta uu ka dhigao maqaaxiyaha bunka.
Alexandros Delithanassis waxaa uu yiri mar aan booqday mid ka mid ah kuwa ugu caansan maqaayadaha bunka lagu cabbo ee magaaladaasi waxaan kula kulmay koox ajaanib ah oo maqaayaddaasi ka qaxweyneysay oo ka soo kala jeeday dalalka Britain, Finland, Masar, Australia iyo Nepal.
Waxayna ii sheegeen inta ay magaaladaasi ku sugnaayeen iney bunka maqaaxiyaha magaaladan ee sida cajiibka ah bunka looga cabbo ay macamiil joogta ah u ahaayeen.











