Maxay shirkadda Meta u xayirtay boggii Instagramka ee fannaanka Kanye West?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shirkadda Meta ayaa xayirtay akoonka Instagram-ka ee fannaanka Mareykanka ah ee Kanye West muddo 24 saacadood ah, kaddib markii uu hadal cunsurinimo ku yiri majaajiliistaha Trevor Noah.
Bartiisa Instagram-ka, Kanye waxa uu uga jawaabay dhaleeceyn uga timid majaajilaystaha Trevor Noah ee la xiriirta hab-dhaqanka fannaanka ee ku wajahan xaaskiisa hore, xiddigta caanka ah ee Kim Kardashian, kaas oo Noah uu ku tilmaamay "Arrin fool xun".
Noah ayaa Kanye West ku dhaleeceeyey faallooyinka uu sida joogtada uga soo qoro Kardashian, carruurtiisa iyo seeyga hadda qaba ee Pete Davidson.
Meta, oo ah shirkadda iska leh Instagram-ka, ayaa sheegtay in Kanye uu ku xad-gudbay xeerarka u dagsan shirkadda iyo sidoo kale shuruucda uga taal aflagaadada.
Inkasta oo akoonkiisa Instagram-ku uu wali muuqdo oo shaqaynayo, haddana Kanye West wax faallo ah kuma qori karo , mana diri karo farriin toos ah.
Qoraal uu dhawaan soo dhigay bartiisa Instagram-ka ayaa Kanye West wuxuu xaaskiisii hore ee Kardashian ku eedeeyey in ay ka diiday in uu arko carruurtiisa - taas oo xaaskiisii hore ay beenisay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraal ay soo saartay shirkadda Meta ayay ku sheegtay in ay qaadayso "tallaabooyin dheeri ah" haddii ay aragto xadgudub kale oo dhan ah xeerarka u dagsan.
"Sida caadiga ah waxaan tillaabooyin dheeraad ah ka qaadnaa akoonnada ku xad-gudbay xeerarkeena annagoo xayirna barahaas," ayay shirkaddu intaas ku dartay.
Meta waxa kale oo ay xustay in "hadalkii cayda ahaa" ay ka saartay koontada Kanye.
Mar uu soo bandhigayey showgiisa "The Daily Show" ee Comedy Central, Trevor Noah wuxuu faallo ka bixiyay ficillada Kanye ee ku wajahan xaaskiisii hore ee Kardashian.
Noah wuxuu yiri, "Waxaa laga yaabaa inaadan u nixin Kim sababtoo ah waa maalqabeen caan ah, laakiin waxa iyada (Kim) ay ku sugan tahay waa mid aad u xun oo iftiiminaya waxa dumar badani soo maraan marka ay doortaan in raggooda ay kala tagaan."
Kanye West, oo si sharci ah magaciisa u beddelay "Ye", ayaa dagaal shaac baxsan la galay Kim Kardashian iyo Pete Davidson. Fanaanka heesaha raabka ah qaada ayaa waxa uu soo dhigayay sawirro fariimo gaar ah oo u dhexeeya sadexdooda.
Isaga oo ka jawaabaya faallooyinka Trevor Noah, Kanye waxa uu Instagram-kiisa soo dhigay sawirka natiijooyinka raadinta Google ee Trevor Noah. Waxa uu sawirka ku lifaaqay ereyada heesta Afrikaan Ameerikaanka ah, iyada oo qaar ka mid ah heesaha loo beddelay qaab cunsuriyad ah.
Waxaa markiiba waa la tirtiray boostigaas uu bartiisa soo dhigay.
Taageerayaasha Kanye West ayaa wali geli kara bartiisa oo faallooyin ka bixin kara balse asaga waa laga xiray oo waxba kuma qori karo.










