Kanye West ayaa beeniyay in uu qalqalay markii la weeydiiyay su'aal Trump ku saabsan

Kanye West iyo Donald Trump oo kulmay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kanye West iyo Donald Trump oo kulmay

Fanaanka caanka ah ee Mareykanka u dhashay Kanye West ayaa beeniyay inuu khalkhalay markii barnaamij telefishiin si toos ah uga baxayay lagu weeydiyay su'aal ah inuu taageero madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo in kale.

Kanye West ayaa sheegay in su'aasha la weydiyay aanan la siinin wakhti uu uga jawaabo.

Heesaagan ayaa u muuqday sida qof argagaxsan, hadal ayaa kasoo bixi waayay kaddib markii ninkii barnaamijka daadihinyay uu weydiyay su'aal ah inuu rumaysan yahay in Madaxweynaha Mareykanka Trump uu ka shaqeeyo dareyeelka dadka madowga ah ee dalkaasi ku nool iyo in kale.

Kanye West ayaa aamusay barnaamijka waxaa la geliyay iidhahyo xayaysiis ah.

Balse fanaan Kanye West ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in aanan la siinin fursad uu jawaab ku bixiyo.

Wuxuu yiri "Sua'aasha waxay ahayd mid muhiim ah, waxaan qaatay wakhtii aan ku fikiro, kaddibna waxaa laiigu yiri aan ku nasanno iidhahyo xayaysiis ah"

Kanye West

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kanye West

Heesaagan 41 jirka aha ayaa horraan ku tilmaamay Madaxweyne Trump inuu yahay 'Walalkiisa' islamarkaasna ay leeyihin awood.

Kenya West ayaa qaybtii hore ee barnaamijka lagu weydiyay sababta uu goob fagaare uga sheegay inuu tageersan yahay madaxweyne Trump.

Wuxuu yiri " Haddii aan ahay heesaa Amerikaan sidoo kalena ah Afrikaan ah, qof kasta oo iga agdhawaa wuxuu isku dayay inuu ii soo xulo musharraxa aan taageeri doono doorashada"

Wuxuu intaasi ku daray inay jiraan waxyaabo ay dadka aaminsan yihiin oo ah 'dadka madowga inay tageeraan xisbiga dimuqraadiga'